Meydkii Marxuum Dr. Cumar Cusmaan Raabeh oo la geeyey Jabuuti
SomaliTalk.com: (April 20, 2013) Allah ha u naxariistii meydkii marxuum Dr.
Cumar Cusmaan Raabeh ayaa 1-dii habeenimo waxaa la geeyey magaalada Jabuuti ee
dalka Jabuuti.
Dr. Raabeh waxa uu sannadkii 1946 ku dhashay Jabuuti, waxana uu Arbacadii
April 17, 2013 ku geeriyoodey magaalaad Qaahira ee dalka Masar.
Bahda SomaliTalk waxay markale tacsi u dirayaan ummadda Soomaaliyeed oo uu ka
geeriyoodey halgamaa. Sidoo kale waxaan tacsi gaar ah udireynaa xaaskiisii
Saynab Maxamuud Wacayd, iyo carruurtiisa Liibaan, Idil, Ayaan iyo Kaaha. Allah
ha u naxariisto.

Dr. Cumar Cusmaan Raabeh oo ku Geeriyoodey Qaahira
Dr. Cumar Axmed Malow oo ku magac dheeraa Dr. Cumar Cusmaan Raabeh ayaa
Arbacadii April 17, 2013 ku geeriyoodey magaalada Qaahira ee dalka Masar, sida
uu SomaliTalk.com soo gaarsiiyey Maxamed Xaaji oo ku sugan Qaahira.
Inaa Lillaahi Wa inaa Ileyhi raajicuun. Allah ha u naxariisto.
Dr. Cumar Cusmaan Raabeh waxa uu ahaa muwaadin Soomaaliyeed, halgamaa
Soomaaliyeed, nin ay ku dheer tahay midnimada Soomaaliyeed, qoraa ummadda wacyi
geliya, waxaana bahda SomaliTalk oo uu xubin ka ahaa ay geeridaas uga
tacsiyadaynayaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, iyo ehelkii iyo qaraamadii Dr.
Raabeh.
Allah janatul fardowsa haka waraabiyo marxuumka.

Faafin: SomaliTalk.com | April 20, 2013
|