Shiikh Maxamed Ibraahim Shakuul oo si Kulul u Beeniyay in Shirkii Kismaayo
ay Hoosta ka Riixeyso Dawladda Kenya
Shiikh Maxamed Ibraahim Shakuul oo ka mid ah Musharixiinta u taagan
Madaxtinimada Jubba land ayaa ka hadlay hawlaha Doorashooyinka iyo Shirkii ka
socday Magaalada Kismaayo.Siyaasigan ayaa sheegay in Dawladda Kenya aysan wax
shaqa ah ku lahayn Hawlihii Shir weynihii Kismaayo iyo Doorashada iminka la
sugayo in dhawaan halkaa lagu soo doorto Hogaanka Jubba Land.
Musharaxan
Shiikh Shakuul ayaa sheegay in figradda ay ka soo fushay Dad Soomaali ah
islamarkaana Kenya ayasan wax shaqa ah ku lahayn hawlihii ka dhacay Magaalada
Kismaayo ee marxaladaha kala duwan soo maray. Sheikh Shakuul oo hadalkiisa sii
wata ayaa ka hadlay aqoonsi la’aanta dhinaca dawladda Federaalka Soomaaliya ee
Maamulka Jubba Land wuxuuna raja wanaagsan ka muujiyay in maalin uun maalmaha ka
mid ah ay arrimahaas iska dhamaan doonaan dawladduna ay tahay Dawladdoodii oo
aysan marnaba mucaaradayn
Sheikh Maxamed Ibraahim oo ka hadlay waxa dhici kara marba haddii ay waayaan
Aqoonsiga Xukuumadda Dhexe ayaa sheegay in Sedax arriimood ay dhici karaan
isagoo tan hore uu ku sheegay in ay dhacdo in Qabiilama koox ay halkaa iska
haysato iyadoon cidna xiriir la lahayn in Koox Xukuumadda ka soo hor jeedda ay
halkaa haysato ama in ay haysato Koox Xukuumadda hoos timaada Maamulkooduna uu
haatan labada hore uusan ahayne uu yahay mid la doonayo in la hoos keeno
Dawladda Federaalka Soomaaliya.
Shirka Kismaayo oo Muddo soo jiitamayey ayaa waxaa la sheegey in Caqabad ku
noqotey Khilaafyo ka jira cida loo dhibaayo Maamulka Jubaland sidoo kale
Caqabada ugu weyn waxay ka timid Dowlada Federaalka oo sheegety in wixii halkaa
ka soo baxay aysan marnaba aqoonsan doonin , sidoo kale Caqbada ugu weyn waa
Qabiilo si weyn isugu haysta Deegaanka Magaalada Kismaayo,hadaba la arki doonee
halka uu saldhigto Shirka Kismaayo.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | April 24, 2013
Shiikh Shakuul: Aan garteena kala goosanee gogol inoo xaar!
|