SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway, Tagayna Xarunta Baarlamaanka Dalkaasi…

WARSAXAAFADEED+SAWIRRO

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay socdaal shaqo ku joogaan dalka Norway ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Norway ayadoo dhanka kalena uu Gudoomiyaha Baarlamaanka tagay xarunta Baarlamaanka Dalkaasi.

Kulankan dhexmaray Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasiirka Arrimaha DIbadda ayaa ka dhacay xarunta Wasiiradda Arrimaha Dibadda Norway halkaasi oo markii ay tageen Wafdiga Gudoomiyaha ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiinta Wasaaradaasi oo uu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibadda Espen Barth Eide.

Soo dhaweyn kadib kulan dheer oo saacado qaatay ayey wada yeesheen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda waxaana kulankaasi looga wada hadlay isbedellada hormarineed ee dalka ka jira iyo sida ay Dowladda Norway usii wadi laheyd taageerrada ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway Espen Barth Eide oo kulanka kadib ay wadajir saxaafadda ula hadleen isaga iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Norway ay aad ugu faraxsantahay islamarkaana ay taageerayso isbedelka iminka ka dhacay Soomaaliya waxaana uu Wasiirku ballan qaaday iney sii wadi doonaan taageerrada ay siiyaan Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo isaguna shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa ugu horeyn dowladda Norway uga mahad celiyey soo dhaweynta heerka sare ah ee ay u sameeyeen wafdiga uu hogaaminayey iyo sida ay u taageereen shacbiga Soomaaliyeed mudadii uu dalku ka jiray bur burka iyo sida ay hada u garab taaganyihiin Dowladda Soomaaliya waxaana uu Gudoomiyaha Baarlamaanku ku tilmaamay kulankii maanta inuu ahaa mid muhiim ah.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway ayaa xalay casho sharaf u sameeyey wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka ayadoo sidoo kalena uu Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa ay maanta tageen xarunta Baarlamaanka dalkaasi Norway,sidoo kalena Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa waxey caawa la kulmi doonaan Jaalliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi Norway ku dhaqan.

----DHAMAAD----

Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka  


Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Oslo Kulammo Gaar Gaar Ah Kula Qaatay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowladda Norway….WARSAXAAFADEED

April 8, 2013 - Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin dalka Norway kadib casuumaad uu ka helay Madaxda dalkaasi ayaa maanta magaalada Oslo kulammo kala duwan kula qaaatay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Norway.

Kulammada kulankii ugu horeeyey waxa uu la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka Wasiirka hormarinta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Dowladda Norway Mr Holmes waxaana kulankaasi oo qaatay mudo saacaddo ah looga wadahadlay isbedellada hormarineed ee dhinacyada siyaasadda iyo ammaanka ah ee ay ku talaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo doorka ay Dowladda Norway ay ku yeelan karto hormarinta Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan oo kulanka ugu horeyn ka hadlay ayaa uga mahad celiyey Dowladda Norway iyo shacabkeeda soo dhaweynta iyo casuumaadda ay u sameeyeen Wafdiga uu hogaaminayey waxaana uu sidoo kale Gudoomiyuhu Norway uga mahad celiyey sida ay had iyo goor u garabtaagantahay Dowladda Soomaaliya,kadibna waxa uu Gudoomiyuhu faah faahin ka bixiyey hormarka guud ee Dalka ka jira iyo sida ay Madaxda Dowladda Federaalka uga go’antahay iney sii wadaan dadaallada ay bilaabeen.

Wasiirka Hormarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Norway Mr Holmes oo isna dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa aad ugu ammaanay Madaxda Sare ee Dalka iyo Baarlamaankaba isbedelka cusub ee ay Soomaaliya u horseedeen waxaana uu Wasiirku tilmaamay in Dowladda Norway sii wadi doonto taageerrada ay Siiso Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Kulankaasi kadib waxa uu Gudoomiyaha Baarlamaanka kulan la qaatay Quburro ka tirsan Dowladda Norway kuwaasi oo uu Gudoomiyhu kala hadlay sida ay u arkaan isbedellada dalka ka jira iyo waxa ay jeclaan lahaayeen aragti ahaan in lagu kordhiyo hanaanka ay hada wax u socdaan waxaana Quburradu ay aad u ammaaneen isbedellada xiligan ka jira Dalka.

Maalinnimada berri ah ayuu Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari kula kulmi doonaa magaalada Oslo Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Norway waxaana kulammadii maanta Gudoomiyaha Baarlamaanka ku wehlinayey Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeelaani Nuur Iikar.

----DHAMAAD----

Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka


Gudoomiyaha Baarlamaanka Iyo Wafdiga Uu Hogaaminayo Oo Casho Sharaf Xalay Loogu Sameeyey Magaalada Oslo…WARSAXAAFADEED+SAWIRRO

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin dalka Norway ayaa waxaa xalay magaalada Oslo loogu sameeyey casho sharaf.

Casho sharaftan oo aheyd mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa u sameeyey Ra’isulwasaarihii hore ee dalka Norway Mr Bendevic ayadoo munaasabadda casha sharaftana ay goobjoog ka ahaayeen dhammaanba xubnaha wafdiga sida Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar iyo gudoomiyeyaasha gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka.

Ra’isulwasaarihii hore ee Dalka Norway Mr Bendevic oo Munaasabadda casha sharafta aheyd hadal kooban ka jeediyey ayaa aad u ammaanay qaabka ay xiligan u shaqeynayaan Baarlamaanka iyo kaalinta muuqata ee ay ku lahaayeen isbedelka siyaasadeen ee iminka ka jira Soomaaliya waxaana Mr Bendevic ku dhiirageliyey Mudanayaasha Baarlamaanka iney sii wadaan dadaalladooda ku aadan sidii ay Soomaaliya ku gaarsiin lahaayeen meel ay dadku hogaankooda ku dooran karaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo isaguna Munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa uga mahad celiyey Ra’isulwasaarihii hore ee Dalka Norway iyo guud ahaanba Dowladda Norway iyo shacabkeeda soo dhaweynta ay u sameeyeen wafdiga uu hogaaminayo waxaana uu dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka xusay iney ka go’antahay Golaha Shacabka fulinta dhaartii ay u dhaarteen samatabixinta iyo Hormarka Soomaaliya.

----DHAMAAD----

Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka

Faafin: SomaliTalk.com | April 9, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;