Kuu Talin Maa, Ii Tali Meysid Waa Tilmaan ay Warbaahintu ku Tallaabsatay !!
Tan iyo wixii ka dambeeyay Burburkii Xukuumaddii Dhexe ee Milateriga ahayd
waxaa Geyiga Soomaaliya ka hana qaadday Saxaafad Madaxbanaan oo runtii la dhihi
karo waxa ay soo martay Marxalado kala duwan iyo heerar kala gedisan .
Saxaafadda
Madaxabanaan ee Soomaaliya waa mid taageera ballaaran ka heshay Bulshada
Soomaaliyeed oo aanu ognahay in ay Bulsho War tahay isla markaana si weyn ula
jaan qaadday Saxaafaddii Madaxa Banaaneed ee Dalkan ka hirgashay.
Marka aan Taariikhda dib ugu noqdo Magaalada Muqdisho Sagaashameeyadii waxaa ka
bilowdey Saxaafad Madaxbanaan oo ku bilaabantay Majaladihii ama Jaraa’idkii
faraha badnaa ee ka soo baxayay Magaalada Muqdisho in kastoo Jaraa’idka Xiligaa
soo baxayay uu ahaa mid Qabiil ku salaysan isla markaana Shaqaalaha ka hawl gala
ay ahayd mid Aqoontooda Saxaafadeed ay aad u hooseysey.
Tadawurkii iyo is bedeladii ay Warbaahinta Soomaalidu ku tallaabsatay ayaa wuxuu
u gudbay heer la dhihi karo waa Saxaafad Runtii ka tarjumaysa aragtida Shacabka
Soomaaliyeed waxayna wehel u noqotay Mujtamaca Soomaaliyeed oomeelo kala duwan
ay ka Haqab tirtay Baahidooda Wareed.
Saxafiyiinta Soomaaliyeed maanta marka aan fiirino Hawl Wadeenada ka hawl gala
qaybaha kala duwan ee Warbaahinta Dhallinyaro waaya aragnimadooda Saxaafadeed ay
aad u year tahay isla markaana aan si fiican qaarkood xitaa aysan u garanayn
Joqoraafi ahaan Geyiga Soomaaliya iyo Gobolada uu ka koobmo.
Ma Xuma Dhallinyaradaas waxa ay qaadeen tallaabo isku day ah oo haddii ay sii
wadaan ay suurta gal tahay in ay fahmaan ama ay gaaraan waaya Aragnimada ay
doonayaan in ay ka kasbadaan Xerada Saxaafadeed ee ay ku jiraan mana doonayo in
Dhallintaas aan ka Nayid Jabiyo Mehradooda Saxaafadeed in kastoo aan jeclaa inay
helaan aqoon badan iyo Tababaro Xirfadooda ku Aadan.
Intaas marka aan uga soo dego Araarteyda Maqaalkan Maanta aan Hal ku Dhegga uga
Dhigay Kuu Talin Maa, ii Talin Mee in kastoo aan Saxaafadda Soomaaliya aan ula
Beeyrey haddana waa Tilmaan lagu yaqaan Soomaalida gaar ahaana Sedax iyo
labaatankii Sano ee u Dambeeyay oo Tafaraaruqa iyo kala Tagga tilmaan looga
dhigo.
Waxaan Xusuustaa Hees ay Qaadday Fannaanad Soomaaliyeed oo ay leedahay Ii Tali
Walaal, Kuu Talin maayo jiib looga dhigayo, aan kuu Taliyo ii Talin Maysid, aan
wada Tashano wada Tashan meeyno aan kala Tagno kala Tegi meyno.. Runtii Heestaas
waxay dhab ahaan ka Tarjumaysaa Mujtamaca Soomaaliyeed ee Maanta oo ku sifoobay
Heestaas.
Saxaafad waa Wabaahin, lagamana maarmo Saxaafadda, sidaa haddii ay tahayna waa
inuu jiraa Sharci Saxaafaddii hagaya, maxaa yeelay ma aha in dib loogu noqdo
Sagaashameeyadii ooay soo bixi jireen Wargeyso Jaantaa Furan ah oo wixii ay
doonaan iska qora ama sheega.
Maalmahan waxaa jiray Xeer muddo dheer soo jiitamayay looguna tala galay Bahda
Saxaafadda Soomaaliyeed si loo Ilaaliyo Xuriyatul Qawlka isla markaana loo
Xakameeyo Warbaahinta qaarkood oo wax ay ku hadlaan marka aad maqasho la yaab
kugu abuuraya xitaa qaarkood ay gaareen in Anshixii Saxaafad lagu yiqiin ay meel
uga dhacaan.
Aqristaow bal ka waran “Nin baa Taleefan laga wacayaa, wuxuu Sheeganayaa Ninku
inuu yahay Nabadoon ama Iimaan taad doontaba ka dhigo wuxuu leeyahay Beeshaas
Hebel waan u Digaynaa, haddii ay ka joogi waayaan arrimahaa Dagaal baan ku
qaadeynaa”, Waa qayb ka mid ah Tusaalayaasha ugu dhow oo aad ku aragtan ama ka
maqashaan War baahinta, Nin kale baa Hadlaya wuxuu leeyahay Xildhibaan baan
ahayd waa in Madaxda Dalka ugu sarreysa ay joojiyaan arrintaa iyo arrintaa ama
Dawladdu waa in aysan Saxaafadda caburinin, Xildhibaanku isagu muxuu yahay sow
Xubin Dawladdeed ma aha, muxuu u jecleystay in Hadalkii uu qabay uu u adeegsado
inuu sii marsiiyo Saxaafadda.
Haddaba qaar ka mid ah War baahinta ayaa maanta waxa ay la soo Mutaxan yihiin ma
Dooneyno Xeer lagu dhaqo Saxaafadda bal haddii aan is weydiino Sharci ku Dhashe
Sharci ma Diidee qofka diidaya in Sharci ama Xeer loo Sameeyo Saxaafadda muxuu
yahay Ujeedkiisa dabacan waa tii aan maqaalka hal ku dhigga aan uga dhigay oo
ahayd Ii Talin Mee.
Saxaafaddu waa in ay yeelato Xeer lagu Dhaqo, maxaa yeelay haddaan la helin Xeer
kala haga Bulshada iyo Saxaafadda waxay noqonaysaa in Saxaafaddii loo adeegsado
isku Dirka Bulshada Soomaaliyeed, kala qaybinta Soomaaliya oo qaarkood
Saxaafadda laga sheeg sheegay in ay yihiin Maamul ama Degmo jirta, Saxaafaddu
waa in ay Macalin u noqoto Bulshada tusa wixii Xun iyo wixii San, waana in ay ka
baxdo Tafaraaruqa ku dhex jira.
Isku soo duuboo Maqaalkeygan maanta ayaan waxaan ula jeedaa sidii loo heli lahaa
Saxaafad Hormarsan, Saxaafad shaqadeeda Taqaana, Saxaafad Waddaniyiin ah,
Saxaafad si Xun wax u sheeg aan ahayn, Saxaafad la Tartami karta Saxaafadda
Caalamka Saxaafad ay dadku jecleystaan, Saxaafad loo Soo Ordo oo Run Sheeg ah,
haddii Taladeydaas dadka qaarkii ay dhibsadaan dabacan anigi cid gaar ah ulama
jeedo, waase iga talo guud iyo jacayl aan u qabo in Warbaahinta Soomaalidu ay
noqoto mid Xor ah, mid Madaxbanaan mid laga haybeysto.
W/Q. Ustaad Aadan Macalim “Aaddaamo”
E-Mail aadaamo2@hotmail.co.uk
Telka 00252615511863
Faafin: SomaliTalk.com | Aug 2, 2013
|