SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Puntland oo ka soo Horjeestay Heshiiskii Dhex Maray Dawladda Federaalka iyo Shirkadda Atlantic Marine And Offshore Group.

Eng. Siciid Maxamed Raage oo ah Wasiirka Dekadaha, Gaadiidka Badda iyo la Dagaalanka Burcad Badeedka ee Maamulka Puntland ayaa xafiiskiisa ka soo saaray Warsaxaafadeed si aad uga hadlaya Heshiis dhex maray 30kii Bishii ina soo dhaaftay ee Luuliyo dhex maray Dawladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasiirka Gaashaandhigga Cabdixakiim Xaaji Maxamuud fiqi iyo Shirkad laga leeyahay dalka Holland oo lagu magacaabo Atlantic Marine And Offshore Group.

Warsaxaafadeedkan ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda iyo la Dagaalanka Burcad Badeedka ee Maamulka la magac Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ay u Madaxbanaan tahay ilaalinta Xeebaheeda isla markaana aanay Mas’uul ka ahayn Dawladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan marka ay timaado dhinaca Ilaalinta Xeebaha.

Warsaxaafadeedka ayaa ku tilmaantay Heshiiskii dhex maray Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkadda Atlantic Marine And Offshore Group ee laga leeyahay Waddanka Holland inuu yahay mid ka hor imaanaya Heshiisyadii hore u dhex maray Xukuumadda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ee ku aaddanaaa Ilaalinta Madaxbanaanida Dhulka iyo Biyaha Dalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka  ayaa lagu soo Gabagabeeyay in Puntland ay sii wadi doonto inay ilaalsato Biyaheeda iyo in ay Tababarato Ciidamadeeda ilaaliya Xeebaha isla markaana ay ka hor tegi doonto wax walba oo ay u aragto inuu ka horimaanayo Madaxbanaanida amniga, Kheyraadka Dalka , iyadoo sidoo kale war Saxaafadeedkan lagu sheegay in Puntland aysan ogolaan doonin Heshiis kasta oo ay Dawladda Soomaaliya la gasho Dawlad aysan iyadu ogeyn ama Shirkad gaar loo leeyahay.

Halkan ka akhri Warsaxaafadeedka oo Ingiriisi ah

W/D AmIin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 4, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;