Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo La Kulmay Dhigiisa Iyo Madaxweynaha Dalka
Turkiga, Booqdeyna Goobo Ku Yaala Ankara
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo wafdi uu hogaaminayo ay ku
suganyihiin dalka Turkiga ayaa maanta kulammo gaar gaar ah la qaatay
dhigiisa iyo Madaxweynaha dalka Turkiga ayadoo dhanka kalena uu
Gudoomiyuhu booqday goobo ku yaala magaalada Ankara. Kulamada ka hor ayaa Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa waxey
booqdeen qabriga uu ku aasanyahay Madaxweynihii hore ee dalkan Turkiga
Mustafa kamaal Ataturk halkaasi oo uu gudoomiyuhu dhigay ubax,sidoo
kalena Gudoomiyaha iyo Wafdigiisa waxey kormeer ku tageen dhismaha
Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Ankara waxaana Gudoomiyaha iyo
wafdigiisa warbixinno ku aadan waxqabadka safaaradda uu ka dhageystay
howlwadeennada iyo Mas’uuliyiinta safaaradda oo uu hogaaminayey
safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga Mudane Maxamed Mursal Sheekh
C/raxmaan. Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh
Cismaan Jawaari ayaa aad u ammaanay qaabka ay u shaqeyso safaaradda
Soomaaliya ee dalka Turkiga waxaana uu ku booriyey mas’uuliyiinta iyo
howlwadeennada Safaaradda iney sii wadaan dadaalkooda hagar la’aaneed
ee ay ugu adeegayaan shacbiga Soomaaliyeed ee ay wakiilka ka yihiin. Intaasi kadib Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wafdigiisa waxey tageen
xarunta Baarlamaanka dalkan Turkiga oo ku taala magaalada Ankara
waxaana uu Gudoomiyuhu kormeeray dhammaanba qeybaha kala duwan ee uu
ka koobanyahay dhismaha xarunta Baarlamaanka ayadoo markaasi kadibna
uu Gudoomiyaha Baarlamaanka kulan gaar ah la qaatay dhigiisa dalkan
Turkiga oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo sidii ay wada
shaqeyn joogta ah u dhexmari laheyd labada Baarlamaan ee Soomaaliya
iyo Turkiga. Kulankaasi dhexmaray labada Gudoomiye Baarlamaan kadib waxaa Wafdiga
Gudoomiyaha uu hogaaminayey qado sharaf loogu sameeyey xarunta
Baarlamaanka ayadoo qado sharaftaasina ay goobjoog ka ahaayeen
xildhibaannada labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Turkiga.
Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane
Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa booqday xarunta Wasaaradaha dalka
Turkiga halkaasi oo uu kula kulmay Ra’isulwasaare ku xigeenka dalka
Turkiga Bakir Bozdag oo isagu dowladda Turkiga arrimaha Soomaaliya u
qaabilsan waxaana uu Gudoomiyuhu uu aad u ammaanay sida hagar
la’aaneed ee ay Walaalaha Turkigu u garab taaganyihiin shacbiga iyo
Dolwadda Soomaaliyeed. Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa aqalka Madaxtooyada kula
kulmay Madaxweynaha Dalkan Turkiga Mudane Cabdalla Guul oo ay ka wada
hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo adkeyn lahaa waxaana
kulankaasi oo qaatay mudo saacado ah ay labada dhinac isku afgarteen
in lasii xoojiyo cilaaqaadka iyo wadashaqeynta ay Dowladda Federaalka
Soomaaliya la leedahay walaalaha Turkiga. ----DHAMAAD---- Xafiiska Warfaafinta Gudoomiyaha Baarlamaanka
Madaxweyne Hassan oo soo gabagabeeyey socdaalkii Puntland
(Garoowe,Soomaaliya,29 April 2013) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka
Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa galabta
soo gabagabeeyey socdaal shaqo oo uu labo maalmood uu ku joogey magaalada Garowe
ee Puntland.
Madaxweynaha
iyo wafdigii la socday oo ka koobnaa wasiiro, xildhibaano iyo mas' uuliyiin kale
ayaa si heer sare ah loogu soo sagootiyey galabta. Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland oo shir-jaraa'id si wadajir ah u
qabtay ayaa sheegay in labada dhinac isku afgarteen sidii loo dhaqangelin lahaa
heshiisyadii hore, isla markaana looga wada shaqeyn lahaa wadahadalada iyo
midnimada shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey
Madaxweynaha Puntland, xukuumadiisa iyo shacabka Puntland sidii diiraneyd ee
quruxda badneyd ee loo soo dhoweeyey, sheegeyna in Puntland ay door muhiim ah ku
laheyd soo afjariddii xilligii KMG aheyd loogana baahanyahay inay dhameystirka
dastuurka iyo dib u soo celinta amniga ay kala shaqeyso Dowladda Federaalka ah.
Madaxweynaha ayaa kala hadlay Madaxweynaha Puntland shirka London ee 7da May
sheegeyna in shirkan ay wada hoggaaminayaan Somalia iyo UK ujeedaduna tahay
sidii Dowladda Federaalka looga saacidi lahaa qorsheyaasheeda Amniga, garsoorka
iyo dibs-u-hagaajinta dhaqaalaha. Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka London uu
yahay mid taariikhi ah oo waxtar ballaaran u leh shacabka Soomaaliyeed, kana
codsaday Puntland inay talo ku yeelato, kalana shaqeyso Dowladda Federaalka ah.
Socdaalkan shaqo ee Madaxweynaha ayaa daba socda socdaalkii Ra'iisul Wasaaraha
uu ku yimid Puntland iyo qorshaha Dowladda ee isgaaridda iyo is-dhexgalka
shacabka Soomaaliyeed.
- Dhamaad -
Wixii faah-faahin ah kala soo xiriir:Malik Abdalla,Agaasimaha Warfaafinta Villa,
Somalia, Muqdisho, media@presidency.gov.so
Faafin: SomaliTalk.com | April 30, 2013
|