SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Obama oo Cusboonaysiiyey Cunaqabatayntii Saarnayd Soomaaliya in kasta oo ay Soomaaliya ka dhalatay Dawlad Cusub

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa Khamiistii waxa uu aqalka Congress-ka Maraykanka la socodsiiyey in uu doonayo in ay sii socoto cunaqabatayntii saarnayd Soomaaliya, in kasta oo ay jirto in Soomaaliya ay markii ugu horeysay 22 sano kaddib ka dhalatay dawlad dhexe, sidaas waxaa qortay Jariidadda The Hill ee ka soo baxda Congres-ka.

Shabakada The Hill oo hadalkeedii sii wadatay waxay qortay in maamulka Obama uu janaayo 17-keedii 2013 aqoonsaday dawladda madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud

The Hill waxay intaas raacisay "In kasta oo Maraykanka aqoonsigiisa Soomaaliya ay hoosta ka xarriqayso siday uga go'an tahay xasiloonida Soomaaliya, haddana taasi kama joojineyso muhiimadda Maraykanku ka leeyahay cunaqabataynta, gaar ahaan shakhsiyaadka xagal daacinaya xasiloonida Soomaaliya," ayaa Obama u qoray aqalka Congress-ka, isagoo intaas raaciyey "Sababtaas awgeed, waxaan garwaaqsaday sida ay muhiimka u tahay sii wadida xaaladda dagdega ah ee qaran ee ku aadan Soomaaliya iyo islamarkaas in la xoojiyo dhaqan gelinta cunqabatayntaas si looga jawaabo xaaladdaas halista ah." (ka akhri http://thehill.com).

Warqaddii Obama u qoray Aqabka Congress-ka oo dhamaystiran waxay u qorayd sidan:

CONTINUATION OF THE NATIONAL EMERGENCY WITH RESPECT TO SOMALIA

On April 12, 2010, by Executive Order 13536, I declared a national emergency pursuant to the International Emergency Economic Powers Act (50 U.S.C. 1701-1706) to deal with the unusual and extraordinary threat to the national security and foreign policy of the United States constituted by the deterioration of the security situation and the persistence of violence in Somalia, acts of piracy and armed robbery at sea off the coast of Somalia, which have repeatedly been the subject of United Nations Security Council resolutions, and violations of the arms embargo imposed by the United Nations Security Council.

On July 20, 2012, I issued Executive Order 13620 to take additional steps to deal with the national emergency declared in Executive Order 13536 in view of United Nations Security Council Resolution 2036 of February 22, 2012, and Resolution 2002 of July 29, 2011, and to address: exports of charcoal from Somalia, which generate significant revenue for al-Shabaab; the misappropriation of Somali public assets; and certain acts of violence committed against civilians in Somalia, all of which contribute to the deterioration of the security situation and the persistence of violence in Somalia.

The situation with respect to Somalia continues to pose an unusual and extraordinary threat to the national security and foreign policy of the United States. For this reason, the national emergency declared on April 12, 2010, and the measures adopted on that date and on July 20, 2012, to deal with that emergency, must continue in effect beyond April 12, 2013. Therefore, in accordance with section 202(d) of the National Emergencies Act (50 U.S.C. 1622(d)), I am continuing for 1 year the national emergency declared in Executive Order 13536.
This notice shall be published in the Federal Register and transmitted to the Congress.

BARACK OBAMA
THE WHITE HOUSE,
April 4, 2013.

Isha: http://thehill.com/blogs/global-affairs/africa/291951-obama-renews-sanctions-against-somalia-despite-new-government

Faafin: SomaliTalk.com | April 6, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;