SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Xog la Xiriirta Sababaha keeney in uu Qabsoomi waayo Kulankii Baarlamaanka Federaalka

Iyadoo Maalmahaan uu Dardar ku socdey Kulamadii Baarlamaanka ee Dowladda Federaalka kaasoo Su’aalo lagu weydiinayey qaar ka mid ah Wasiirada Dowlada ayaa Kulankii Shaley ee la doonayey in looga hadlo Heshiiski Dhawaan Dhexmarey Dowlada Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland ee ka dhacay Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga waxaana Kulankii Shaley uu ahaa mid u baaqdey Kooramka ka dib marki ay soo Xaadiri waayeen Tiradii loo baahnaa

Warar ayaa sheegaya in Kulankii Shaley uu u baaqdey arrimo la xiriira isfahamwaa u dhaxeeyey Xildhibaanada Baarlamaanka oo la xiriirka Heshiiskii dhexmarey Dowladda Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland , iyadoo Xildhibaanada qaar ay diidanaayeen in Baarlamaanka Xiligaan la horkeeno wax ku saabsanaa Heshiiskaas , Iyadoo Xildhibaanada Qaar ay qabaan in aan laga hordhicin Heshiiskaa ilaa natiijo laga gaarayo.

Mooshinkaan ku saabsan in laga hadlo Heshiiskii dhexmarey Dowlada Federaalka iyo Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa watey Xildhibaano uu horkacayey Raiisul wasaarihii Hore ee Dowladii Carta Prof Cali Khaliif Galeyr oo la sheegey in ay u Ololeynayeen ama ay ka soo horjeedaan in Dowlada ay heshiis la gasho Maamulka ka soo horjeeda Midnimada ummada Soomaaliyeed taasoo la sheegen in ay Kulankii shaley ay ka baaqsadaan Xildhibaano fara badan sidoo kale waxaa Kulankaas ka baaqsadey Gudoonka Sare ee baarlamaanka .

Xildhibaan diidey in Magaciisa la sheego ayaa isaga oo ka waramaya baaqashadaan ayaa yiri”Markii horeba Xubnaha Baarlamaanka waxaa lagu soo xuley qaab Qabiil marka Kulankii shaley waxaa Xaqiiqo ah in uu u baaqdey arrimo Qabiil inta ay taasina jirto marnab lagama yaabo in Baarlamaanka uu noqdo Baarlamaan Soomaliyeed waayo arrintaan waxay keeni doonto in laga baaqsado Kulamo looga arrinsanay Danta Ummada Soomaalieed “

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | April 24, 2013

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;