Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Wadda Qorshe ay Wax Kaga Qabanayso
Ammaanka Muqdisho.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo
Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Saxaafadda la hadlay ayaa ka
Warbixiyay Kulan Saacdo dheer qaatay oo Golaha Wasiiradu ay ku yeesheen Xafiiska
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegay in
kulankii ay yeesheen Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya looga
dan lahaa sidii wax badan looga qaban lahaa Xaaladaha Amnidarro ee ka jira
Magaalada Muqdisho.
Cabdikariin Xuseen ayaa sheegay in kulankii Goluhu uu ku yeeshay Xafiiska
Ra’iisul Wasaaraha lagu muujiyay in Xaaladda ammaanku ay tahay mid wanaagsan
isla markaana hawlgaladii ay Ciidamada Ammaanku sameeyeen ay ku guuleystaan in
ay wax badan ka qabtaan dib u soo celinta ammaanka Magaalada Muqdisho.
Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa soo qaatay hawlgaladii u
dambeeyay ee Ciidamadu ay sameeyeen, Degmooyinkii ay ka sameeyeen waxyaabihii ay
k soo qabteen isagoona hoosta ka xarriiqay in Hawl galadaas laga sameeyay
Degmooyinka Yaaqshiid, Heliwaa Kaaraan, Xamar Jab Jab Deyniile, Wadajir iyo
meelo kaleba in ay ku soo qabteen dad faran badan
Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa hadalkiisa ku afjaray in ay sii wadayaan
hawlgalada ay Magaalada Muqdisho kaga Nadiifinayaan Kooxo uu sheegay in Nabadda
Liddi ay ku yihiin isla markaana waqtiyada soo socda ay Magaaladu Caadigeeda ku
soo laaban doonto.
Kulan aan caadi ahayn Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalku waxa ay ku
yeesheen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Kulankaas oo qaatay in ka badan Shan
Saacadood oo Xiriir ah ayaa hadan waxaa uu ku soo beegmey Xili Suuqa Bakaaraha
lagu diley Laba Askari oo Canshuur ururineysey, sidoo kale waxaa Xaley Magaalada
ka dhacay Qaraxyo Bambaano oo dad ay ku dhaawacmeen.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Warsaxaafadeed:
Faah faahin ku saabsan Ra’iisul Wasaaraha oo caawa kulan la qaatay wasiiro
iyo saraakiisha amniga
Muqdisho, August 12, 2013-----Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya
Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa caawa kulan la qaatay Wasiirada
Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, Wasiirka
Cadaalada iyo Garsoorka Cabdullaahi Ebyan Nuur, Wasiirka Ganacsiga Maxamuud
Axmad Xasan, Wasiir kuxigeeno, Taliyeyaasha Ciidanka iyo maamulka gobolka
Banaadir, waxaana kulankan oo soconayay muddo ku dhow 5 saacadood lagu gorfeeyey
sugida amniga caasimadda iyo horumaro laga gaaray xaqiijintiisa.
Kulankan ayaa markii uu soo
gabagaboobay waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga
Cabdikariin waxaana uu sheegay in kulankan gebi ahaanba looga arrinsanayay
sugida amaanka dalka, iyo howlgaladii ugu dambeeyey ee ay ciidanka amnigu
sameeyeen kuwaasoo laga gaaray horumaro dhanka la dagaalanka kooxaha nabadiidka
iyo weliba unugyo isku xiran oo ku howlanaa qal qal gelinta amniga shacabka.
“Caawa waxaa halkan ka dhacay kulan aad u muhiim ah oo uu shir guddoominayay
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda, waxaana si qotadheer looga hadlay waxqabadka
hay’addaha amniga ee dalka, gaar ahaana Muqdisho, waxaana si aad ah looga dooday
qorshaha sugida amniga iyo xasilinta, dood dheer kadib waxaa la isla qiray in
Asbuucii ugu dambeeyey la sugay amniga magaalada, waxaana hay’addaha amniga
iyaga oo is kaashanaya ay Asbuucii la soo dhaafay burburiyeen, gacantana ku soo
dhigeen 17 unug oo ka mid ahaa kooxaha nabadiidka ah ee Shabaab” ayuu yiri
wasiirka Arrimaha gudaha oo xusay in unugyadan oo ka kooban halkii unugba inta u
dhaxeysa 11 illaa 3 xubnood gacanta lagu soo dhigay iyaga oo ku howlan falal ay
ku maja xaabinayaan amniga magaalada kuna dhibaateynayaan dadweynaha.
Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in warbixino cad cad ay hay’addaha amnigu ka soo
gudbiyeen kooxahan nabadiidka ah, si loo cirib tiro kuwa weli dhuumaaleysiga ku
jira. Waxaana uu sheegay in degmooyinka howlgaladan laga fuliyay ay ka mid
yihiin Yaaqshiid, Kaaraan, Wardhiigley, Xamarweyne, Xamarjajab, Shibis, Bakaaro,
Heliwaa, Dayniile iyo Wadajir isaga oo tirada guud ee kooxahan qaswadayaasha ee
gacanta lagu dhigay ay dhanyihiin 39 xubnood.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ayaa sidoo kale xusay inay jiraan howlo
ballaaran oo weli ay ku guda jiraan hay’addaha amniga kuwaasoo ay dhidibada ugu
siibayaan unugyada kooxahan nabad diidka ah ee shacabka dhibaateeya.
“Runtii waa guul bilow ah, waxaana rajeynayaa in la xaqiijin doono amniga dalka,
gaar ahaana caasimadda, waana waajib na saaran in kooxahaas qaswayaasha ah aanu
shacabka ka badbaadino” ayuu yiri Wasiirka oo dhanka kale shacabka ugu baaqay
inay gacan ka geystaan ka hortaga iyo la dagaalanka kooxahan qaswadayaasha ah.
Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay Wasiirada iyo saraakiisha amniga ayaa waxa
uu qeyb ka yahay kulamo is daba jooga ah oo uu la qaadanayay todobaadyadii ugu
dambeeyey hay’addaha amniga kuwaasoo uu kula xisaabtamayay xaqiijinta amniga iyo
xasilinta.
---Dhamaad----
Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 13, 2013
|