Dawladda Soomaaliya oo deeq hub ah ka guddoontay dawladda Jabuuti
Djibouti, April 04, 2013----Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka
Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta ka guddoomay dawladda
Jabuuti deeq hub ah, oo loogu talagalay tayeynta ciidamaday Soomaaliyeed.
Ra'iisal Wasaaraha oo maalintii labaad booqasho rasmi ah ku jooga dalka
Jabuuti, ayaa saaka guddoomay hubkan oo ka kooban 50 gaari oo isugu jira kuwa
gaashaaman iyo kuwa loo adeegsado xamuulka ciidanka.
Munaasabad
ka dhacday xarunta ciidamada ee Sheekh Cismaan, ayaa waxaa heshiis ku kala
saxiixday Wasiirka Gaashaandhigga dawladda Soomaaliya Mudane Cabdixakiin
Maxamuud Xaaji Faqi iyo Wasiirka Gaashaandhigga dawladda Jabuuti Xasan Dharaar
Hufane.
"Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dawaldda aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo
mar kasta nala garab taagan hiil iyo hooba" ayuu yiri Mudane Faqi.
Ra'iisal Wasaare Saacid oo munaasabadii heshiiska ka hadlay ayaa sheegay inuu ku
faraxsan yahay taageeradan hub, sidoo kalena tilmaamay in hubkan loo adeegsan
doono si waafaqsan sharciga iyo nidaamka caalamiga ah ee adeegsiga hubka.
"Hubkani guud ahaan waxaan u isticmaali doonaa siduu ammaanka dadkayaga u soo
geli lahaa gacanta dawladda, waana bilow cusub, waana uga mahadcelineynaa
dawladda Jabuuti," ayuu yiri Ra'iisal Wasaaraha. Isagoo intaasi ku daray "Waxaan
halkan ka cadeynayaa in hubkan aan u adeegsan doono si mas'uuliyadi ku jirto"
Ugu dambeyntiina, Ra'iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa xafiiskiisa kula kulmay
xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Jabuuti, wuxuuna kadib soo kormeeray Dekeddaha dalka
Jabuuti, isaga oo u kuurgalay qaabka ay u shaqeeyaan dekeddahan, waxayna
warbixino ka dhegeysteen maamuleyaasha dekedaha Jabuuti.
--
Garad Salad Hersi
Press officer
Djibouti, Republic of Djibouti
Faafin: SomaliTalk.com | April 4, 2013
|