SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Ururka Bisha Cas ee Iran oo Howlo Samafal ka Fuliyey intii lagu Guda jirey Bishii Barakeysneyd ee Ramadaan

Markii ay dalka uu ka Dilaacdey Abaartii 2011 ayaa waxaa Dalka Soomaaliya u soo Gurmad Hayado fara badan iyo qaar ka mdi ah Wadamada Caalamka , waxaana Hayadihi u soo Gurmadey ka mid ahaa Ururka Bisha Cas ee Iiraan , waxayna Guud ahaan dalka oo dhan ka sameyeen Barnaamijyo Samafal oo dadka Abaaraha loogu Gargaarayo kuwaas oo isugu jirey Qaybinta Noocyo kala duwan oo Raashin ah oo ay siineysey Dadka Barakacayaasha ee ku Jira Xerayaha , Agoonta , iyo Dad iyagana Tabaaleysan , sidoo kale waxay Fureen Xarumo Dadka lagu Quudiyo, iyo Xarumo Caafimaad oo lagu Daweeyo Haweenka iyo Caruurta.

Intii lagu Guda jirey Bishii Ramadaan ee Barakeysaneyd ayaa Ururka Bisha Cas ee Iraan waxaa Magaalada Muqdisho, iyo qaar ka mid Gobolada ka bilaabey Howlo Samafal oo loogu Gargaarayo Dadka aan Haysan wax ay ku Afuraan kuwaas oo Ururka Bisha Cas ee Iiraan u fidiyey Garagaar aad u balaaran , waxaana Dadka la siiyey Gargaarkaas ay isugu Jireen dad ku jira Xerooyinka Barakacayaasha, Agoon, Isbitaalka Martini iyo dad kale oo Dhibaateysan

Ururka Bisha Cas ee Iiraan ayaa intii lagu Guda jirey Bishii Barakeysneyd ee Ramadaan waxay Qaybiyeen Raashin isugu jirey Bariis iyo Kaluun , waxaana ka mid ahaa Goobihii ay ka qaybiyeen Gargaarkaas Balaaran Naafada Xoogga Dalka ee Isbitaalka Martiini , Xarumo Ogoon oo ku yaal Magaalada Muqdisho, Xerooyin Barakacayaal ah ku yaal Gobolka Banaadir , iyo Gobolka Shabeelada Hoose gaar ahaan Magaalada Afgooye .

Dadka ka Faaideystey Gargaarkaas ay Bixisey Ururka Bisha Cas ee Iraan intii lagu Guda jirey Bisha Barakeysan ee Ramadaan waxay gaarayaan Kun iyo Afar Boqol oo Qoys ( 1400 Qoys ) Dadkaas oo ahaa Dad aad ugu dhibaaateysnaa si aad ahna ugu Baahnaa Gargaarkaas maadaama Bisha ay ahayd Bishii Barakeysaneyd ee Ramadaan, waxayna Dadkii la siiyey Gargaargaas ay si aad ah ugu Mahadceliyeen Ururka Bisha Cas ee Iran (IRCS ), waxayna u soo jeediyeen Ururkaas in ay halkaas ka sii wadaan Gacansiinta Walaahooda Soomaaliyeed ee ay isugu Darsameen Abaaraha, Colaadaha iyo Cudurada.

Ururka Bisha Cas ee Iran waxaa lagu Tiriyaa Hayadaha fara ku Tiriska ah ee sida weyn ugu soo Gurmadey Shacabka Soomaaliyeed Xili ay ku jreen Abaar aad u daran,waxayna Masuuliyiinta Ururka Bisha Cas ee Iiran ay noo sheegeen in Soomaaliya u joogaan sidii ay u Caawini lahaayeen Walaalahooda Soomaaliyeed ee ha noqoto Dhinaca Caafimaadka ,Daryeelka Agoonta , u Gargaarida Dadka ku jira Xeryaha Barakacayaasha kuwaas oo ku kala Sugan Guud ahaan Dalka

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 13, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;