SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Fadhigii Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Maanta oo Hor Istaagey Mooshin ay u soo Gudbiyeen Qaar ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka.

  • Qaar ka mid ah Xildhibaanada oo ay ka muuqtey Caro weyn ayaa waxay sheegeen in Baarlamaanka uusan dhexdhexaad ka ahayn arrimaha Siyaasada Soomaaliyeed waxayna sheegeen in Mooshinkaas ay dib u soo celin doonaan...

April 27, 2013 - Kalfadhiga Labaad ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo isugu yimid Fadhigoodii caadiga ahaa ayaa ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho,.Fadhiga oo uu shir Guddoominayay Guddoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Barlamaanka ayaa ajandhayaasha hor yaalay waxaa ka mid ahaa Mooshin qaar ka mid ah Xildhibaanada ay ka keeneen Shirkii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ay ku yeesheen Dalka Turkiga.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Barlamaanka Mahad Cawad oo ugu horeynba halkaa ka hadlay ayaa sheegay in Mooshinka ay soo gudbiyeen Xildhibaanadan ay tahay in wax laga weydiiyo laanta Fulinta iyadana ay hadasho laakiin aysan ahayn arrin inta Barlamaanka la hor keeno laga doodayo.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa tilmaamay in la sii wado ajandhayaashii kale ee Baarlamaanka hor yiilay iyadoo midkan la keenayna aan laga hadli karin isla markaana uusan Barlamaanku ka doodeyn. Qaar ka mid ah Xildhibaanadii Mooshiinkaas soo gudbiyay ayaa dhaliilay qaabka Dawladdu ula tacaamushay Maamulka SomaliLand

Qaar ka mid ah Xildhibaanada oo ay ka muuqtey Caro weyn ayaa waxay sheegeen in Baarlamaanka uusan dhexdhexaad ka ahayn arrimaha Siyaasada Soomaaliyeed waxayna sheegeen in Mooshinkaas ay dib u soo celin doonaan, hase yeeshee Waxaa la filayaa in 2-da Bisha May uu Madaxweynaha hor imaan doono kaasoo wax laga weydiin doono heshiiska Dowlada Federaalka iyo Soomaliland.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | April 27, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;