SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Shirkadda Central Air oo Muddo Gaaban Horumar ka sii Gaareysa Duulimaadyada Gudaha iyo Dibadda.

Tan iyo markii Xukuumaddii Dhexe ee Soomaaliya ay meesha ka baxday waxaa Gebi ahaanba la waayay oo iyaguna Daaqadda ka baxay Adeegyadii kala duwanaa ee Xukuumaddu u qaban jirtay Shacabka, sida Isgaarsiinta, Ganacsiga, wax soo saarka, Kalluumaysiga, Waxbarashada, Caafimaadka iyo dhamaanba Adeegyada kale ee ay Bulshadu ay kuu tiirsaneyd.

Si loo helo in loo buuxiyo Adeegyadii Dalku lahaa, waxaa durbadiiba Dalka ka hana qaaday Shirkado, Ururo iyo Aqqonyahano Shacabka uga faa’ideynaya Aqoontooda si loo buuxiyo dhamaanba Adeegyadii Bulsho ee baaba’ay.

Shirkadihii u horeeyay ee Magaalada Muqdisho hawlahooda ka bilaaba waxaa ka mid ahaa Shirkadaha Isgaarsiinta Xawaaladaha, Biyaha, Waxbarashada iyo Dibad wax u Dhoofinta iyo ka soo dejinta taasoo shacabku si weyn ugu diirsaday.

Intaas oo keliya kuma koobneyn waxqabadka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee isu taagay inay wax badan ka qabtaan adeegyada bulsho ee loo baahnaa, waxaana jiray Shirkado isu taagay sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen dhinaca Is gaarsiinta Hawada maadama ay meesha ka baxday Shirkaddii Somali Airlines oo iyadu qaabilsaneyd dhinaca Safarada Dibadda iyo Gudaha.

Haddaba Shirkadda Central Air oo ka mid ah Shirkadihii dhawaanta ambaqaaday ayaa waxa ay buuxisay Door weyn oo muhiim ah iyadoona u Bareertey in ay Gaarto meel Shirkadihii iyada ka horeeyay ayan hore u gaarin.

Shirkadda Duulimaadka Central Air oo Xarunteedu ay tahay Magaalada Muqdisho Xarumana ku leh Gobolada iyo Degmooyinka Dalka ayaa waxa ay sameysey Duulimaadyo Gobolada dalka ah iyadoona Todobaad walba mar ama Saddex Mar safaro ku kala bixisa Gobolada iyo Degmooyinka Dalka

Shirkadda Central Air oo muddo gaaban jirtay ayaa waxa ay iminka safka hore kaga jirtaa dhinaca Isgaarsiinta Dalka iyo Dibaddiisa iyadoona qorsheyneysa Mustaqbalka in ay sii kordhiso Duulimaadyadeeda Caalamiga ah ee Dunida oo Dhan.

In kastoo ay jireen Mudadii hawl bilowga ahayd Shirkaddu wax xoogaa Kufaa Kac ah haddana Maanta waxa ay ku tallaabsatay horumar dhinac walba leh ,taasoo ay ku muteysatey in ay yeelato Mcaamiil fara badan

Shirkadda ayaa waxa ay iminka Duulimaad ku tagtaa Gobolada dalka,intooda badan mar uu Saxaafada la hadlayey Xasan Xaashi Muxumed oo ka mid ah Masuuliyiinta Shirkada Central Air ayaa sheegey in Sababta ay Shirkada ay Xooga u saartey in Gobolada Dalka iyo Degmooyinka Dalka ayuu sheegey in markii ay Shirkadu si aad u dareentey Qoqobnaan la xiriirta in dadka ay isku Gudbi waayeen taasoo uu sheegey in ay Shirkadda ay si weyn u buuxisey, isagoo sheegey in ay Shirkadda ay rajaynaysa Mustaqbalka ay Howlaheeda ku Balaariso meel kasto oo Soomaali joogto.

Mas’uulkaas oo hadakiisa sii wata ayaa intaa ku daray in wax kastoo la soo marayba ay maanta joogaan meel ay hore wax uga sii wadi karaan isagoona u mahadceliyay Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolada oo uu sheegay in soo dhaweyn aad u weyn ay kala kulmeen.

“Shacabka ku dhaqan Gobolada waxa ay noo sheegeen in Shirkaddu u timid xilli si aad ah loogu baahnaa dhibaato badana ay ka haysatay dhinaca Is gaarsiinta” ayuu yiri Mas’uulkaas oo xiligaas ay ka muuqatay kalsooni dheeraad ah oo uu ku qabay Shirkadda Central Air.

Ugu dambayntii Maamulaha Shirkadda Central Air Xafiiskeeda Muqdisho ayaa u ballan qaaday Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaana Gobolada Dalka in ay dabooli doonaan Baahidooda dhinaca Duulimaadka isagoona ballan qaaday in Gobol walba oo dalka ah ay tegi doonaan ama Duulimaadkooda ay Gaarsiin doonaan.

Si kastaba waxaa Tusaale ugu filan Maal Qabeenada Soomaaliyeed iyo Qurba Joogtaba in ay ku daydaan tallaabada ay qaadday Central Air iyadoo loo baahan yahay maadama uu dalku haatan dib u soo kabasho ku jiro in dalka laga hirgeliyo Mashaariic looga faa’ideeyo Shacabka Soomaaliyeed ee in badan labaatan Sano ku soo jiray Colaad iyo Deganaan la’aan.



W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | April 3, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2012 SomaliTalk.com All rights Reserved.;