Dr. Raabe
wuxuu ahaa halyey Soomaaliyeed
Ilaahay
ayaa mahad dhamaanteed u sugnaatay, nabigiisa Maxamedna korkiisa nabadgalyo iyo
naxariis ha ahaato.
Inaalilaahi
wa inaa ilayhi raajicuun, ilaahay wuxuu qaato isagaa iska leh wuxuu bixiyana
isagaa iska leh, waxkastana agtiisa waxay ku leeyihiin xili go’an.
Anigoo ku
hadlaya magacayga iyo kan dhamaan Soomaalida wadaniyiinta ah meealay joogaanba
shanta Soomaaliyeed, waxaan halkaan tacsi uga dirayaa ummada Soomaaliyeed oo uu
ka geeriyooday halyeygii Dr. Cumar Cimaan Raabe, tacsi gaar ah waxaan halkaan
uga soo gudbinayaa ehelkii iyo qaraabadii reer Cumar ee uu katagay Dr. Raabeh,
ilaahayna waxaan uga baryayaa inuu samir iyo iimaan iyo badal khayr qaba siiyo,
isagana waxaan illaahay uga baryayaa inuu dunuubtiisa u dhaafo, janadiisa
fardowsana galiyo, kana dhigo mid ka raaxaysta aduunka iyo dhibkiisa.

Taariikh
hordhac ah intaan ka aqaanay Dr. Cumar Cismaan Raabe
Waxay ahayd
bilogii 2005 xiligu wuxuu ahaa qabaw iyo baraf sida hada magaalooyinka
W/Ameerika qaar ka mid ah ka jirta, waxaan kaligay ka xaystay gaari waxaana u
jihaystay dhinaca magaalada Ottawa ee dalka Canadda, anigoo katagaya Toronto oo
qiyaastii u jirta 500km.
Cirka iyo
dhulka dhexdooda waxaa qariyey baraf khafiif ah, wadaduna waxay ahayd mid
sibibix ah, oo mar mar gaarigu wadada kaala baxayo, mararka qaar waxaa dhacaysay
inaanan si fiican wax u arkayn, saacado dheer ka dib goor duhurkii ah ayaan
waxaan galay magaalada Ottawa oo uu igu sugayey Dr. Raabeh.
Waxay ahayd
markii iigu horaysay ee aan Ottawa tago Dr. Raabe wuxuu igu hagayey telafoon
ilaa aan kasoo gaaro goobtii aan ku balansanayn. Waxay ahayd markii isugu kaaya
horaysay ee aan Dr. Raabe la kulmo, wuxuu iisoo dhaweeyey iina marti qaaday si
aad u wanaagsan, mana uusan qadayn ilaa aan u imid, mana jirin wax qalo ah oo
aan dareemay intaan wada joognay. Hadaba su’aashu waxay tahay, maxaa igu kalifay
inaan intaas oo masaafo u gooyo inaan xiligaas khatarta ah Ottawa aado, si iskaa
wax u qabso ah?
Qiyaastii
Bilowgii labada kun ayaa waxaa isoo gaaray buug uu waa hore qoray Dr. Raabe oo
lagu magaciisa layiraahdo, “Soomaaliyeey Xageed ku socotaa” waxaa dusha uga
sawiraa rag u labisan sidii waagii hore Soomaalidu dharka u qaadan jirtay, laba
go rag xiran oo warmo iyo hootooyin isla dhacaya, meel qar ahna ka daadanaya oo
bohol dheer ku dhacaya. Sidoo kale buuga bogaga hore waxaa uga sawiran map
sheegaya itoobiya iyo sida ay doonayso inay Soomaliya isugu baraaliso,
cinwaanadiisiina waxaa ka mid ahaa,
“Dhulballaarsiga Abasiiniya iyo halka ugu danbaysa ay ku socoto”
Buugaas
markaan arkay ayaan bartay Dr. Raabeh waxaadna ka dheehan kartaa Wadaniyada iyo
Soomaalinimmada kujirta inta ay leegtahay, buugaas oo uu qoray 1989 ayaad
waxaad arkaysaa inu wax u socdaan siduu u odorosay, arintaasna waa mida igu
dhalisay inaan barto oo la kulmo Wadanigaas wayn, wuxuun taariikh ahna ka reebo.
Markaas ka
dib waxaan kuwada xiriiray telaphoono marar kooban, markii lasoo gaaray xiliga
aan kor kusoo xusay ayaan Dr. Raabe illaahay ha u naxariistee waxaan ka codsanay
inaan la kulmo anigoo ka socda somalitalk.com oo waraysi kala yeesho qaar ka mid
ah, arimaha Soomaaliya ee markaas iyo hadaba taagan, waxaana ka qaaday warasigii
taariikhiga ahaa ee uu ugu magacdaray, “Khatarta Culus ee Maanta uu kujiro
Qaranka Soomaaliyeed iyo Xallinteeda, dad farabadan oo Soomali ahna aan
filayo inay waxbadan ka faa’iideen.
Dr. Raabe
wuxuu igu soo dhaweeyey oo aan kula kulmay Iskuul uu ka aas aasay Magaalada
Ottawa uuna ugu magac daray Ibn-batuuta, nasiib wanaag waxaan kaloo ka duubay
taariikh kooban oo kusaabsan taariikh nololeedkiisii waxaan rajaynayaa inaan dib
uga baari doono xarshimahayga hadii illahay idmo.
Dr. Raabe
wuxuu ahaa muwaadin Soomaaliyeed oo naftiisa iyo waqtigiisii u huray ummada
Soomaaliyeed iyo siday gumaysiga uga xoroobi lahaayeen, aana loo kala goo
gooyeen, waxuuna aad ugu taami jiray in marqura indhihiisu qabtaan Soomaliwayn.
Si gaar ah wuxuu qayb wayn ka ahaa halgankii gumaysi diidka ee dalka Djabuuti ka
jiray, isaga iyo dhalin yaro kale oo badan oo u halgamaysay in ay xoriyadooda ka
qaataan, gumaystaha faransiiskana waxay kala kulmeen dhibaato farabadan sidii
lagu yaqiinay Gumaystayaasha.
Dr. Raabe
markii gumaystuhu u adkaysan waayey isaga iyo dhalintii kale ee reer Djabuuti
waxuu ka dhigay qaar uu xiro iyo qaar uu dil ku xukumo. Dr. Raabeh faransiisku
wuxuu u qaaday dalkiisa halkaas oo uu mudo dheer ku xiraa, kuna diyaariyey
xabsiga dhexdiisa shahaada PDH ee cilmiga Falsafada.
Kadib waxaa
dhacday qisadii caanka ahayd in muwaadiniin Djabuutiyaan ah oo ka mid jabhadii
xoraynta Djabuti ay afduubaan safiirkii u fadhiyey faransiiska Magaalada
Mogadishu, kadibna ay codsadeen in madax furasho loogu soo daayo Dr. Raabeh,
arintaasna ay ku guulaysteen dalka Yemena lagula kala wareegay, Safiirkii
Faransiiska iyo Dr. Raabe.
kadibna
wuxuu usoo wareegay dalka Canada, magaalada Ottawa oo uu mudo kooban ku noolaa
uuna ka hirgaliyey iskuulka aan suu xusnay oo ilaa maanta furan arday
Soomaaliyeed oo Ibn- Batuuta oo kale ahna ay kasoo bixi doonaan insha allaah,
sida uu ka damacsanaa Dr. Raabe, wuxuu mudooyinkii ugu danbeeyey ku noolaa
wadanka Djabuuti, isagoo ka aas aasay,Mac’hadka
Culuunta siyaasada iyo Is-tiraatiijiyada dalka Jabuuti
Dr. Cumar
Cismaan Raabe wuxuu ahaa halgamaa, wadani, macalim, qoraa, siyaasi, aabe,
ilaahayna waxaan uga rajaynaynaa khayr iyo inuu ka abaal mariyo wanaaga aan u
rajaynayno.
Dr. Raabeh ilaahay ha u naxariistee wuxuu ku geeriyooday
magaalada Qaahira ee dalka Masar
(April 17,
2013) waxaana lagu aasi doonaa dalka Djabuuti.
Fursada
danbe oo midaan inoo xigta waxaan ilaahay kabaryayaa inuu ii fududeeyo inaan
idiin soo gudbiyo Taariikhda Dr. Cumar Cismaan Raabe intaan ka hayo.
Hassan
Dhooye
dhooye@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | April 20, 2013
|