Madaxweynaha DFS oo Itoobiya kaga qayb galaya Shir loogu magac daray "Tana
Forum"
Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa tegey Itoobiya si uu uga
qayb galo shirka loogu magac darar " Tana Forum." Waxaana safarkaas
warsaxaafadeed ka soo saaray xafiiska MDFS, uwarsaxaafadeedkaas oo u qornaa
sidan:
Madaxweynaha oo qudabad ka jeediyay shirka Tana.Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta
qudbad ku aadan dhanka amaanka ka jeediyay furitaanka Shirka Tana Forum.

Madaxweynaha waxaa kala qeyb galayo shirkan R/Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka
Arimahha Dibadda Marwo Fowzia Yusuf Haaji Adam, iyo Wasiirul Dowlaha
Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. C/Qaadir.
“Africa waa in ay kalsooni muujiso una istaagto ka hor-tagida danbiyadda
qorsheysan. Danbi waa danbi cid walbo oo geysato waa isla mid.Qiil ma laho,
waana in lagula dagaalamo qaab military iyo qaab siyasadeed.” Saas waxaa yiri
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
“ Waxaan aaminsanahay in dhamanteen amnigeena guud uu ku jiro deris nabad iyo
amni wanaagsan leh. Anaga deris-keena wuxuu isku haleyn karaa Soomaaliya oo
nabad iyo amni ah.”
“Waxaan ognahay in Burcad badeeda ay dhaqaalaha aduunka wax u dhintay. Beesha
Caalamkana waxey wadaan ka hortagidda Burcad Badeedda. Laakin waxaa muhiim ah in
la ogaado in arinkaas uu suurta gal noqon karin haddii aan la helin Soomaaliya
oo nabad ah.”
Ugu danbeyntii, Madaxweynaha ayaa wuxuu kula dar-daarmay madaxda Afrika in
Afrika ay masuuliyad iska saarto amnigeeda. Dowladda Soomaaliyana ay dadaal ugu
jirto in amnigeeda gudaha sugto taasna ay dowladda u tahay muhiimaddeeda Kowaad.
--
Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia.
Madaxweynaha DFS oo Ka Qeb-Galayo Shir looga hadlayo Amniga Qaaradda
Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa ka degay Magaaladda Bahar Dar, ee dalka
Itoobiya si uu uga qeyb galo furitaanka Shirka Tana Forum.
Madaxweynaha waxaa safarkaan ku weheliyo R/Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiirka
Arimahha Dibadda Marwo Fowzia Yusuf Haaji Adam, iyo Wasiirul Dowlaha
Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. C/Qaadir.
Shirkaan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha amniga ee Qaaradda
Africa iyo sidii looga hortagi lahaa amni daradda ka taagan Qaaradda.
Madaxweynaha ayaa waxaa lagu wadaa in uu qudbad ka jeediyo kulankaan, oo ay
isugu imaan doonaan Madaxda dalalka Afrika iyo hey’adaha daneeyo Amniga.
Ugu danbeyntii sida aad la socotaan dowladda ayaa waxey ka dhigatay muhiimadda
Kowaad amniga. Kulankana wuxuu u noqon doono fursad ay dowladda Federaalka
Soomaaliya kusoo bandhigto aragtiida ku aadan amniga.
Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia
Halgankii Dr.
Raabeh

Faafin: SomaliTalk.com | April 20, 2013
|