Ra'iisal Wasaaraha wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Addis ababa
Warsaxaafadeed
Addis
ababa, April 5, 2013-------Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya
Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray
magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya, iyaga oo ka soo kicitimay dalka
Jabuuti oo muddo labo cisho ah ay booqasho ku joogeen.
Ra'iisal
Wasaaraha ayaa waxaa safarkan ku wehliya Marwo Xildhibaan Caasha Xaaji Cilmi,
Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Gaashaandhigga Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo
Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi, Wasiir kuxigeenka ganacsiga Maxamed Cali Xaggaa
iyo saraakiil ka tirsan xafiiska.
Wafdiga ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay Wasiirka Shaqada iyo arrimaha
Bulshada Mudane Cabdifataax Sheekh Cabdullaahi iyo xubno kale, waxaana loo soo
galbiyay hotelka Sheraton.
Ujeedada safarka ayaa ah sidii Ra'iisal Wasaaraha iyo wafdigiisu ay uga qeybgali
lahaayeen dhismaha hay'adda loogu magac daray Ra'iisal Wasaarihii hore ee
Itoobiya Meles Zenawi oo lagu magacaabo (Melese Foundation), waxaana
munaasabadan lagu soo bandhigi doonaa waxqabadkii Meles Zenawi.
Booqashada Ra'iisal Wasaaraha oo qaadan doonta muddo labo cish oah ayaa waxaana
la filayaa inuu kulamo kala duwan la qaato madaxda dalka Itoobiya iyo
mas'uuliyiinta urur goboleedka IGAD.
Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Addis ababa, Ethiopia
Faafin: SomaliTalk.com | April 5, 2013
|