R.Wasaaraha ayaa u diraya hambalyo ku aadan Ciidul Fidriga dhamaan shacabka
Soomaaliyeed
Kulu Caam Wa-antum Bikhayr
Muqdisho,
07, Augst, 2013.. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya
mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa halkaan caawa Hamabalyo uga diraya
dhamaan shucuubta islaamka gaar ahaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay
joogaan.
“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Xukuumadda, waxaan halkaan Hambalyo ku
aadan Ciidul Fidriga uga dirayaa dhamaan ummada Soomaaliyeed in uu Ilaahay ku
gaarsiiyo Sanadkan kiisa kale Barwaaqo, Bash-Bash, Caafimaad iyo imaan Suuban.
Waxaan sidoo kale Ilaahayna idiinka baryayaa inuu idinka aqbalo soonkii aad
soonteen bisha barakaysan ee Ramadaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu oo dhanka
kalana sheegay in. Ciidul fidiriga iyo Ciidul Adxadu ay muhiimad gaar ah u
leeyihiin dadka Muslimiinta, waana maalmo weynayntoodu qiimo weyn ugu fadhiyaan
dhamaan shucuubta Muslimiinta. Waxaa kulma bulshada qaybaheeda kala duwan iyagoo
isugu hambalyeeynaya, farxada Ciidda,
“Waxaana halkan baaqa uga dirayaa anigoo ka fa’idaysanaya fursadaan Ciida
dhamaan shacabka Soomaaliyeed inay iscafiyaan, isu naxariistaan, una midoobaan
cadowgooda habeen iyo maalinba u taagan qaraxyada iyo dhibaataynta shacabka”
“Waxaana hambalyo gaar ah u dirayaa ciidamada qalabka sida oo habayn iyo maalin
u taagan difaaca dadkooda iyo dalkooda, iyagoo ku shaqaynaya duruufo adag,
Waxaan dhanka kale ugu baaqayaa dhalinyarada la marin habaabiyay ee loo
adegsanayo dhibaataynta shacabka iyo bur-burinta dalka inay ka waantoobaan
falalka argagixiso ayna ku soo biiraan bulshadooda Soomaaliyeed ee nabada jecel”
Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka soo muuqato
rajo wanaagsan oo dhanka siyaasadda, horumarka dhaqaalaha, adeegayada bulshada,
iyo dadaal dheeri ah oo ay dowladu ugu jirto sidii ay muwaadiniinta Soomaaliyeed
u heli lahaayeen nabad galyo taam ah, taasna loo baahan yahay in ay shacabku ku
garab istaagaan dowladooda si wadanka loo gaarsiiyo horumar.
---DHAMAAD---
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director Office of the Prime Minister
Mogadisho-Somalia
Media@opm.gov.so
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 7, 2013
|