Ururka Dhalinyarda SYAO OO Tartan Loogu Magacdarey Isdhexgalka Dhalinyarda ku
soo Gabagabeysey Magaalada Baydhabo.
Ururka u dooda Xuquuqda Dhalinyarada Soomaaliya ee SYAO ayaa ku soo Gabagabeeyay
Magaalada Baydhabo ee Gobolka Tartan Isboorti oo muddo Todobaad socday, kaasoo
ay ka qeyb galeen kooxo ka dhisan magaalada.Tartankan oo loogu magac daray is
dhexgalka Dhalinyarada ku nool Gobolka Bay ayaa kooxaha ka qeyb galay ay
ahaayeen kuwo isa soo reebay, waxaana Finalka ama ciyaartii u dambeysay u soo
baxay Kooxaha FC Salaadey iyo FC Aamina.
Ciyaartan oo ay u soo Daawasho tageen dadweyne fara badan ayaa waxaa ka soo qeyb
galay Gudoomiyaha Gobolka Bay Cabdi Aadan Hoosow iyo Mas’uuliyiinta heer Gobol
iyo heer degmo.Labada kooxood ayaa waxay isla dhaafi waayeen barbar dhac Goolal
la’aan, waxaana rigoorayaal loo dhigay, si ay ugu kala baxaan waxaa 4-1 ay
guusha ku raacday Kooxda FC Salaadey oo ku Guuleysatay koobki Quruxda badnaa.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Bay Cabdi Aadan Hoosow oo ka hadlay Gabagabadii
tartanka ayaa sheegay in tartankan uu qeyb weyn ka qaadanayo is dhexgalka
Bulshada iyoDdhalinyarada, isagoo ku amaanay SYAO dadaalkeeda ku wajahan
horumarinta dhalinyarada.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Maxamuud Sheekh Maadey Wakiilka Olimbikada
Soomaaliyed ee Gobolada Bay, Bakool iyo Gedo oo la isku dhaho Zone 2, isagoo
sheegay in Tartamadan ceynkan oo kale ay wanaagsan tahay in la joogteeyo, laguna
ballaariyo deegaanada kale ee Gobolada uu wakiilka ka yahay.
Ugu dambeyn Gudoomiyaha Gobolka Bay Cabdi Aadan Hoosow ayaa Gudoonsiiyay koob
qurux badan kooxdii ku guuleystay, halka kooxdii labaad lagu abaal mariyay koob,
waxaana xusid mudnaa in ciyaartoydii ka qeyb qaadatay la siiyay Bilado
dhiiragelin ah.
Tartankan ay SYAO ku soo Gabagabeysay Magaalada Baydhabo ayaa qeyb ka ahaa
tartamo Isboorti oo is dhexgalka Bulshada ahaa oo ay ku qabatay Beledweyn,
Afgooye Gobolka banaadir, iyadoo lagu wado tartamo kale ay ku qabato Gobolada
iyo deegaanada dalka..
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2013
|