SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Abwaan Maxamed Warsame Hadraawi oo oo la Gudoonsiiyey Abaalmarin Caalami ah

Xaflad si heer Sare ah loo soo agaasimay isla markaana ay ka soo qayb galeen Siyaasiin, Odoyaasha Dhaqanka iyo qaybaha kale ee Bulshada ayaa ka dhacday Hotelka Ambashadoor ee magaalada Harggaysa.Xafladan ayaa ahayd mid Abaal Marin Caalami ah lagu Guddoonsiinayay Abwaanka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi.

Abaal marintan Caalamiga ah oo ay Sanad walba bixiso Boqoradda Nederland ayaa sanadkan waxaa loo aqoonsaday inuu ku guulaystay Abwaan hadraawi. Abaal marintan ayaa Sanad walba mar la bixiyaa iyadoona la Guddoonsiiyo Shakhsiga loo arko inuu wax Horumar ah uu soo kordhiyo gaar ahaana dhinaca Aqoonta, Nabadda iyo wixii soo raaca.

Xafladaas oo ay ka soo qayb galeen illaa Lix Boqol oo qof ayaa waxaa kaloo ka soo qayb galay Safiirka Dalka Nederland u fadhiya Magaalada Nairobi ee Dalka kiinya kaasoo Guddoonsiiyay Abaal marinta Abwaan Hadraawi.

Danjiraha ayaa ku amaanay Abwaanka Doorkii uu ku lahaa dhinaca wax ku soo Kordhinta Caalamka gaar ahaana dhinaca Nabadda, Suugaanta Abwaan Hadraawi ayaa waxa uu abaal marin u helay illaa Shan iyo Labaatan Kun oo Doolar oo lacag ahaan loo siiyay iyo Shahaado Muujinaysa Abaal marintaas Qaaliga ah.

Hadraawi oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay abaalmarintan Caalamiga ah ee la Guddoonsiiyay isaga iyo Shacabkiisa isagoona si gaar ah u tilmaamay inuu ku faraxsan yahay in Dalkiisa gudihiisa lagu Guddoonsiiyay Abaal marintaas taasoo uu sheegay in ay tahay midaan hore u dhicin

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | April 20, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;