Is faham la'aan iyo shaki soo kala dhexgalay dowlada federaalka Soomaaliya
iyo Itoobiya
Hordhac: Ciidamada dalka Itoobiya ayaa waxaa ay qayb weyn ka qaateen dagaalkii
lala galay xarakada Al-shabaab ee dalka soomaaliya. Meelo badan oo gaboblada oo
ka mid ah bartamaha iyo koonfurta soomaaliya ayaa waxaa fadhiya ciidamada
Itoobiya, waxaana ay dagaal joogto ah kula jiraan maleeshiyada xarakada
al-shabaab. Dowlada cusub ee soomaaliya iyo guud ahaan Amisom ayaan weli ku
guuleysan iney ciidamo geeyaan goobaha ay ciidamada Itoobiya ka howl galaan.
Dowlada federaalka soomaaliya ee uu madaxweyanaha ka yahay Xasan sh. Maxamuud
ayaan weli soo bandhigin qorshe ciidan oo baahsan oo ay ugu talo gashay in
amaanka dalka lagu sugo. Si kastaba ha ahaatee dowlada Itoobiya ayaa ku
dhawaaqday iney ciidamadeeda kala bixi doonto dalka soomaaliya. Dadka siyaasda
ka faalooda ayaa waxaa ay aqabaan inuu jiro is faham la àan iyo kala shaki u
dhexeeya dowlada soomaaliya iyo Itoobiya. Haddaba qormadaan ayaan kaga faalloon
doonaa waxyaalaha saldhiga u ah kala shakiga meesha soo galay.
Siyaasada dibada ee Dowlada Soomaaliya: Madaxweynaha dowlada Soomaaliya ayaa
ah nin kasoo jeeda urur diineed ( islaax-islaami),taas oo ay dowlada Itoobiya ka
muujisay shaki ku wajahan qaabka ay noqon karto siyaasada dowlada federaalka ee
soomaaliya. Ururka Islaax ayaa ah urur ka mid ah urur weynaha akhwaanu
muslimiinta ee ku xoogan qaar ka mid ah wadamada carabta. Ururka
akhwaanu-muslimiinka ayaa haatan ka taliya wadamo badan oo dunida carabta ah
sida Masar, Turkiga, suudaan,Tuunisiya iyo Liibiya. Waxaa kaloo uu ururku
doonayaa inuu saamayntiisa siyaasadeed ku baahiyo meelo badan oo dunida islaamka
ka ah oo ay soomaaliya ka mid tahay.
Haddaba dowlada Itoobiya waxaa ay u aragtaa madaxweynaha soomaaliya inuu yahay
nin xiriir dhow la leh wadamada carabta ee ay akhwaanu-muslimiinku ka taliyaan.
Qaar ka mid ah wadamadaas ayaa xiriir aan wanaagsanayn la leh dowlada Itoobiya.
Tusaale ahaan dalka Masar iyo Itoobiya ayaa isku haysta biyaha webiga Niil.
Waxaana marar badan dhacday in labada wadan ay ku dhowaadeen dagaal ku saabsan
arinka biyaha Niil. Wargayska Middle East oo ka soo baxa Dalka Britain kana
hadla arrimaha Bariga dhexe ayaa shaaciyay inay suura gal tahay in dalka
Itoobiya Iyo Masaru u dagaal dhex maro, Wargayska ayaa sheegay inuu warkaas ka
soo xigtey illo siyaasadeed oo reer Galbeed ah oo aad uga warhaya siyaasada
labada dal. Waxaa kaloo la xaqiijiyey inuu jirey kullan saddex geesood ah oo
magaalada Qaahira ku dhexmaray dowladaha Masar, Eritrea Iyo Sudan, kaas oo ay
uga tashanayeen sidii uu u dhexmari lahaa iskaashi xoogan oo dhan ka ah dalka
Itoobiya. Dowlada Soomaaliya waxaa ay saaxiib dhow la tahay wadamada Masar iyo
suudaan, taas oo qayb ka ah shakiga ay itoobiya ka qabto dowlada xasan sh.
maxamuud. Dowalda Itoobiya ayaa il gaar ah ku fiirisa wadan kasta oo xiriir dhow
la leh dalka masar.
Wadanka Qadar oo lagu magacaabo xarunta xisbiga akhwaanka ayaa iyaduna saamayn
weyn ku leh siyaasada dowlada Madaxweyne Xasan sh. Maxamuud iyo madax kale oo
badan oo dunida carabta ka taliya. Arinkaas ayaa ah mid aaney dowlada Itoobiya
ku faraxsanayn.
Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga: Xiriirka sii koraaya ee dowlada Soomaaliya
iyo Turkiga ayaa kaloo ka mid ah waxyaalaha ay itoobiyaanku shakiga weyn ka
qabaan. Dowlada Turkiga ayaa waayadaan dame kordhisey xiriirkeeda ku wajahan
qaarada Afkika. Shirkadaha Turkiga ayaa howlo badan ka wada wadamo badan oo
afrika ah. Dowlada Somaaliya ayaa ka mid ah wadamada xiriirka dhow la leh
dolwada Turkiga. Waxaana jira mashruucyo badan oo ay turkigu doonayaan iney ka
hirgeliyaan dalka soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho. Xiriirka turkiga iyo
Itoobiya ayaa beryahaan soo yara fiicnaanayey balse weli waxaa jira shaki ku
kala dhex jira labada wadan. Mid walbaana waxaa uu doonayaa inuu saamaynta ugu
weyn ku yeesho Bariga Afrika. Xiriirka Madaxweyne Xasan Sheekh uu la leeyahay
guud ahaan wadamada Carabta iyo Turkiga iyo wadamada ay akhwaanu-muslimiintu ka
taliyaan ayaa ah saldhiga khilaafka Itoobiya iyo Soomaaliya. Arintaas ayaana ah
midda rasmiga ah ee keentay in Itoobiya ciidamadeeda kala baxdo soomaaliya.
Itoobiya waxaa ay dooneysaa iney cadaadis xoogan saarto madaxweyne Xasan sheekh
si uu wax uga bedelo siyaasadiisa ku wajahan wadamada aan xiriirka wanaagsan la
lahayn Itoobiya.
Siyaasada gudaha ee Dowlada Soomaaliya: Wadamada deriska la ah soomaaliya
ayaa dhamaantood waxaa ay doonayaan iney saamayn ku yeeshaan siyaasada gudaha ee
soomaaliya. Dowlada Itoobiya ayaan ku qanacsanayn siyaasada Madaxweyne Xasan
Sh.Maxamuud iyo qaabka uu u wajaho siyaasada gudaha ee Soomaaliya. Waxaa jira
rag Itoobiya xiriir dhow la leh oo ay dowlada Itoobiya dooneysey in lagu daro
dowlada Soomaaliya, taasina ma aaney dhicin. Arinkaas waxaa ay dowlada Itoobiya
u aragtay mid meesha looga saaraayo saamayntii ay Itoobiya ku lahayd soomaaliya.
Waxaa dadka ka faalooda arimaha Bariga Afrika ay isku raacsan yihiin in sababta
ay Itoobiya uga baxayso Soomaaliya aaney ahayn midda ay dowladu shaacisay balse
ay jirto siyaasad iyo arimo kale oo qarsoon oo dhexmaray dowlada Itoobiya iyo
Soomaaliya. Taas waxaa caddayn u qaabilaadii loo fidiyey Raysul wasaaraha
Soomaaliya kolkii uu tegey Itoobiya. Raysulwasaaraha soomaaliya waxaa Garoonka
diyaaradaha ku qaabilay wasiiro iyo how-wadeeno kale , taas oo muujineysa mugdi
siyaasadeed oo u dhexeeya labada dal.
Guntii iyo gebagabadii , waxaa madaxweyne Xasan sh. Maxamuud looga fadhiyaa inuu
la yimaado siyaasad miisaaman oo xirfad iyo xeeladi ku dheehan tahay. Waana inuu
ugu horeyn ka bilaabaa Arimaha gudaha iyo inuu kalsooni buuxda ka helo guud
ahaan gobolada Soomaaliya iyo dadka ku dhaqan. Waa inuu ka fogaadaa eex, danaysi
iyo gobolada soomaaliyeed oo la kala xigsado. Waa inuu muujiyaa inuu yahay
madaxweyne dalka soomaaliya oo dhan. Waa inuu muujiyaa si ficil ah in caasimada
soomaaliya ee muqdisho ay tahay magaalo caasimad ah oo ummada oo dhan dhex u ah.
Waa inuu si niyad , doonitaan iyo ficilba ku muujiyaa in caawinaada soomaaliya
la siiyo ay muwaadin walba iyo gobol walba oo soomaali ah ay gaarto. Ugu damayn
waa in dowladu dejisaa qorshe baahsan oo hantida maguuraanka ah loogu celinaayo
dadkii lahaa. Haddii madaxweynaha iyo dowladuba arimaha aan kor kuso sheegay ku
guuleystaan looma baahna ciidamo shisheeye ah meesha ay doonaanba haka
yimaadeene. Balse waxaa dalka soomaaliya difaacaya nabadna ka abuuraaya ciidanka
iyo shicibka soomaaliyeed oo isku duuban.
Mahadsanidin
Qore: C/risaq Maxamed Xuseen
Master degree in bussiness Administration and economics
Eskilstuna,Sweden
Soo booqo blogga aan leeyahay: www.abdirisak.bloggsida.se
habdirisak@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | April 25, 2013
|