Dr. Cabdiraxmaan Daqare Oo Fariin u Diraya Dowladda Dhexe Iyo Maamul
Goboleedyada Dalka
C/raxmaan C/laahi Dhubad (Daqare) oo ka tirsanaa Bulshada Rayidka ah kana mid
ahaa Xubnihii Bulshada Rayidka ahaa ee ka qeyb galay Road Mapkii Dalka looga
saaray KMG ee Garoowe 1 iyo Garoowe 2 , kana tirsanaa Golihii Ansaxinta
Dastuurta, horayna uga mid ahaan jiray Xildhibaanaddii Golaha Deegaanka G/Banaadir
, ayaa fariin u diray Madaxweynaha iyo Maamul Gonoleedyada Dalka iyo Shirweynaha
Midowga Yurub iyo Soomaaliya ee dhawaan uga furmi doona Brussels kaas oo lagu
magacaabay New Deal .Xiriirka cusub ee yurub iyo Somaliya.
Sida ku qoran Cutubka 5 aad ee Dastuurka KMG ee hada jira Qodobkiisa 48aad wuxuu
sheegayaa in qaab Dhismeedka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya uu yahay 3
Qaybood oo Nidam Dowladeeed ah Dowladd Dhexe , Dowlad Goboleed iyo D/Hoose .
Waa muhim dastuuri ah in la dhamaystiro dhismahaas Dowladeed ee Dalku leeyahay
si deg deg ah
Sidaas darteed waxaan Madaxda Dowladda Dhexe ee Somalia Madaxtooyada
Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada, Dowlad Goboleedyada iyo dhamaan Shacab
weynaha Soomaaliyeed u soo jeedinayaa in Shirweynaha Soomaaliya iyo Midowga
Yurub la horgeeyo Qorshe cusub kaas oo ah, in Soomaaliya laga caawiyo Dhismaha
Maamul Goboleedyada Dalka iyo Dhismaha Maamulka Caasimadda ee Muqdisho,si
horumar deg deg ah loo gaaro mudo kooban
Waxaan ula jeedaa in si cad loo qeexo loo soo Bandhigo Siyaasada Arimaha Guddaha
iyo Qaab Dhismeedka Tirada Maamul Goboleedyada Soomaaliya, si loo fahmo meesha
aan ka nimid iyo meesha aan u socono,loogana baxo jawiga Cakirnan ee hada jira
gaar ahaan 10,Gobal ee Koonfureed ee burburku sida wayn u saameyay marka laga
reebo Somaliland iyo Puntland, Tusaale inay qaabkaan noqdaan Maamul Goboleedyadu
Soomaaliyeed.
- 1-Dowladda Goboleed Somaliland
- 2-Dowladd Goboleedka Puntland
- 3.-Dowladda Goboleedka Gobolada Dhexe Galgaduu,Hiiraan iyo Sh/Dhexe .
- 4. Dowladda Goboleedka Baay Bakool iyo Sh/Hoose
- 5. Dowladd Goboleedka Jubbaland
- 6. Maamulka Caasimadda Muqdisho G/Banaadir Xarunta Dowladda Dhexe .
Qorshahaan waa qaabka ugu wanaagsan ee isku raaci karaan Maamul Goboleedyada
Dalka 2 Gobol iyo wixii ka badan , sida uu qabo Dastuurka hada jira.
Hadii aad si fiican u fiiriso qorshahaan ma jiro qof Qoys ama Qabiil ay Faa’ida
gaar ah ugu jirto , sidoo kale ma jirto qof Qoys ama Qabiil ay Qatar gaar ah ku
tahay, dhamaan Muwaadiniinta soomaaliyeed way wada deganyihiin 5 Maamul Goboleed
iyo Caasimadda Muqdisho .
Waxaa Waajib ah in Dagaal Culus lagu qaado Jeermiska Dhaliya Qabiilka, kaas oo
horay u burburiyay Qaranka , hadana la baxay hal ku dhigyo cusub sida u dhashay
iyo ku dhashay , hadii aan sanamkaas qabyaalada ah aan dagaal culus lagu qaadin
ma heli doono qaran .
Waxaan soo jeedinayaa in 6 Bilood Gudahood lagu dhaqan geliyo qorshahaas
samaynta Maamul Goboleedyada , sidoo kale waxaan soo jeedinayaa in la horgeeyo
Saaxibadda Soomaaliya, loona Codsado Qorshahaan Marshal Plan la mid ah Tii
Maraykanka uu ku Badbaadiyay Yurub.
Sidoo kale waxaan soo jeedinayaa Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ay ka kala
yimaadaan Koonfur iyo Waqooyi.Sidoo kale in Kaalmadda Dhaqaale iyo
Mucaawinooyinka Dalka loo qeybsado si Caddaalad ah wax walbana lagu saleeyo
tirade dadka .
Ugu dambayntii waxaan soo jeedinayaa in 2016 Dalka laga qabto Doorasho Xor ah
one man one Void, inta ka horaysana la dhamaystiro Nidaamka Dowladda Dhexe
D/Goboleedyada iyo D/Hoose.
Mahadsanidiin.
Dr.C/raxmaan C/laahi Dhubba
Dhubbad@yahoo.com
Tel 00252615576222
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 6, 2013
|