Wargeyskii Dowladda oo Afka Sharooto laga saarey!!
Laga soo bilaabo Xiligii Wasiirka uu ka ahaa Wasaarada Warfaafinta Cabdikarim
Xasan Jaamac waxaa la Dareemayey in Wasaaradu Qaybaheeda kala duwan uu Isbedel
Deg deg ah ku imaanayo , sababtoo ah waxaa uu kiciyey Qaybo dansanaa sida TV-ga
Qaran iyo Wargeyska dalka oo isagu Todobaadkii si joogto ah u soo bixi jirey
iyadoo lagu soo daabaci jirey Magaalada Nairiobi
Dabcan waxay talaabadaasi soo celisey oo yayadiilo iyo Hami gelisey dadkii ku
taxnaa Wargeyskaasi , si joogto ah ayey u Akhrisan jireen inkastoo , Wasiirkii
ku xigey Wasiirkaasi isku dayey in uu sii wado hadana waa uu sii wadi waayey
taasina waxay keentey in Gabi ahaanba Wargeyska Dalka Guud ahaan laga waayo
Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka , waxaase la yaab leh in Cidna u Murugoon
ama isku Mashquulin Sababta uu u soo bixi waayey, kaasoo ahaa Codkii Dowlada oo
weliba ay ku Tixnaayeen Hayado badan , xitaa ma dhicin canaan la soo Canaanto
Wasiirka ama Cida qaabilsan sababta uu u soo bixi waayey , taasi waxay
Macnaheedu tahay in Dowlada aysan kala jecleyn in Wargeyska Codkeeda ku hadla ay
yeelataba , waxaana cadaatey in soo saaristiisuna ay Dhibaato ku ahayd.
Wasiirka Saddexaad ee haatan Madax ka ah Wasaarada Warfaafinta uu isku dayey in
uu soo saaro Wargeyskii Dalka oo lagu Daabici jirey Magaalada Nairobi loo
Weeciyo Imaaraadka Carabta inkastoo Wargeyska Bilic ahaan iyoTayo ahaan la
jeceleysta Dhowrkii Todobaad ee uu soo baxay ,hadabna waxaa xaqiiqo ah in isna
uu ku dhacay Cudurkii ku dhici jirey ee ahaa mar soo baxe marna la waaye ilaa
iyo hadda Suuxdiintaas ayuu ku jiraa oo Cid isku Taxlujisey ma jirto mana Muuqto
, waana Nasiibdarro ku dhacdey Dowlada Isbedel doonka ah.
Mida Mudan in la sheego waxay tahay in Qalabka Warbaainta Dowladu u leeyahay
darajooyin waana sida Muuqata maxaa yeeley Idaacad waa Darjada Koowaad oo haddii
hadda hawada laga waayo waxaa laga soo qaylinayaa dhinac waliba iyadoo Wararka
iyo Barnaamijyada ka baxa aan Tayeysneyn marar qaarna ruuxa Dhegeysanaya uu iska
damiyo, waxaa kaloo Dowlada Ahmiyad Weyn siisaa oo ay lacag badan ku bixisaa
Talifishinka Qaran oo isaguna uu leeyahay sida la sheegey Ruux Shaqsi ah oo
Magaca Qaranka Huwan, taasi Micnaheedu waxay tahay in lagu Qanacsan yahay
Maqalka iyo Muuqaalkaas.
Sidaa darteed waa wax Muuqda oo laba Cali ku doodeyn in Dowlada kasta oo Dalka
soo marta waxa ay u Tixgelin la’dahay Wargeysku ku hadla Codkeeda taasi in ay
Hormariso iskaba daaye waxaa la Awoodi waayey oo mid kasta ay iska indha tirtaa
in ay dib u soo Nooleyso Madbacadii Qaran oo xitaa lagu bilaabi karey Qalab yar
oo lagu soo saari karey Dhowr Wargeys oo ku kala Qoran Afaf kala duwan taasoo
Door weyn ka qaadaneysa Xiriirka Xoojinta Dibolimaasiyada Caalamka , waxaana si
joogto ah u iibsan lahaa Dhamaan Safaaradaha iyo Hayadaha kale ka Shaqeeya
Soomaaliya .
Dowlada Maalin waliba waxaa ka Baxo lacago Micnodaro ah , marka lacagahaasi la
isku Ceceliyo Tododbaadkii waxaa lagu iibin karey Dhowr Makiinado ee wax daabaco
waxaase layaab leh in Dowlad dhan ay maanta soo saari weyso Wargeyskii ku hadli
lahaa Codkeeda,halka Dad gaar oo aan waxba haysan ay maalin waliba soo saaraan
Dhowr wargeys kuwaas oo sii Joogto ah u soo baxo oo Cid ku kaalmeyso aaney jirin
marka halkee ayey wax iska qab la’yihiin.
Dowlad kasta waxaa Astaan u ah Warbaahinta Codkeeda ku hadla hadii aan dib u
Qooraansano Dowladii Miltariga ee Siyaad barre waxay Xooga aad u saartey Qalabka
Warbaahinta ee Codkeeda ku hadla hadii ay dhacdo in mid ka mid ah la waayo
Daqiiqad oo keli ah Dowladaas waxay u ekaaneysaa Dowlad la Afgambiyey , sidaa
darteed Xilgaan Wargeyska Waa Keydka Siyaasadda Dowlada oo Taariikh kasta iyo
Dhacdo kasta waxaa Dib loogu noqonayaa Keydka Wargeyska oo laga heli karo
Taariikh aad u dheer ooJiilba Jiil gaari kara laakiin Idaacadaha iyo
Talifishinka midna ma galo Keyd hadii maanta Raadiyo Muqdisho ama Tv-ga la
weydiiyo Taariikh Hore marnaba lagama yaabo in ay helaan mana u sameysna umana
Tababarna qaabka wax loo Keydiyo.
Si hadaba Dowladu u Hormariso Siyaasadeeda Gudaha iyo Dibadda waxaa laga
maarmaan ah in ay Xooga saarto sidii loo Hirgelin lahaa wargeyska Dalka oo
weliba ay tahay in Gudaha Dalka laga soo saaro waayo waxaa Ceeb in Codkii
Dowlada Dal kale lagu soo daabacao Tusaale Wargeyska ku hadala Codka Wadanka
Kenya Malaga yaabaa in laga soo saaro Muqdisho taasi Jawaabteeda waa maya waana
mid Dowlada Kenya ku Ceeb ah waayo sababtoo ah waxaa Banaanka u baxaya wixii
Siyaasad,Keyd ama Sir ee ay lahayd Dowladaas , Sideedaba Wargeysku waxaa ku
Taxan oo Akhriya kuwa Bulshada Hogaamiya , Dhinaca kale kuwa wax Dhageysta ee ku
taxan Idaacadaha waxay ka dhageystaan warar badan oo is weydaarsan iyo kuwa
Dalka kala fogeynaya
Guntii iyo Gabagabadii haddi aysan Dowladu Xoojin Awoodna u yeelin Wargeyska
Dalka ee ku hadla Codkeeda waxay lumin doontaa Taageerayaal badan waxayna Dadka
u weecan Doonaan Idaacadaha Dhageysigooda taasoo Dharbaaxo ku noqon doontaa
Horusocodkii Dowlada sidaa Darteed Caalamka waa u Hormarey waxaa la joogaa in
Dhowr Qof ay soo saari karaan Wargeys weyn oo aad loo Akhristo oo ka kooban
Dhowr iyo Labaatan Bog waayo waxa arrintaa Fududeyey Tiknolojiyada Casriga ah oo
maanta Ilbiriqsi Wax waliba lagu Ogaan kara,hadaba Dowlada Isbdel Doonka waxaa
la Gudboon in Wargeyska Dalka ee Afka Sharootada ka saaran ka qaado.
Qoraa Sare Ciise Faarax Maxamed
Telka 00252615193738
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 2, 2013
|