SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka oo si weyn uga Caroodey Hadalki Wasiirka Arrimaha Gudaha uu ku Difaacey Maxaabiistii la laayey

Waxaa Xarunta Golaha Baarlamaanka ee Dowlada Federaalka Su’aalo lagu weydiiyey Wasiirka Arrimaha Gudha iyo Amniga Qaranka Cabdikariim Xuseen Guuleed Su’aalahaas oo u badnaa Arrimo la Xiriira Amaanka Dalka iyo Maxaabiis Bishii Maarso 12 ee tagtey kuwaas oo laga la baxay Xabsiyada ay Maamulaan Ciidamada Nabadsugida ee Magaalada Muqdisho , wuxuuna wasiirka uu sheegey in Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ay yihiin kuwa aad u Nabdoon islamarkaana Wasaaradiisa ay wax badan ka qabtey arrimah amaanka .

Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikariim Xuseen Guuleed Waxaa la weydiiyey Waxa ay ku Dhacdey in Maxaabisi ku jira Gacanta Dowlada inta Xabsiga lagala baxo ka dibna la laayo isagoo arrintaas ka jawaabaya waxaa uu yiri “ Aad baan uga soo horjeednaa in Maxaabiis aan marin Wadadii Sharciga in la waxyeeleeyo hase yeeshee Habeenimadii bisha ay ahayd 13 kii Maarso ayaa Ciidamada Nabadsugida waxay Xaafadaha Magaalada Muqdisho geeyeen Laba nin oo ka tirsan Xarakada Alshabaab kuwaa oo Ciidamada ku wargeliyey in ay hayaan Xog ku saabsan kuwa kale meelaha ay ku dhuumaaleystaan iyo Hub meel ku jirey markii halkii la gaarey ayaa waxay Maxaabiistii Ragii la socdey ay ku dhaceen Shirqool ka dib markii loo galey wadada waxaana la is weydaarsadey Rasaas taasoo markii dambe ay ku geeriyoodaan Labadii Maxbuus “

Qaar ka mid Xildhibaanada Baarlamanka oo diidey in Magacooda la xigto ayaa hadalka wasiirka ku Tilmaamey mid u ekaa ama uu ku doonayey in Xilkiisa ku Difaacdo hase yeeshee waxay Arrinaas ku micneeyeen mid Xaqiiqda ka foq oo wax badan lagu qaraniyo waxay kaloo ay sheegeen in Maxaabiista Xabsiyada lagala baxay ay ka badan yihiinTirada iuu Wasiirka uu tilmaamey waxay kaloo ay sheegeen in ay adag tahay in ruux Maxbuus uu sameeyo Shirqool sidaa darteed lama oga waxay ku qanci doonaa dadkii laga laayey Dadkooda kuwaas oo muddo dheer Dowlada ka sugayey in Cadaalada la horkeeno kuwii ka damebeyey Xasuuqaas


Col Xasan Baydhabo “Adiga Itoobiyaa Sheegeysaa Xitaa israa’iil baan u yeeraneynaa si loo Ciribtiro Al Shabaab”

Taliyaha Ciidamada Gobolada Bay iyo Bakool Col Xasan Baydhabo oo u waramayey Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa wax laga weydiiyey Dagaalo Dhawaan ka dhacay Goboladaas gaar ahaan Deegaanka Ufurow e ku Dhow Qansax Dheere kaasoo u dhaxeeyey Ciidamada Dowlada oo garab ka helaya kuwa Itoobiya ee ku suagan Goboladaas iyo Xarakada Al-Shabaab ,waxaana Dagaalkaas lagu Tilmaamey kii ugyu Xooganaa ee ka dhaca Deegaankaas, wuxuuna Taliyaha uu sheegey in Dagaalkaas ay Khasaarooyin kala Duwan ugu geysteen Xarakada Alshabaab

Mar wax laga weydiiyey in dagaalkaas ay Garab ka heleen Ciidamada Itoobiya ee halkaa ku sugan waxaa Su’aashaas kaga jawaabey Taliyaha “War Adiga Itoobiyaa Sheegeysaa Xitaa Israa’iil Baan u yeeraneynaa waayo Dagaalka Al-Shabaab lagu hayo waa mid Caalami ah oo Adduunka oo dhan ka mideysan yahay marka Cidkasta oo Garab nagu siineysaa waan soo dhaweyneynaa “

Ma aha markii ugu horeysa oo Hadalo ku aadan arrintaan ay ka soo yeeraan Siyaasiyiinta iy Saraakisha Dowlada waxaa markii uu jirey dagaalkii u dhaxeeyey Dowladii Cabdulaahi Yuusuf oo markaa Gatrab ka heleyey Ciidamada Itoobiya iyo Maxaakiimta Islaamiga ayaa siyaasi ka tirsan Dowladaas waxaa la weydiiyey in Ciidamada Itoobiaya ay Dagaalka u dhaxeyey Maxaakiimta Islaamiga iyo Ciidamada Dowladda ay ku Lug leeyihiin Ciidamada Itoobiya waxaana uu ku jawaabey “Itoobiaya waa dad Walaalaheena ah Xitaa waxaan u yeeraneynaa Israa’iil “

Dagaaladii ka jirey Soomaaliya 22 tankii sanno ee la soo dhaafey waxaa Xaqiio ah in ay ku lug lahayeen Dowlado Shisheeye kuwaas oo danno gaar ah ka leh Dalka soomaaliya inta ay taasina jirto marna lagama yaabo in Soomaaliya ay degto , waxaana looga bixi karaa iyadoo ay UmMadda ay ogaato Dhagaraha laga oo maleegayo Dibadda iyo danaha reer Galbeedka ka leeyihiin Soomaaliya.



W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | April 22, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;