SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

W.Maaliyadda oo saaka dalka dib ugu soo noqday kana war bixiyey shirkii IMF-ta ee Washington ka dhacay

Khamiis, 25, April, 201. Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Xasan Sulaymaan iyo wafti uu hogaaminayo ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu ka soo qayb galeen shirkii Hay’adda Lacagta Aduunka IMF oo ka dhacay magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

Hay’adda Lacagta Aduunka IMF ayaa horaanta bishaan shaacisay in ay aqoon santahay dowladda Soomaaliya, ayna wada shaqyn buuxda la yeelan doonto Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya si dib loogu dhiso hanaankii maaliyadeed ee dalka.

Wasiirka ayaa saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Adan Cade, isagoona faahfaahin ka bixiyey kulamadii uu la soo qaatay madaxda Hay’adda Lacagta Aduunka (IMF)

“ Magaalada Washington waxaa uga soo qayb galnay shirkii sanad laha ahaa ee Hay’ada Lacagta Aduunka, waana markii ugu horaysay oo Soomaaliya ka qayb gasho mudo 22 sano ah, taasina waxay yididiilo weyn u tahay horumarka baaxada leh oo ay rabto in ay ku talaabsato dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirku.

Siidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradiisu ku howlantahay sidii dib u habayn loogu samayn lahaa ilaha dhaqaalaha ee dowladda si loo helo nidaam maaliyadeed oo hufan, taasina ay wax weyn ka tari karto in dowladdu ay hesho kaalmooyin caalami ah.

Wasiirka Maaliyadda ayaa intii uu xilka hayey waxaa uu dadaal dheer u galay sidii wada shaqayn dhan kasta ah u yeelan lahaayeen dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka, wuxuuna ku guulaystay in Soomaaliya ay xubinimadeedii Hay’adda Lacagta Aduunka (IMF) ay dib ula soo noqoto, kana qayb gasho shirar caalami ah.

wmaaliyaddasom@gmail.com



Faafin: SomaliTalk.com | April 26, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;