Nin Diinta Kirishtaanka ku Faafinayey Deegaanada Maamulka Soomaaliland oo la
Masaafuriyey
Warrarka
naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaaliland waxay Sheegayaa in
Deegaanadaas laga Masaafuriyey nin Diinta Kirishtanka Muddo halkaa ku faafinyay
kaasoo lagu Magaacabi jirey Robert oo Hargeysa intii uu joogey la baxay magaca
Rooble ,wuxuuna ku shaqeysan jiirey Dhaqtarnimo iyo Bare wax ka dhiga
Jaamacadaha Magaalada Hargeysa.
Taliyaha Ciidamada Boliiska Maamulka Soomaaliland Cabdulaahi Fadal Iimaan ayaa
waxaa uu sheegey in Musaafurinta ay iyaga ka Dambeeyey ka dib markii uu sheegey
in Muddo Dheer ay ku hayeen Baarintaan Dhinac badan laga eegey taasoo uu sheegey
in markii dambe ay ku Cadaatey in ninkaas uu faafinayey Diinta Kirishtanka.
Taliyaha waxaa uu sheegey in Ninkaas ay ku heleen Cadeymo Buuxa oo la xiriirta
in Ninkaas uu Diinta Kirishtaan uu ku faafinayey Deegaanada Maamulka
Soomaaliland, waxaana Taliyaha uu sheegey in ninkaas ay markii dambe Diyaarad ka
saareen Garoonka Magaalada Berbera hase yeeshee Taliyaha ma sheegein ninkaas
dalka uu u dhashey iyo Mudadii uu joogey Soomaaliland.
Dhawaan ayey ahayd markii Maamulkaas uu Gacanta ku dhigey nin Jarmal oo Filimo
Anshax-xumo ku sameeyey Haweenka ka soo jeeda Deeganada Mamulka Soomaaliland
taasoo ay si aad ah uga caroodeen Shacabku, waxayna dadka qaarkii ku talinayaan
in dadka Shisheeyaha ee Shaqada u imaanya maamulkaas si taxadar leh la isaga
fiiriyo Islamarkaana aysan wax Macaamil (khaas ah) la sameeynin dadka Ajnabiga
ee ku sugan Maamulkaas.
Ugaas Aweys Shiikh Xuseen Huneero oo ka Digay Dagaal Sokeeye oo Kismaayo ka
Dhaca Mar Kale.

Golaha Guurtida ee Beelaha Jareer Weyne ayaa Kulan ay isugu yimaadeen waxa ay
kaga hadleen Xaaladaha Soomaaliya Siyaasad ahaan, Dhaqaale ahaan iyo Bulsha
ahaanba waxaana Gabagabadii Kulanka ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Beelaha Jareer Weyne Ugaas Aweys Shiikh Xuseen
Huneero oo faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii looga hadlay Kulankaas ay yeesheen
Goluhu.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Goluhu dood dheer ka yeeshay Shirka Maamul u
Samaynta Gobalada Gedo iyo Jubbooyinka isagoona sheegay in ay soo dhaweynayaan
Maamul kasta ee xalaal ah loona dhan yahay ee ay Goboladaas Sedaxda ah ay
samaystaan taasoo waafaqsan ayuu yiri Nidaamka Federaaliisimka.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida jareer Weyne Ugaas Huneero ayaa ka digay in Maamul
u Samaynta Goboladaas ay ku dhacdo Cadaaladdarro iyo in Qabiil Qabiil wax lagu
saleeyo taasoo uu sheegay haddii ay dhacdo in la filan karo Dagaal Sokeeye oo
mar kale halkaa ka dhaca. Guddoomiyaha ayaa sheegay in Gobolka Jubada hoose
xiligan Xiiso aan looga qabin Dagaal halkaa ka dhaca maadaama Dagaalo badan ay
soo martay Gobolka Jubada Hoose xiligana shacabka halkaa ku dhaqan ay u baahan
yihiin Nabad iyo Dib u Dhis.
Aweys Shiikh Xuseen Guddoomiyaha Golaha Guurtida Beelaha Jareer Weyne ayaa sidoo
kale ku baaqay in Goobaha Xarakada shabaab ay kaga sugan yihiin Goboladaas ku
Midoobaya Maamulka Jubbaland ay ka Xoreeyaan Dagaalyahanadaas oo sida uu sheegay
laga yaabo in ay ku sugan yihiin qaybo ka mid ah Gobolka Jubada Hoose kuwaas oo
uu sheegay in ay Caqabad ku noqon karaan Maamul u Samaynta Gobolada Gedo iyo
Jubbooyinka.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | April 20, 2013
|