SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Xarakada Al-Islaax oo Warsaxaafadeed ay soo Saartay ku Beenisay in Ururkooda uu la Midoobay Urur kale

War-Saxafadeed ay Xarakada Al-Islaax ee Soomaaliya ay soo saartay ayay ku sheegtay inaysan jirin wax Urur ah oo ay la Midoobeen, iyagoo war arrintan ku saabsan oo maalmo ka hor kasoo baxay Muqdisho ku tilmaamay mid been abuur ah.

Guddoomiyaha Ururka Al-Islaax Dr. Cali Baashi Cumar Rooraaye oo warkan ku saxiixnaa ayaa ku eedeeyay in wararkaas uu ka dambeeyo Sheekh Sheekh Maxamed Axmed Garyare oo ka mid ah Aasasayaashii Xarakadan balse aan hadda wax xil ah aan ka hayn. Haddaba War-Saxaafadeedkaas halkaan ka Akhriso


Xukuumada Washington ka Digtay Qaraxyo Xarakada Al-Shabaab ay ka Fuliyaan Dalka Burundi

War Qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Dalka Maraykanka ayaa uga digay Muwaadiniintooda u safraya Dalka Burundi in ay ka Digtoonaadaan Tagista Wadanka Burundi ka dib markii ay soo Wariyeen suurtagalnimada Qaraxyo Dagaalyahanada Xarakada Shabaab ay ka Fuliyaan gudaha Dalka burunddi.

Warkaan Qoraalka ah ayaa lagu sheegay in Xarakada Shabaab oo ka Dagaalanta Soomaaliya ay Qorsheynayaan sidii ay weeraro Qaraxya ah uga gaysan lahaayeen Dalka Burundi oo Ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo qayb ka ah Hawlka Galka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee Amisom .

Warka ka soo baxay Xafiiska arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Muwaadiniinta Maraykanka ugu baaqay in ay muujiyaan Taxadar badan inta ay ku sugan yihiin Gudaha dalkaas Burundi ,Ma aha markii u horeeyay ee Dibulumaasinta Maraykanka ah iyo reer Galbeed ay Digniino noocaan ah ka soo saaraan Qaraxyo ay suurta gal tahay in ay ka dhacaan Dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya.

Horey ayaa dalalka Kenya iyo Uganda waxaa uga dhacay Qaraxyo ay sheegteen in ay ka dambeeyeen Dagaalyahanada Xarakada Shabaab. Si kastaba dhawaan ayay ahayd markii Xukuumadda Britain ay ka digtay Qaraxyo ka dhaca Muqdisha iyadoo laba Todobaad ka horna weeraro Qaraxya ah ay ka dhaceen Xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir taasoo ay sheegtaan Xarakada Shabaab islamrkaana ay ku dhinteen Dadka badan Soddon Qof

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;