SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Waxay dileen isagoo Ilaahay difaacaya!

Habeenkii Jimcuhu soo galayey ee maalintiisa Sheekh C/qaadir la dilay ayaan masjidka Al-hudaa ka jeediyey Muxaadaro. Sheekhu goor dambe ayuu yimid. Markaan darsigii dhameeyey ayuu makarafoonka qaatay. Wuxuu ka hadlay muuqaal foolxun oo magaalada ku soo kordhay, kaas oo ah in la arkay dad Ilaahay iyo diinta caayaya.

Wuxuu sheegay in wiil iskooley ah uu Ilaahay fasalka ku dhex caayey oo ardaydii ay qabteen, maamulkana ugu yeereen, ka dibna maamulku ay iskoolkii ka eryeen. Wuxuu ka hadlay xumaanta arrintaan iyo sida loogu baahanyahay in laga hortago, waxna laga qabto. Wuxuu hadal u jeediyey ummadda oo dhan, si gaar ahna madaxweynaha P/land Dr. C/raxmaan Faroole inay faldambiyeedkaan foosha xun wax ka qabtaan.

Salaaddii jimce ka dib ayaan sheekha ka wada qadaynay xaafad nalaku martiqaaday. Si guud dacwada ayaa looga hadlayey, si gaar ahna waxaa sheekhu ugu dheeraaday cayda Ilaahay iyo diinta ee magalada ku soo korortay, iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Anagu ghayb-ka (waxa naga dahsoon) ma ogayn, Sheekh C/qaadirna ma ogayn laakiin waxaan geeridiisa ka dib is iri: karaamo Rabbi ayay ahayd inuu sheekhu geeriyoodo isaga oo qalbigiisu la gubanayo cayda Rabbigiis la caayey, miskaxdiisuna ku mashquulsan tahay sidii uu wax uga qaban lahaa.

Intaa ka dib labo farriimood:

1- Dadweynaha Soomaaliyeed gaar ahaan madaxweynaha P/land oo Sheekhu kala dardaarmay inay Ilaahay difaacaan waxaa u yaal xil weyn oo ay tahay inay gutaan, sheekhuna intii saarnayd waa gutay. Waliba madaxdu in lagu xadgudbo way ka dagaalamaan oo waa khiyaano qaran, xukukeeduna waa dil!. Xadgudubka Ilaahay loogu gaysto meelaha ay xukumaana sidaas oo kale iyo si u dhow ugama dagaalamaan ee bal dib ha la isugu noqdo.

2- Ragga Sheekha cirrooalaha ah oo Ilaahay u doodaya dilkiisa ka qaybgalay ama ku farxay ama u qiilbixiyey dib ha isugu noqdeen oo ha ka toobad keeneen, wixii ay fasaadiyeena ha islaaxiyeen, cid dambena ayaanay sharkaas ugu yeerin.


Axmed C/samad
E-mail: alwaqaar@hotmail.com
FB: facebook.com/Sh. Axmed Cabdisamad


Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;