SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Maxamed Xasan Xaad "Dowlada Kenya waa in ay Faraha kala Baxdaa Maamul u Sameynta Jubbooyinka oo ku Ekaato….."

Guddoomiyaha Odoyaasha Dhaqanka Beelaha Hawiyey oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay Maamul u Samaynta Gobolada Dalka.Guddoomiyaha ayaa ugu horeynba is weydiiyay cidda Xaqa u leh in ay Magacowdo Maamul Goboleed isagoona Dawladda Federaalka Soomaaliya weydiiyay in ay u siman yihiin Maamulada hadda jira iyo kuwa la doonayo in dhawaan la dhiso.

Guddoomiye Xaad ayaa soo hadal qaaday Maamul u samaynta Jubbooyinka oo uu sheegay in muddo dheer soo jiitamayeen isla markaana ay ku lug leeyihiin Dad aan Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka u dhalan. Maxamed Xasan Xaad ayaa ku baaqay in Maamul u samaynta Goboladaas loo daayo Dadka ay khuseyso isla markaana aan lagu fara gelin haddii taasi ay dhacdana ay suurta gal tahay in Fowdo aan dhamaan ay halkaa ka bilaabanto.

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale baaq u diray Xukuumadda Kenya isagoona ka codsaday in Kenya faraha ay kala baxdo arrimaha maamul u samaynta Kismaayo isla markaana ay ku ekaadaan doorkooda oo ah Sugidda ammaanka oo keliya.

Hadalkan Guddoomiyaha odoyaasha Dhaqanka Muqdisho ayaa imaanaya xilli dhawaan Mid ka tirsan Barlamaanka Puntland uu ku Eedeeyay Odoyaasha Beelaha Hawiye in ay faraha kula jiraan arrimaha Maamul u samaynta Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka taasoo Xaad uu meesha ka saaray.

Guddoomiye Xaad ayaa ugu dambayntii Dawladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay door ka gaysato sidii Maamul ay leedahay Jubba Land looga samayn lahaa Gobolada gedo iyo Jubbooyinka. Si kastaba Maxamed Xasan ayaa shirkiisa Jaraa’id wuxuu ku soo koobey inaan loo baahnayn dhiig Soomaaliyeed oo mar kale ku daata geyiga Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | April 30, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;