SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Hayadaha Qaramada Midoobey iyo Bulshada Rayidka oo Kulan Hordhac ka yeeshey Shirka London

Waxaa Xarunta UNDP ee Magaalada Muqdisho ka dhacay kulan hordhac u ahaa Shirka la filayao in uu Dhawaan ka dhaco Magaalada London , waxaana Kulankaas ka qaybgaley Xubno ka socdey Hayadaha Qaramada Midoobey ee Qaabilsan Dhinaca Baniaadanimada, Hayadaha Samafalka ee ay leeyihiin Dadka Soomaaliyeed kuwaas oo ka shaqeeyaha Gudaha dalka, Xubno ka socdey Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Dowladda Soomaaliya, Bulshada Rayidka, Hayadaha Turkiga Ururka Islaamka (OIC iyo Dibolomaasiyiin ka socotey Safaaradda Turkiga , waxaana Kulankaas Diirada lagu saarey Sidii dardar loo gelin lahaa Arrimaha Baniaadanimada Xaqiijinta Aminiga iyo Soo Kabashada Soomaaliya .

Xubnhii ka socdey Qaramada Midoobey ee ka qaybgaley Kulankaas ayaa soo jeediyey in Gargaarkii Hayadaha Qaramada Midoobey ee ay siin jirtey Soomaaliya loo baahan yahay in la Kordhiyo , sidoo kale Masuuliyiintii ka socotey Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa u sheegey Hayadaha Samafalka ee ka qayb galey kulankaas in Soomaaliya ay ka dhalatey Dowlad rasmi ah , sidaa Darteed Hayadaha Samafalka looga baahan yahay in ay Xiriir la soo sameeyaan Dowlada Faderaalka si loo jaangooyo Habka loo wajayo Arimaha Baniaadanimada iyo Dib u celinta dadka Barakacayaasha ee ka soo Hayaamey Deegaanadoodii

Raxmo Xasan Axmed oo ka soctey Hayad lagu magacaabo Gargaarka iyo Horumarinta Soomaaliya ayaa waxay halkaas ka jeedisey warbxin dheer oo ku aadan Kormeer la xiriira Xog raadin ay ku soo mareen Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, Soomaaliland iyo Puntland kaasoo ugu kuur galayeen qaabka ay u shaqeeyan Hayadaha Samafalka kuwada Gudaha iyo kuwa Caalamiga ah , Baahidooda iyo Caqabadaha ka horyimaada marka ay ku jiraan Howlahooda dhinaca Baniaadanimada .

“Ururkeena waxaa la aas-Asey Xiligii ay Abaaraha ka jireen Soomaaliya , waxayna Xaruntiisa ku taalaa Magaalada London marka Kormeerkeena waxaa uu la xiriirey sidii Warbxin Dhameystiran oo dhinac walba laga fiiriyey oo la xiriirta Dhinaca Baniaadanimada aan ugu Gudbin lahayn Shirka 7 May ka dhaca Magaalada London ee looga hadlayo Arimaha Soomaaliya “ayey Tiri Raxmo Xasan Axmed oo sheegtey in intii ay ku Guda jireen Sahankooda aysan la kulmin wax Caqabad Waxayna Hayadaha iyo dadka kale ee ay Xogta ka raadinayeen ay ahaayeen kuwa si wanaagsan noo soo dhaweeyey islamarkaana wixii jireyna si Saraaxad leh noogu waramey.

Kulankaas ayaa markii la soo Gabagabeeyey laga soo saaray Qodobo Dhowr oo la xiriira sidii ay Hayadaha Samafalka ay u dardargelin lahaayeen arrimaha Baniaadanimada maadaama Soomaaliya ay soo Kabsaneyso sidoo kale waxaa ka mid ahaa sidii Warbxin Dhameystiran loogu Gudbin lahaa Shirka la filayo in uu ka dhaco Magaalada London ee Cariga Ingiriiska kasoo ku saabsan Arrimaha Baniaadanimada

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk



Faafin: SomaliTalk.com | April 26, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;