Goormuu Gudoomiye Degmo iyo Sarkaal Ciidan Noqdeen Dhul Bixiye.
Rag Isbiirsadey oo ka Faaideystey Hadalkii Madaxweyne Xasan Shiikh.
Madaxweynha Dowladda Federaalka ee Somaaliya ayaa waxaa uu kal hore ka
Dhawaajiyey in Marka ay Dowladu Dhaqaale u hesho Dhismayaasha Dowladda laga
saarayo Dadka Degan , balse inta ka horeysa aan Cidi laga saari Karin
Dhismayaasha Dowladda hase yeeshee hadalkii Madaxweynaha waxaa si Dadban uga
faaideystey Gudoomiyayaashii Degmooyinka iyo qaar ka mid ah Saraakiisha
Ciidamada Dowladda kuwaa oo Bilaabey in dadka si sahlan looga Barakiciyo Goobaha
Dowlada ay Degen yihiin.
Hadaba maxaa dhacay wixii ka dambeeyey Hadalkii Madaxweynaha , waxay
Gudoomiyayashii iyo Saraakiil Ciidanka ay bilaabeen in ay kaga Faaiideystaan
Shaarkii Dowlada in Bulshada iyo Dowlada la iska horkeeno iyadoo weliban aysan
meesha ka marneyn Ganacsato Jeeb Buuran iyo Dalaaliin kuwaa oo mar waliba Ishaa
Falateysanaya Goobaha Dowlada oo ay u arkaan meel looga faaideysan karo Danaha
gaarka ah iyadoo aan Dheg Jalaq loo siiin Cabashada Bulshada oo aan Garanayn
meel ay Ciirsadaan wilbana lagu Qaaliyeeyey Gurihii ay Degi lahaayeen ama
Kireysan lahayeen waxayna qaarkood oo hore u Awoodi jirey in ay Kireystaan Guri
ayna ku soo Urureen Guryo Cooshado ka sameysan waxaan aad uga naxay Ninkaa
Saxaaibkey ah oo waa Guri noo wada Kireysnaa oo maanta Degen Guri Bac ka
sameysan waxaana uu ku Caatabey “Saaxiib waad u jeedaa meesha ay Ilmaheyga
jiifaan waana Xaalada maanta Dalka uu marayo wixii nagu filaan jirey oo weliba
Guriga Ijaarkiisa aan isaga bixin jirney maanta ma hayno welee Qab-Qabayaashii
Dagaalkaa noo roonaa”.
Waxyaabaha uur ku taalada ee ka soo baxaya dadkii Guryaha Dowlada laga saarey ee
dhacdooyinka Xanuunka leh Qabsadey waxaa ka mid Hooyo iyo laba Caruur ah oo
Degenaa Xaafada Afisyooni taasoo Xoog looga saarey Gurigii ay degeneyd ayey
waxay Ciin Bidey in ay Tahriib gasho , waxaana lagu waramey in iyadii iyo
labadii Caruurta ee ay Dhashey ay ku Geeriyoodeen Xeebaha u dhaxeeya Soomaaliya
iyo Yaman,hadaba yaa iska leh Musuuliyada Dadkaas la dayacay oo Saraakiil uga
Faaideysteen Shaar Dowladeed, waana dadkii loo baahnaa in Dowlada Gacan qabto
waayo Shacabka waxay u baahan yihiin in Dowlada meel Dejiso ama ay Daryeesho si
looga badbaadiyo in wixii ku dhacay Hooyadaas iyo Caruurteeda.
Nin Odey ah o ka mid ahaa Dadkii Degenaa Dugsiga Farsamada ayaa yiri “ Waxaa
markii hore naloo sheegey in Caruurtiina wax ku baranayaan halkaan si lacag
la.aan ah hase yeeshee maanta inta Awooda ayaa Caruurtooda wax loogu baraa ,waxaa
ka si yaab badan in labadii Qol ee aan ka degenaa Dugsiga Farsamada aan ugu
tagey Qoys Turki ah oo odeyga reerka la ii sheegey in uu Macalin ka yahay
Dugsiga , Hadaba waxaan ii soo baxay in Dowlada aysan waxba ka ogeyn Shacabkeeda
Dalkana loo yimid in laga ganacsado si Dadban iyo si Toos ah “
Nin ka tirsanaa Cidamada Dowladda oo si Gabaad ah u degenaa Xerada Afisyooni
ayaa waxaa lagu qasbey isaga iyo Caruurtiisa in ay halkaa ka Guuraan , waxaana
dhacay in Hooyadii reer ay degaan Xaafada Yaaqshiid halkaas ayaa Askarii lagu
diley oo Caruurtii ku Ogoontoobeen , waxayna Dhacdadaan ku Tusineysaa in ka
saarista Guryaha Dowlada ay ku soo beegmateyn iyadoo Dowlada weli si buuxda
Nabad ugu soo dabaalin Magaalada Muqdisho, waayo Shacabka marka ay Nabad helaan
ayaa wax weliba laga sameysan marka Sahacab aan Nabad heysan sidee Xiligaan loo
Barakicin karaa waxaana ku tilmaami karaa waa arrin lagu deg degey.
Nin kale oo isna ka tirsan Ciidamada Dowlada ayaa Gurigii uu ka degenaa
Afisyooni markii horena loo sheegey in aan Guriga laga saari doonin maadaama uu
yahay Askari Dowladeed waxaa uu noo sheegey in Gurigii la dejiyey Askari kale oo
ka dib markii si Qabiil ah looga saarey marka waxaa uu leeyahay Askarigaas
miyeysan u Sineyn Gurigaas , waxaa halkaa kaaga Muuqda in si Qaladan looga
faaideysanyo Hadallkii Madaxweyne kuwaa oo ay sameynayaan Saraakiil Ciidan iyo
Gudoomiyayaasha Degmooyinka, waxayn dadka qaar ay leeyihiin maanta ma jiro
General aan Guri lahayn waxay kaloo Bulshadu la yaaban tahay ma la joogaa Xiligi
Ciidan Cir la sameyn lahaa waayo ayey leeyihiin Ciidamadii Dhulka ayaa waxay la’
yihiin Daryeel dhinac waliba leh ha noqoto Mushaar iyo Qalab ,Nin ka tirsan
Ciidamada ayaa ii sheegey in 500 Ciidan ah oo la sheegey in ay ka tirsan yihiin
Ciidamada Cirka lagu qaato Mushaar been been ah iyo Ciidamo aan jirin.
Prof Saciid Ciise Maxamuud oo ah Gudoomiyaha Xisbiga dadka kana mid ahaa
Musharaxiinta Tartankii Doorashada Madaxweynaha Soomaaliaya ayaa Nabadgelyo
Xumida ka jirta Muqdisho waxaa uu ku Micneeyey in ay saldhig u tahay Bulshada
laga saarayo Guryaha Dowlada marka Shacab la Daryeeli waayey sidee buu uga qayb
qaadan karaa Nabadgelyada waayo wax kasta oo Dowlada looga soo horjeedo ayuu
Fududdeynayaa weliba waxaa Dhici karta in uu Qariyo hadii aagtiisa lagu Duugo
Nuyukleer waxaana Arrinkaas ka dambeeya Gudoomiyayayasha Degamooyinka iyo
Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Milatariga iyo Booliiska kuwaa oo doonaya in ay
iska horkeen Dowlada ityo Shacabka, Sheekadii ugu yaabka badneyn waxay ahayd
markii laga Quustey Dad degenaa Guryo Dowladeed in laga saaro ayaa waxaa
habeenkii Dambe Agtooda laga ridey Baasuuke, ayaa markii uu waagu Baryey waxaa
Goobtii isku gadaamey Ciidamo ay soo Abaabuleen Ganacsato ,waxaana dadkii lagu
yiri” Meeshaan baan Xaley laga soo Abaabuley Baasuukaha marka deg deg ha loo
Baneeyo sidii baa dadkii lagu Barakiciyey halkiina Ganasato ayaa Dhisatey marka
waa Sheeko ay soo Abaabuleen Gudoomiyaha Degmada , Saraakiil Ciidan iyo
Ganacsato.sidoo kale maraka qaar waxaa Dhacda in mararka qaar ay isku dhacaan
Gudoomityaha Degmada iyo Saraakiisha Ciidan ka dib marka ay isku qabsadaan
Arrimo Dhul
Dhismayaashii Dowlada ee hore looga saarey Shacabka qaarkood waxay noqdeen Goobo
Qashinka lagu Qubo oo Bahalo galeen ah,qaarkood waxaa la siiyey Shaqsiyaad kuwaa
oo Dugsiyo ka dhigtey ka dib markii ay bixin waayeen Lacagihii Guryaha ugu
Kireysnaa,waxaana Caruurta Soomaaliyeed Dugsigaas ay Dowladu leedahay looga
qaadaa Lacag waxaana Dugsiyadaas bixiyey qaar ka mid aha Gudoomiyayaasha
Degmooyinka ka dib markii uu gacan ka heley Saraal Ciidan oo meel ugu xareysan
yiihiin Xoogaa Ciidan ah maadaama Gudoomiyaha uusan haysan Ciidan ku filan oo
Dadka lagu Barakiciyo , kuwa kale waxaa la siiyey Jaamacado ka dib markii iyana
ay bixin waayeen Kiradii Guryihii hore ugu Kireysnaa, waxana ardeyda
Soomaaliyeed looga qaadaa Lacag Xad dhaaf ah waxaana Lacagtaas iska bixin kara
Dabaqada sare waxaana meesha ka baxay Dabaqadii hoose oo Dowlada looga baahnaa
in ay Daryeesho kuwaa oo maanta Dariif adag ku hayso Magaalada Muqdisho iyo
Daafaheeda waxaana Bulshada haatan ay noqdeen kuwa sidii Garabka loogu riixayey
oo loo Barakicinayey Magaaladii laga saarey .
Markaad booqato Maxkamadaha waxa ugu badan ee la isku haysto waa Dhul ama Guri
waxaana la dhihi karaa waa Dhibaatooyinka Xalka loo helin waxaana Xasuustaa
Xiligii Maxkamadaha islaamka markii ay ogaadeen in Dhibaatada is qabqabsiga
Dhulalka ayey Gabi ahaan joojiyeen oo ay iska Xireen Baabkaas ,waxaa iigu yaab
badneyd markii aan Idaacad ka maqaley Xero Dowlo oo uu Shaqsi baafinayo oo uu
leeyahay lama Dhisan karo lamana Iibsan karo lamana Degi karo waa Dhul Reer
Hebel leeyihiin marka isku soo duuboo Dowlada ayaa looga fadhiyaa sidii arintaan
u maareyn lahayd hadii kale shacabka waxaa ka soo dhow in ay Kacdoon sameeyaan
waayo Shacabka markaad la sheekeysato waxay ku leeyihiin Diyaar baanu nahay in
aan ka baxno Dhismayaasha Dowlada waa hadii si Cadaalad ah loo Maamulayo , waxay
dadka qaar ka Daadigi la’ in Dhulkii Banaanaa ee Dowladu lahayd oo ku yaal
lambar Afar ay dhisteen Shaqsiyaad marka waxaa is weydiin mudan miyeysan dadkaas
Sharciga Qabaneyn mise arrintu waa Miskiinaa leh Msko la Fuulo , waxaa sidoo
kale Shacabka ay leeyihiin waxaaba soo dhow oo dhic karta in Reer Gurigoodii ay
xaqa u lahaayeen in lagu Habasado ka dib markii sidaa ay amar ku bixyaan
Gudoomiye Degmo ama Saraakaal Ciidan. sidoo kale Dhulal ku yaaley
DegmmoyinkaGobolka Banaadir oo Dowladu lahayd ama Dan guud ahaa ayaa waxaa
bixiyey Gudoomiyaha Degmada iyo Saraakiisha Ciidamada ee Degmaas u Xilsaaran
sidaa darteed hadii aan Dowladu wax ka qaban waxa hadda Socda in arrintu faraha
ka bixi doonto,waxaana ku soo Gunaanadayaa oo in la is weydiiyo mudan Goormuu
Gudoomiye Degmo iyo Saraakaal Ciidan Noqdeen Dhul Bixiyayaal ama Dadka Guryaha
ka saaraan,waxaa Dhul bixin lagu ogaa Dowlada Hoose waxaa Dhab ah hadalkii
Madaxweynaha laga Faaideystey ee ahaa in Dhismayaasha Dowladda marka ay Dowlada
Dhaqaale u hesho dadka laga saarayo Marka ragaan is biirsadey oo uu isteerinka u
hayo Ganacsi ku sheega in ay Dowladu Il gaar ah ku eegto
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 14, 2013
|