Ra’iisul Wasaaraha oo la ciiday Ciidanka iyo Naafadii xoogga dalka
Muqdisho, August 8, 2013----Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka
Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, ayaa maanta booqasho ku tegay
xarumo ay ka mid yihiin Isbitaalka Martino ee ay ku nool yihiin Naafada ciidanka
xoogga, Wasaaradda Gaashaandhigga, Dugsiga tababarka ee Jazeera, iyo xarunta
Villa Baydhabo ee taliska ciidanka xoogga, isaga oo la ciiday dhamaamba Askarta
ku jirta xeryahaasi iyo Naafada xoogga dalka.
![](saacidka.jpg)
Kormeerkiisan xeryaha ciidamada iyo Naafada xoogga dalka ayaa waxaa ku wehliyay
Wasiirka Cadaalada Mudane Cabdullaahi Ebyan Nuur, Wasiirka Kheyraadka Mudane
Cabdirisaaq Cumar Axmad, Wasiir kuxigeenada Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha, iyo
Warfaafinta, iyo sidoo kale taliyeyaasha ciidamada Millateriga, Boliiska iyo
Nabadsugida.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyntii booqday Isbitaalka Martiini halkaasoo ay
degan yihiin Naafadii ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka qeybgalay
dagaalkii 77, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul
Fitriga maalinta koowaad, isaga oo u balan qaaday inay si joogto ah u heli
doonaan xaquuqdooda ayna ku xaquuqyihiin Askariga jooga furinta hore.
![](bariis2.jpg)
“Muhiimada aad noo leedihiin
waxaad ka garan kartaan in mushaarka ciidamada la siiyay adinka la idinku
bilaabay, sababtoo ah Qaranka xushmad gaar ah ayaad ku leedihiin maadaama aad
xubnihiina qaaliga ah u weyseen difaaca dalka, waxaana idiin balan qaadayaa
intii karaankeena ah in dawladdu aaney waxba idinka hagran doonin, maadaama aad
tihiin taariikh nool ” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo u sheegay in dawladdu
aaney ilaawin kaalinta Naafada xoogga.
Sidoo kale, Ra’iisu Wasaaraha ayaa tegay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga
halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidanka xoogga dalka, isaga oo u jeediyay khudbo
dhiiragelin iyo mahadnaq ah, waxaana taliyaha ciidanka xoogga Jen. Daahir Aadan
Cilmi uu goobta ku siiyay warbixino la xariira diyaar garow ay ugu jiraan in
Wasaaradda Gaashaandhiga ay u soo guurto xaruntaasi sida weyn loo dayactiray.
Wuxuuna xusay in ciidankani ay qabaan tababaro tayo sare leh oo ay siiyeen
saraakiisha ciidanka Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada ayaa
sidoo kale booqday Dugsiga tababarka ee Jazeera oo ku taala duleedka magaalada,
halkaasoo ay ku jiraan ciidamo tiradoodu gaareyso 1,080 (Kun iyo sideetan Askari)
oo loogu magac daray Cali Boobaaye-2, kuwaasoo dhameystay tababaro. waxaana
intii uu Ra’iisul Wasaaruhu la dabaal degayay Ciidanka jawigu uu ahaa mid ay
qiiro ku dheehantahay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ciidankan kula dardaarmay inay si hufan u fuliyaan
howlaha Qaranka ee loo idmaday, isaga oo u balanqaaday in si deg deg ah loo
qalabeyn doono loona howlgelin doono.
“Todobaadka soo socda Insha allahu waa la idiin dhameystirayaa qalabkiina,
waxaana la idiinkaga fadhiyaa inaad qeyb libaax ka qaadataan soo celinta amniga
dalka” ayuu kula dardaarmay Ra’iisul Wasaare Saacid.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon ayaa
booqday xarunta taliska ciidanka Xoogga ee Villa Baydhabo, waxaana halkaasi uu
kula kulmay dhamaamba qeybaha kala duwan ee saraakiisha ciidanka Xoogga, isaga
oo sidoo kalena kormeeray hogaanada ciidanka.
“Saraakiishiina waxaa idin saaran mas’uuliyad aad u culus, waxaana la idinka
sugayaa inaad soo celisaan sharaftii iyo magacii ciidanka xoogga, waxaad
noqoneysaan Jiilka ugu taariikhda wanaagsan haddii aad ka gudbisaan dalka
marxaladdaan adag” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo xusay in dawladda
Soomaaliyeed ay muhiimada koowaad, labaad iyo saddexaadba siisay ciidanka si loo
xaqiijiyo amniga iyo kala dambeynta.
Intii uu ku guda jiray Ra’iisul Wasaaruhu dabaaldega munaasabadda ciida waxaa la
arkayay wadooyinka magaalada oo dad badani ay isugu soo baxeen, kuwaasoo
daawanayay wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ee la ciidayay Ciidanka.
Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia
Madaxweynaha Soomaaliya oo Hambalyada Ciida u diray shacabka Soomaaliyeed
![](xasan1.JPG)
![](xasan805.jpg) Muqdisho,
08 August 2013 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan
Sheekh Maxamud ayaa maanta dhammaan shacabka muslimiinta ah, gaar ahaan shacabka
Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u direy hambalyada ciidul fitriga oo
maanta caalamka oo dhan looga dabaaldegayo.
Madaxweynaha ayaa yiri “Alla maanta iyo maanta si wanaagsan u ciidda, alla
maanta iyo maanta si wanaagsan u ciidda. Soonkii aad soonteenna EEBBE ajar iyo
xasanaad hanaga wada siiyo. Waxey aheyd bil cibaado oo ummadda meel walba oo ay
joogto si nabad ah ku cibaadeysteen marka loo fiiriyo sanooyinkii ka horreeyey.
Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waa inay gacmaha is-qabsadaan oo
ay si wadajir ah u wada ciidaan, una kaalmeeyaan wallaalahooda aan wax heysan,
gaar ahaan carruurta deriska fiiro gaar ah haloo yeesho si ay maalinta farxadda
u wada ciidaan.”
Madaxweynahu waxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka wada shaqeeyaan
nabadda, iyo dib-u-heshiisiinta, si dalka uu u noqdo mid horumar ballaaran
sameeya. Farxadda Ciiddana waa mid nooga baahan inaan isu naxariisano, danteenna
guudna ka wada shaqeyno.
Alle maanta ayaanta iyo ciidda wanaagsan, Illaahii na siiyey isagaa ku abaalle,
alla maanta iyo maanta si wanaagsan u ciidda. http://www.youtube.com/watch?v=2uEDjczaLZU&sns=em
- DHAMAAD –
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow),
Senior Advisor & Spokesperson to the
Office of the President,
yarisow@presidency.gov.so, engabdirahman@gmail.com
+252 615 479911 or +252 699 998854
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 8, 2013
|