SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Gudoomiyaha Olonnbikada Soomaaliya Cabdullaahi Axmed Tarabi oo Somalitalk Wareysi Siiyey

 “2006-dii, Waxaan Sameynay Shan Zoon, Waa Bannaadir, Jubooyinka Hoose, Alto Jubba meeshii la dhihi jirey, Goboladda dhexe Jowhar ilaa iyo Galgaduud iyo North East, Wali Somaliland Kuma Darin… Annagu Ma Nihin Sidii Siyaasiinta Camal”!

Gudoomiyaha Olonnbikada Soomaaliya Cabdullaahi Axmed Tarabi oo Somalitalk Wareysi gaar ah oo dhinacyo kala duwan taabanaya siiyey mar uu transit ku ahaa dalka Jabuuti ayaa waxaa uu ka Hadley ujeedada safarkiisa, qorshaha gudiga Olonbikada Soomaaliya xiligan, sababaha keenay in ay liidato tayadda Is-boortiga soomaaliyeed, dhaqaalaha soogala gudiga Olonbikadda soomaaliya, sababihii loo aas aasey gudiga Olonbikadda soomaaliyeed xiligii dowladd la’aanta ay ka jirtey dalka soomaaliya, xubnihii aas aasey, Taariikh-diisa Is-boorti iyo xiliga uu ku biirey gudiga Olonbikada soomaaliyeed.

Gudoomiyaha waxaa uu si faah faahsan uga Hadley arrimo badan oo ku saabsan Is-boortiga soomaaliya, guulihii ay gaareen mudadii dowladd la’aanta ka jirtey dalka soomaaliya, caqabadihii la soogudboonaadey mudadii ay xilka is-boortiga soo wadeen ayaa isagoo qaar ka mid ah arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yiri

“Gudiga Olonbikadda soomaaliya waxaan ku biirey 1997-dii, xogh-haye ayaan ka noqdey… Sababaha loo aas aasey gudiga Olonbikadda soomaaliya, waxay ahayd laba arrimood, 1- arrin waxay ahayd mid gudaha ku saabsan oo is-dhex gal dadka soomaaliyeed looga raadiyo shacabka soomaaliyeed maadaama ay colaad ay jirtey, kana qayb qaadano wax-yaabaha lagula dagaalamayo qabyaaladda, Woodh looriizamka iyo ka qob qobida bulshada.

Tan labaadna waxay ahayd, dibaddana inaan ka noqono niman calan sideyaal ah oo meel kasta oo laga taagayo calamadda adduunka inuusan calankeena meesha ka baaqanin oo aan ka qayb-galno oo Ummaddii soomaaliyeed inay jirto oo wali dadkii qaar uu ruuxoodu nool yahay inaan caalamka tusno, taasina waan ku guuleysaney”.

Sidoo kale mar uu ka hadlayey xilalka Dowladda, Kan Xiriiradda, Goboladda iyo gudiga Olonbikadda Soomaaliya ka dhexeeya ayaa wuxuu yiri “…Waxaan ku heshiiney xilkii aan hayney Sanooyinkii faraha badnaa ee wadanka dhibaatadda ka jirtey oo gudiga Olonbikadda iyo xiriiradda keliya ay ahaayeen waxa keliya ee meesha taagan, Ummadda soomaaliyeed ay keligood indhaha ku hayeen, maanta haddii ay dowladd rasmi ah timid inay xilka la wareegaan wax-yaabihii aan ku wada hadalney ayey ka mid yihiin…”

(Wareysiga Oo Dhameystiran Halkaan Ka Daawo)

Maxamed Macallin Cismaan (All-man)

Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 28, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;