SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Ururka Women , Children And Elders Aid Organization (WCEAO) oo Maalmaha Ciidda London ku Qaban doono Barnaamij Taburucaad ah

Ururka Women , Children And Elders Aid Organisation (WCEAO) oo ka Dhisan Dalka Gudihiisa iyio Dibadiisa ayaa waxaa uu Qabanayaa Barnaamij uu Ugu Magacdarey CAAWI ILAAH HA KU CAAWIYE kaasoo Ururku ugu Tala galey in Maalmaha Ciida uu sameeyo Barnaamijkaas oo lagu Ururin doono Tabarucaad ah oo Ururka uu ugu talagaley in lagu Caawino dadka Soomaaliyeed ee Dhibaateysan gaar ahaan caruur Caafimaadaro la Il darn kuwaa oo Dalka wax looga qaban waayey..

“Waxaa dooneynaa in Maalinka Tabarucaad Ururinta Munaasabadda oo ah Maalin ku weyn Umadaha Islaamka in aan isugu keeno Dad fara badan Munaasbadaas oo lagu soo Bandhigi doono Maaweelo, Suugaan , Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka, Murti iyo Baraanbur” ayuu yir mid ka mid Qaban Qaabayaasha Munaasabadaas Gundhigeedu yahay in lagu Aruuriyo Qaaraan waxa ka soo baxa lagu Caawin doono dadka Dhibaateysan gaar ahaan kuwa ay heysato Caafimaaddarida oo Dalka wax looga qaban waayey

Guddiga qaban qaabada Munaasabadaas ayaa waxay sheegeen in dadka ka soo Qaybgalaya ay si wanaagsan u Ciidi doonaan iyagoo Xasuusan doona Maalinkaas oo qalbigooda aysan ka Go’I doonin , sidoo kale waxay sheegeen in Barnaamijka halkaa ka dhacaya uu yahay mid u furan Ruux kasta oo ku sugan Qaaradda Yurub oo Awoodi kara in uu ka soo qayb galo

Ururka ayaa waxaa u jeedkiisu yahay in Dhaqaalaha halkaas ka soo Xarooda ay ku caawini doono Caruur Dhowr oo ah oo Qaba Cuduro kala Duwan oo Dalka wax looga qaban waayey, waxayna caruurtaan yihiin kuwa uu Ururka hore u Diwaan geliyey islamarkaana uu u waayey wax Dhaqaale ah.

Dhinaca kale Ururka Ururka Women , Children And Elders Aid Organisation waxaa uu Magaalada Muqdisho Todobaadka Soo socda ka Furi doonaa Tababar ku Aadan Xirfadaha kala duwan kaasoo uu Ururka uu sheegey in wax lagu Bari doono Muddo Laba Bilood ah Haweenka aadka u Nugul iyo Dhalinyarada Fursad La’aata haysto

Wixii Faahfaain ah oo dheeraad ah kala Xiriir

A FUNDRAISING EVENT ON THE

11/08/13 AT 6PM -MIDNIGHT

CONTACT.07931779733

ADDRESS 211 CLAPHAM ROAD

SW9 0QH STOCKWELL

THE HOLL IS OPPOSITE STOCKWELL TUBE STATION NEXT TO LADROKES

TUBE LINE-VICTORIA LINE KASO QAYB GAL WANAGSAN

DADKAADA CAAWI ILAAHEY HAKU CAAWIYEE

DHULKAADA DIB U DHISO INSHA ALLAH

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 6, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;