Gudoomiyha Baarlamaanka oo ka Qayb galey Munaasabadda Sannad Guuradii 1 aad
ee Radio Dalsan.
Mudane Jawaari “Baarlamaanka Marnaba ma Ogolaan doono in Faragelin ama Faafreeb
lagu sameeyo Xorriyadda Saxaafadda”
Waxaa Hotelka Palace ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabad ku aadan
Sannad Guurradii Koowaad ee ka soo wareegtey Idaacadda Dalsan , waxaana
Munaasbadaas ka qayb galey Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Dowlada Federaalka,
Xildhibaano, Wasiiro, Siyaasiyiin, Waxgarad, Culamu’diin , Qaybaha kala duwan ee
Saxaafada Shirkadaha Ganacsiga ee ka jira Dalka , Haween iyo Dhalinyaro
Ugu Horeyn waxaa halkaasi ka Hadley Agaasimaha Idaacadda Dalsan Xasan Cali
Geeseey oo sheegey in Muddadii ay jirtey Idaacada ay ku talaabsan Horumar la
taabana karo, sidoo kale waxaa uu sheegey in Boqolkiiba Boqol ay Idaacada
tabsiey warar Xaqiiqo oo u hiilinayey Nabada iyo Bulshada Soomaaliyeed taasoo uu
sheegey in ay ku kasbatey Dhageystayaal aad u fara badan ,waxaa kale uu sheegey
in Sannadkii tagey aysan Wariyayaasha Dalsan la kulmin Wax dhibaatooyin ah marka
laga reebo kuwa laga xirey oo uu ugu horeeyey Wariye Cabdicasiis Koronto isagoo
sheegey Agaasimaha in Xariga Wariyahaas ay u mareen hab sharci ah taasoo markii
dambe la sii daayey.
Xubnhii kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa wasiir ku Xigeen Wasaarada
Warfaafinta Cabdishakuur Cali Mire oo yiri “ Markii la Aas Aasayey Radio Dalsan
waxaan ka mid ahaa dadkii sida weyn loogala tashadey waxaana ku biiriyey wixii
talooyin ah marka waxaan leeyahay dhamaan Shaqaalaha Dalsan Hambalyo , waxaana
idiin soo jeedinayaa in aad sii laba laabtaan Howsha weyn ee aad u haysaan
Ummada Soomaaliyeed “Sidoo kal;e waxaa halkaa ka Hadley wasiir Ku xigeen
Wasaarada Gaashaandhiga Cabdiraxmaan Dheere oo isna u Hambalyeeyey Dhamaan
Wariyayaasha iyo Shaqaalaha Idaacadda Dalsan.
Dadkii kale ee ka qaybgaley Munaabadaas lagu Xusaayey Sannad Guurada 1 aad ee
Radio Dalsan kana Hadley waxa ka mid ahaa Siyaasiga Xuseen Cali Axmed Danjire
Maxamed Xuseen Owlio, Xasan Xaashi Muxumad Maxamed Ibraahim Bakistaan ,iyo Cali
Maxamed Nuux Timo Jilic oo dhamaantood Sheegey in Idaacada Dalsan ay tahay
Idaacadaha fara ku tiriska ah ee ku shaqeeya Hanaanka Anshaxa Saxaafada waxayna
u soo jeediyeen Bahda Dalsan in ay sii laba laabaan Howsha ay u hayaan Bushada
Soomaaliyeed.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo isna halkaa ka Hadley
ayaa sheegey in uu si aad ah ugu faraxsan yahay in uu ka qayb galo Munaasbada
lagu xusayo Sannad Guurada 1 aad ee Idaacada Dalsan, waxaa kale uu hoosta ka
Xariiqey in Baarlamanka Dowladda Federaalka uusan marnaba ogolaa doonin in
Fergelin ama Faafreeb lagu Sameeyo Xoriyada Saxaafada hase yeeshee waxaa uu kula
Dardaarmey qaybaha kal duwan ee Saxaafada in ay Ilaaliyaan Sharuucda Dalka u
degsan taaasoo uu sheegey in lagu gaari karo Saxaafad Dhinac Walba ka dhisan.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | April 3, 2013
|