SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Qaarada Yurub oo kasoo kabaneysa hoos u dhicii dhaqaalaha

Guud ahaan dhaqaalaha wadamada yurub ayaa sanadihii ugu dameeyey ahaa mid aan wanaagsanayn. Wadamo badan ayaa waxaa soo wajahay jahwareer dhaqaale. Waxaa kordhay cadadka dadka aan shaqo haysan, waxaa hoos u dhac ku yimi qiimaha lacagta ee wadamo badan. Waxaa yaraaday wax soo saarkii guud ee wadamo badan. Waxaa meesha ka baxday kalsoonidii ay dadka caadiga ah iyo shirkaduhu ku qabeen  in dhaqaaluhu hagaagayo. Arimahaasi waxaa ay abuureen qalalaase siyaasdadeed oo marar badan soo laabtay.

Haddaba waxaa haatan kor usoo kacaaya dhaqaalaha inta badan dalalka yurub. Waa markii ugu horeysey ee mudo laba sano ah uu dhaqaaalaha wadamada yurub muujiyo  horukac muuqda. Wadamada qaarada yurub ayaa ah kuwo heerka dhaqaalahoodu kala duwan yahay. Waxaan eegeynaa  xaalada dhaqaale ee qaar ka mid ah wadamada ugu muhiimsan qaarada Yurub.

Boqortooyada Ingiriiska (UK): Guud ahaan wax soosaarka wadanka Ingiriiska ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay  kor u soo kacay  ilaa 1,4%. Suuqa shaqada ayaa kasoo wanaagsanaanaya sidii hore maadaama ay dad badan oo horay aan shaqu u haysan haatan shaqo heleen. Balse waxaa weli jira welwel  ah in horumarka yar ee dhaqaaluhu mar kale la kulmo caqabado adag. Maxaa yeelay weli waxaa jira sicir barar iyo qiimaha lacagta oo aan weli sideedii hore kusoo noqon.

Jarmalka:  Wadanka Jarmalka waxaa loogu yeeraa ” matoorkii” dhaqaalaha yurub. Maxaa yeelay Jarmalku waa wadanka ugu dhaqaalaha badan qaarada yurub sidaas darteed isbedelka ku yimaada dhaqaalaha Jarmalku waxaa uu saamayn ku yeeshaa inta badan dhaqaalaha wadamada kale ee yurub. Dhaqdhaqaaqa dhinaca ganacsiga ee suuqyada kala duwan ee jarmalka ayaa si wanaagsan oo hurukac leh ku socda. Suuqa shaqada iyo kan ganacsiga dibada ayaa iyaguna soo ka wanaagsan sidii hore. Shaqo la.aanta ayaa mar walba ah mid hoos usii dhacaysa, waxaana la rajeynayaa iney sidaas kusii socon doonto. Kalsoonida ay dadku ku qabaan dhaqaalaha wadanka ayaa iyana kor u kacday. Dhamaan waxyaalahaasi waxaa ay cadaynayaan caafimaad soo gelaya dhamaan waaxyaha muhiimka ah dhaqaalaha dalka Jarmalka.

Faransiiska:   Faransiisku  waa wadanka labaad ee ugu weyn dhinaca dhaqaalaha qaarada yurub. Dalka Jarmalka oo keliya ayaa ka horeeya. Neecowda horumarka dhaqaalaha ee yurub laga dareemay waa soo gaartay dalka Faransiiska. Meelaha aad looga dareemay waxaa ka mid ah dhinaca wax soosaarka wershedaha. Wershadaha waaweyn iyo kuwa yar-yarba waxaa ay bilaabeen iney shaqaalahooda kordhiyaan. Dhinaca ganacsiga ayaa isaguna sameeyey horumar  si degan  ku socda.

Talyaaniga;  Waxaa uu ku jiraa kaalinta saddexaad kolka la eego dhinaca dhaqaalaha qaarada yurub. Wadanka talyaaniga ayaa ka mid ahaa wadamada aad looga baqaayey in jahwareer dhaqaale soo foodsaaro. Balse  dhibaatada soo gaartay dhaqaalaha Talyaanihu waa ka sahlanayd sidii la saadaalinaayey. Waxyaalaha mar walba wel-welka dhaqaale Talyaaniga ku keena waxaa ka  mid ah siyaasada dalka oo aan ahayn mid degan oo sal fiican leh. Waxaa kale oo dalka ku badan musuqmaasuqa  iyo maamul xumida dhinaca dhaqaalaha.  Si kastaba ha ahaatee, waxaa beryahaan suuqyada Talyaaniga laga dareemayaa in dhaqaaluhu yahay mid salka dhiganaaya. Dhinaca shaqada ayaa soo yara wanaagsanaaneysa. Balse kalsoonida ay shacabka Talyaanigu ku qabaan dowlada iyo siyaasada dhaqaalaha ayaa ah mid aad u hoosaysa.

Spain:  Hay`ada xisaabaadka iyo tirakoobka ee dalka Spain waxaa ay sheegtay in guud ahaan dalku kasoo kabanaayo dhaqaala xumadii soo foodsaartay  sanadihii lasoo dhaafay. Balse weli  Spain  dhibaato badan oo dhinaca dhaqaalaha ah ayaa haysata. Heerka shaqo la`aanta ayaa gaaraaya ilaa 26,3%. Taas macnaheedu waxaa weeye waxaa jira dad aad iyo aad u badan oo aan wax shaqo ah haysanin. Dalka spain si aad ah weli loogama dareemin dhaqaalaha soo wanaagsanaanaya ee aan kasii hadalay. Spain waxaa ay ku qasban tahay in ay qaado talaabooyin waaweyn oo dhinaca dhaqaalaha ah si loo  mar labaad dib loogu soo nooleeyo wax soo saarka dalka. Taas oo keeni karta in dhaqaaluhu kor u soo kaco.

Bortuqiiska: Sida uu baarlamaanka  u sheegay Raysul wasaaraha dalka Passos Coelho, waxaa soo hagaagaya dhaqaalaha wadanka. Raysul wasaaruhu waxaa uu sheegay in guud ahaan dalku kasoo kabanaayo dhaqaale xumadii ba`anayd ee soo foodsaartay dlaka sanadihii lasoo dhaafay. Bortuqiisku waxaa uu heli ku jiraa deymo badan oo horay loo siiyey si loo  xoojiyo dhaqaalaha. Waxaana ay qaadan doontaa wakhti dheer inta uu dhamaan deyntaas iska bixinaayo. Dhaqaalaha Bortuqiisku waa soo iftiimayaa balse wado dheer ayaa sugeysa si uu mar kale u noqdo mid adag oo geli kara tartan wax ku ool ah.

Giriiga: Wadanka Giriigu waxaa uu ku dhowaadey inuu gebi ahaanba kaco. Bangiyadii iyo hay`adihii dhaqaalaha ayaa qaarna kaceen oo la xiray qaarna jahwareer soo foodsaaray. Midowga Yurub ayaa gurmad deg deg ah u fidiyey Giriiga si dhaqaalaha dalka loo badbaadiyo. In kastoo  Giriigu dhaqaale badan helay basle weli Giriigu ma gaarin heer uu isagu isbixiyo. Neecowda dhaqaale wanaaga aan kasoo hadalayna weli si fiican loogama dareemin dalka Giriiga walow ay rajo iska jirto.

Midowga Yurub:  Heerka shaqo la àanta  wadamada midowga yurub waxaa ay gaareysaa ilaa  11% oo u dhiganta dad gaaraaya ilaa  26 milyan oo qof. Farqiga dhinaca shaqo la àanta ee u dhexeeya  wadamada  yurub ayaa ah mid aad u kala duwan. Dalka Austria ayaa ah wadanka ugu shaqo laàanta yar, heerka shaqo laàantuna waa 4,6 %. Wadanka ugu shaqo La áanta  badan ayaa ah dalka Giriiga, heerka shaqo la:aantuna waa  boqolkiiba toboba iyo labaatan ( 27%)

Xaalada guud ee dhaqaalaha wadamada yurub waa sidaas aan kor ku soo sheegnay. Waxii ku soo kordhana  waan idiin soo gudbin doonaa insha allah

Qoraalladii Hore ee C/risaaq Halkan ka daalaco

C/risaq Maxamed Xuseen

 Filosofie magister (fil.mag)    in International  economics

   Eskilstuna, Sweden

habdirisak@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 2, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

 

Qaadka Quba


Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
akhri....



Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Norway: "Soomaaliya waxay si waadix ah beesha caalamka ugu sheegtay in Xuduud-Badeedka ay la wadaagto Kenya aan la isla meel dhigin..."



Norway oo Waftigii Baarlamaanka ee Booqday Oslo usoo dhiibtey Dukumiinti lagu Burburinayo Sharciga Badda Soomaaliya ee Law No. 37



Waa Maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


 

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;