SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Ra'iisal Wasaaraha oo kulan horudhac ah la qaatay dhiggiisa dalka Yugandha

Kampala, April 9, 20130-------Ra'iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi uu hogaaminayo oo maata booqasho ku yimid dalka Yugandha ayaa wada xaajood dheer oo dhinacyo badan taabtay la yeeshay Ra'iisal Wasaaraha Yugandha Mudane Amama Mbabazi.

Labada Ra'iisal Wasaare waxay si qotadheer uga wada hadleen arrimaha iskaashiga ee labada wadan, gaar ahaana dhinaca amniga, dhaqaalaha iyo horumarka, ayadoo ugu horeyn uu Ra'iisal wasaaruhu ka mahad celiyay doorka suuban ee Yugaandha uga jirto dadaalka sida rasmiga ah loogu nabadeynayo dalka Soomaaliya.

"Dawladda Yugandha waxaan uga mahadcelinayaa doorkeeda muuqda ee howl-galka nabad illaalinta AMISOM, waxayna aheyd dawladdii u horeysay ee ku timaada gurmadka AMISOM u gashay badbaadada Soomaaliya" ayuu yiri Ra'iisal Wasaaruhu.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa faah-faahin ka bixiyay ujeedada socdaalkiisa uu ku marayo wadamada gobolka iyo midkan uu gaar ahaan ku yimid dalka Yugaandha.

"Waxaan idiinkugu nimid inaan dardargelino howlaha sugida ammaanka iyo xasilinta dalka, anagoo wadna qorsheyaal cusub oo aanu dooneyno inaan si buuxda ula kaashano AMISOM oo Yugandha kaalinta ugu weyn kaga jirto" ayuu yiri Ra'iisal Wasaaruhu isaga oo intaas ku daray in qatarta argagixiso ee Al-Shabaab aysan aheyn mid la sahlan karo una baahantahay iskaashi buuxa.

Dhanka kale, Ra'iisal Wasaaraha dalka Yugandha Amama Mbabazi ayaa isna dhankiisa ka mahadceliyay booqashada Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna aad u soo dhoweeyey qorshaha cusub ee dawladda ku dooneyso in ay ku soo celiso amniga iyo xasiloonida dalka Soomaaliya.

Wadahada u dhexeeya wafdiga Ra'iisal Wasaaraha iyo dawladda Yugaandha ayaa sii socon doona, waxaana qorshaysan in Ra'iisal Wasaaruhu la kulmo madaxweynaha dalka Yugandha Yuweri Mesevini isaga oo kala hadli doona iskaashiga labada dal.


Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Kampala, Uganda


April 9, 2013

Prime Minister seeks regional support to nation building for Somalia

His Excellency Prime Minister Abdi Farah Shirdon in a regional tour to strengthen relationship between the new Somalia and countries in the region today arrived in Kampala, Uganda meeting with his counterpart Amama Mbabazi and other government officials.

Prime Minister highlighted new government initiatives toward getting public support and fight Al-shabab. Showing a great level of trust with his government and the Somali people the Prime Minister asked the government of Uganda the backing needed to implement new security and development related initiatives. He pointed out that the Somali people are seeking solutions to the internal issues and also mentions the growing government support after concluding a “listening tour” in the country.

“We understand the urgency and the need to protect our people from terrorists and securing our borders. We are determined to insert new initiatives in the nation building process,” Prime Minister said. “We seek your support to face some of the divisive issues and challenges that are rooted in our history.”

Prime Minster indicated the need to expand the scope and the operation of the AMISOM troops in Somalia. He believes the security situation has improved and there is a need to work on delivering services in order to maintain government mandate. He pointed out that his government would like to see Uganda taking an active role in capacity building and helping in the process of reforming security institutions. Hence, the Uganda Prime Minister warmly welcomed his request and reassured his government’s support to Somalia.

“We are committed ourselves helping you fight and overcome terrorism, which we feel threaten here in Uganda,” Prime Minister Mbabazi said. He commended boosting the confidence of the Somali people to submit to the state and defeat Al-shabaab terrorist group that don’t offer opportunities to the Somali people.

ENDS

Ahmed Adan
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia
Email: media@opm.gov.so
Mobile: +252 (0) 616 440 028

Faafin: SomaliTalk.com | April 8, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;