SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Madaxweynaha oo kormeer ku sameeyay xarumaha tababarka Ciidamadda Qalabka-sida

April 8, 2013 - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamud ayaa maanta waxaa uu kormeer ku sameeyay xarumaha tababarka Ciidamadda Xoogga Dalka ee Jazeera iyo School Polizio (General Kaahiye).

Madaxweynaha ayaa waxaa wehliyay W/Xigeenka Gaashaandhiga Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Carab) iyo Taliyaha Ciidamadda Xoogga Dalka Jeneral Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe).

Madaxweynaha ayaa markuu tagay Jazeera wuxuu salaan sharaf ka qaatay Ciidamadda Xoogga Dalka. Kadibna waxaa war bixin laga siiyay qaabka loo tababaro ciidanka iyo in tababarka ay bixiyaan macalimiin Soomaaliyeed oo ka tirsan Xoogga Dalka.

Qudbad xasaasi ah uu Madaxweyne Xassan u jeediyay ciidamadda ayaa wuxuu yiri “ Soomaaliya Soomaali baa leh, waana anaga. Waxaana u dhaaranay in aan difaacno Seddexda Da waa dalka, dadka,iyo diinta. Waa in aan sharaf iyo karaamo ku wada noolaano oo aan iska difaacno Shabaab, iyo kuwa kufsiga iyo dhaca shacabka u geeysta. Waa isku mid ayaga iyo Shabaab waana in aan iska celinaa oo si is-leh loola dagaalamo.”

Waxaa ugu qaalisan uu shaqsi u huraa dalkiisa waa naftiisa, madaama aad naftiina hureysaan waxaan idinka codsanayaa in aad shacabka kasbataan uu ay naxariis idinka dareemaan oo ay dhiniciina soo aadaan hadii ay baqaan. Marwalbo dagaalka waxaa ku guuleysta qoloda ay shacabka la jiraan.”

Maruu la hadlayay Ciidanka Birmadka Booliska Soomaaliyeed ayaa wuxuu sheegay “ Waxaan idiin dooranay in aad sugtaan amniga caasimadda madaama aad daacad u tihiin dalkiina. Mar dhawna kan gobolada dalka aad sugtaan” sidoo kale wuxuu u sheegay ciidanka in amniga uu yahay howsha kowaad ee dowladdana.

Ugu danbeyn ayuu Madaxweynaha u mahad celiyay AMISOM iyo Beesha Caalamka.Wuxuuna ciidanka u sheegay in la gaaray waqtigii Soomaaliya ay wax qabsan laheyd.

Wixii Faah-Faahin ah kala xiriir Ag:War-Faafinta Malik Abdalla email: media@presidency.gov.so
 


Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo kulan dheer la yeeshay dhigiisa dalka Itoobiya

Addis ababa, April 8, 2013----- Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa kulan khaas ah oo waqti dheer qaatay la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Hailamariam Daselegn.

Kulanka labada Ra’iisal Wasaare yeesheen oo intiisa badan ahaa mid labadooda u gooni ah, ayay uga arrin-sadeed xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada wadan, waxayna kulankoodan ku tilmaamay mid taariikhi ah, waji cusubna u furaya cilaaqaadka labada dal. Ayadoo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya uu ugu hambalyeeyay dhigiisa qabashada jagada gudoonka Midowga Afrika oo dhawaan uu la wareegi doono.

“Mudane Ra’iisal Wasaare waxaan kuugu hambalyaynayaa fursadan aad u heshay inaad qabato jagada guddoomiyaha Midowga Afrika,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Saacid. Waxaana uu intaas ku daray inay tahay masuuliyad weyn oo uu u qabanayo Afrika oo dhan.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo si diiran u soo dhaweeyay Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sheegay in dawladda Itoobiya ay mar kasta garab taagan tahay dawladda Soomaaliya. Waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay yeelatay madax aad ugu amaanan sida ay uga go’antahay inay dalka Soomaaliya xasiliyaan dibna u soo dhisaan. Asagoo intaas ku daray in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad hal-abuur leh oo ay waqti yar gudihiis ku soo kaban doonaan horumarka caalamkana qeyb weyn uga qaadan doonaan.

“Soomaalidu waa dad hal abuur leh kuna fiican ganacsiga, waqti sidaas u sii dheer kuma qaadanayso inay dib u soo kabtaan, dalkooda dhisaan, caalamkana tartan la galaan, waana ku faraxsanahay in Mudane Ra’iisal Wasaare dawladdaadu hormuud ka tahay Soomaaliyada cusub,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Hailamariam Daselegn.

Labada Ra’iisal Wasaare ayaa ka wada xaajooday arrimaha gobolka iyo kaalinta urur goboleedka IGAD ee labada wadanba xubinta ka yihiin. Ayagoo isla falaanqeeyeey xaalada sugidda amaanka ee Soomaaliya iyo doorka ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya. Waxaana laysku afragtay in la dagaalanka Al-shabaab ay tahay muhiimada koowaad ee labada dal maadaama ay caqabad ku yihiin nabada iyo horumarka shacabka labada dal ay hiigsanyaan.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku gudo jira safar shaqo oo uu ku kala bixiyay wadamada gobolka, oo ka soo bilowday dalka Jabuuti. Safarkan ayaa waxaa Ra’iisal Wasaaraha ku weheliya; Fowsiya Xaji Yusuf Aadan Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdikariin Xuseen Guuleed Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Amniga Qaranka, Cabdxakin Maxamud Faqi Wasiirka Gaashaandhiga iyo Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga Maxamed Cali Xagaa. Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha ayaa u kicitimaya maalinta barito ah dalka Uganda kadibna uga sii gudbaya dalka Burundi kahor intaanay soo gabo gabeyn safarkooda aysana ku noqon Soomaaliya.

DHAMAAD

Ahmed Adan
Madaxa Xiriirka iyo Warbaahinta
Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha
Mogadishu, Somalia
Email: media@opm.gov.so
Mobile: +252 (0) 616 440 028

Faafin: SomaliTalk.com | April 8, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;