Culimmada oo bayaan koodii ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed maamul iyo shacaba
inay midoobaan.
Bayaankii Culimmadu kasoo saartay Nadwadii 11-aad ee ka socotay Masjid Rowda
Waxaa caawa oo taariikhdu tahay 8-da Jamaaduthani 1434H- 18/04/2013 kusoo
gabagaboobay Masaajidka Rowda ee magaalada Boosaaso ee Puntland, Nadwo cilmiyeed
socotay afar habeen, cinwaan keeduna ahaa“ Islaamka iyo u Xaglinta Qabyaalada”
Nadwadaas ayaa ka hadlaysay Qabyaalada noocyadeeda, sida; muuqaaladeeda,
sababaheeda, raadkeeda iyo daawadeeda. Waxaa ka qayb qaatay culimmo kaladuwan,
waxaana aad looga digay, lanacadeeyey sida ay islaamka uga fogtahay in qabyaalad
la isu waxyeeleeyo.
Nadwadan11-aad ayaa ka mid ah Nadwo cilmiyeedkii sanadlaha ahayd ee Culimmadu
Shacabka Soomaaliyeed ku wacyi galin jirtay kuna siin jirtay duruus aakhiro iyo
aduunba anfacaysa. Gabagabadii Nadwada Culimmadii kaqayb gashay waxay ka
soosaareen bayaankan;
1. Waxaan ummada Soomaaliyeed ugu baaqaynaa qabsashada Kitaabka iyo Sunnada
Nabiga (scw) iyo barashada, faafinta iyo difaaca diinta Islaamka , maxaa yeelay
iyadaa qabyaaladda kanoqonaya darbi adag oo aysan soo jiiri karin. Si gaar ah
waxaan ugu baaqaynaa maamulada iyo beelaha Soomaaliyeed in ay wixii khilaaf
siyaasadeed ah ee dhexmara ula tacaalaan sidii walaalo dhibaato wada haysata
wada xallisanaya, ayna ka waantoobaan inay isu adeegsadaan awood ama quwado
shisheeye. waxaan ku baaqaynaa carabkana ku adkaynaynaa in shacabka Soomaaliyeed
shareecada illaahay u celiyaan wax kasta oo dhex mara, kuna kala baxaan sida
Kitaabka quraanka iyo Sunnada Nabigu ina farayaan. 2. Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda, Isimmada iyo Siyaasiyiinta inay illaahay uga
baqaan shacabka Soomaaliyeed ee muddada dheer ku dhibaataysnaa dal iyo dibad,
inaysan ka dhex hurin fitnada qabyaalada iyagoo maslaxadooda gaarka ah eegaya,
si gaar ah waxaan ugu baaqaynaa siyaasiyiinta soomaaliyeed inay ka wantoobaan
qabyaaladaynta loolanada siyaasadeed ee iyaga u dhexeeya iyo colaadaha ay
dhexdhigayaan beelaha soomaaliyeed ee walaalaha ah. Sidaa si leeg Waxaan ugu
baaqaynaa dadka danaha guracan ka leh, inay ka waan toobaan ka faa’idaysiga
loolanka qabyaaladeed ee u dhexeeya beelaha, haday ahaan lahaayeen Ururo,
ha’aydo, wadamo iyo shakhsiyaadba. 3. Waxaan ugu baaqaynaa aqoonyahanka, iyo ardayda Soomaaliyeed inay ka fogaadaan
wax kasta oo keeni kara qabyaalad, iyo inay ka wacyi sareeyaan oo aysan u
fakarin/dhaqmin sida dadka aan aqoonta lahayn, waxaan usoo jeedinaynaa inay ka
waan toobaan inay aqoontooda uga qayb qaataan dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed
sida; inay hadal iyo qoraalba uga qayb qaataan qabyaalada. 4. Waxaan ugu baaqaynaa Ganacsata Soomaaliyeed iyo qofkasta oo dhaqaale ku
bixiya hurinta qabyaalada inay illaahay uga toobad keenaan, xasuustaana in
illaahay hortiisa kaligood la waydiin doono shilin kasta meesha uu kasoo galay,
iyo meesha ay ku bixiyeen, ayna noqonayso nimcadii illaahay siiyey inay ku
xadgudbeen oo ay walaal kood muslim ah ku dhibaateeyeen. 5. Waxaan ugu baaqaynaa qurba joogta Soomaaliyeed inay xasuustaan qaxa iyo
safarka dheer ee xanuunka badan ee ay ku tageen wadammada gaalada inaysan ahayn
rabitaankooda ee ay ahayd natiijadii ka dhalatay qabyaalada, sidaa daraadeed
waxaan ugu baaqaynaa inaysan marnaba qayb ka noqon in dumarka, caruurta iyo
waayeelka Soomaaliyeed dib u bilaabaan qax iyo dhibaato hor leh, waxaan usoo
jeedinaynaa inaysan qayb ka noqon dhibaatada qabyaalada ee wadanka taala, ee ay
ku fakaraan sidii ay uga shaqayn lahaayeen sidii ay wadankooda oo nabada dib ugu
soo noqon lahaayeen iyaga iyo ubadkoodu. 6. Shacabka Soomaaliyeed waa ummad isku diin,af, dhaqan iyo dalba ah, mana
jiraan qabiil, qabiil ka kale ka sareeya dhalasha ahaan, dadka oo dhan waxaa
laga abuuray aadam, aadamna waxaa laga abuubaray ciid, sidaa daraadeed waxaan
ugu baaqaynaa in shacabka Soomaaliyeed ka waan toobaan, joojiyaana inay qabaa’il
walaalahood ah hayb soocaan oo takooraan, arintaas waa dulmi mana banaana
shareeco ahaan iyo caqli ahaan toona. 7. Shacabka soomaaliyeed waa dad walaalo ah diin ahaan iyo dhalasho ahaanba,
dantiisuna waxay ku jirtaa is jacayl, isku kalsooni iyo midnimo; sidaa darteed
waxaan ku baaqaynaa in lagu dhaqaaqo wax kasta oo walaalnimadiisa iyo
midnimadiisa xoojinaya, lagana hortago wax kasta oo walaanimadiisa iyo isku
duubnidiisa dhaawacaya.
8. Waxaan soo dhaweynaynaa wadahadalkii u furmay Dowlada Fedaralka Soomaaliyeed
iyo Somaliland, waxaana u aragnaa inuu yahay fursad taariikhi ah oo lagu
xaqiijin karo danaha shacabka Soomaaliyeed oo dhan, guusha wadahadalkaas laga
gaarana si gaar ah ayay sharaf ugu tahay madaxda horseedka ka ah iyo cid kasta
oo gacan ka geysata; sidaa darteed waxaan ugu baaqaynaa labada dhinacba inay
tixgaliyaan danta ummadda ee aanay dano iyaga u gaara ku kala tagin. Waxaan kale
oo dadweynaha ugu baaqaynaa inay madaxda ku taageeraan, kuna dhiirrigaliyaan ka
mirodhalinta wadahadalkaas. 9. Waxaan ugu baaqaynaa Dowlada Faderaalka Soomaaliyeed inay dadaal dheeraad ah
ku bixiso sidii shacabka Soomaaliyeed dib ula soo noqon lahaa sharaftiisii iyo
dowladnimadiisii, waxaana u aragnaa inay lagama maar maan u tahay arimahaas, b)
in dowladu ka shaqayso sidii dibu heshiisiin dhab ah loo gaari ahaa, t) in
dowladu soo celiso awoodii iyo haybadii ciidanka qaranka Soomaaliyeed, si looga
maarmo ciidammada shisheeye ee wadanka jooga, j) in dowladu kasbato kalsoonida
Shacabka Soomaaliyeed si cadaalad ahna ugu maamusho waxyaabaha ummada ka
dhexeeya, waxaana si gaar ah u xasuusinaynaa in dowlada xil gaar ah ka saraan
yahay inay ka shaqayso sidii looga bixi lahaa dhibaata dad iyo dalba haysata
mudadda dheer.
10. Dowlada iyo shacabka reer Puntland waxaan ugu baaqaynaa inay ka
feejignaadaan qalalaasaha iyo loolan beeleedyada ka dhasha, siyaasada iyo
doorashooyinka, waxaan usoo jeedinaynaa in maslaxada guud laga hormariyo mida
goonida ah, iyo in loo turo shacabka markastana la xeeriyo nabada iyo barwaaqada
lahaysto, khilaafaadkana lagu xaliyo wada hadal iyo is afgarasho. 11. Waxaan canbaarayn iyo dhaleecayn usoo jeedinaynaa Xarakada Shabaab oo
sheegatay inay ka danbaysay falkii waxashnimmada ahaa 14/04/2013 lagu laayey
Maxkammada iyo garsoorka dad gaaraya 29 iyo 58 dhaawac ah, waxaan uga
tacsiyeynaynaa dhamaan maamul iyo shacaba dadkii ku geeriyooday qaraxii kooxda
shabaab ka gaysatay, Maxkamada, kuwii ku dhawacmayna waxaan illaahay uga
baryeynaa inuu u booga dhayo. Waxaan ugu baaqaynaa kooxda Shabaab inay illaahay
u toobad keenaan, joojiyaana daadinta dhiiga dadka Soomaaliyeed ee muslimka ah,
dhalinyarada ku kadsoomayna waxaan u cadaynaynaa daadinta dhiiga muslimka inaan
diin loogu hiilinayn shareeca lagu soo celinayn.
12. Ugu danbayntii Waxaan ugu baaqaynaa Ummada Soomaaliyeed Maamul iyo shacaba
sida illaahay ka doonayo oo ah inay midoobaan, waana sida kaliya ee shacabka
Soomaaliyeed kusii jiri karo dad ahaan iyo dal ahaan, sidoo kale waxaan ku
celinayn markale in ummada Soomaaliyeed xalkeedu kujiro isku xukunka iyo ku
dhaqanka Shareecada islaamka oo kaliya . Culummada ku Saxiixan Bayaanka
1- Sh. Daahir Aw Cabdi
2- Sh. Axmed Daahir Xasan
3- Sh. XasanXuseen
4- Sh. Maxamed MacalinAxmed
5- Sh. Cabdiraxmaan Bukhaari
6- Sh. Axmed Faarax Garaase
7- Sh. Maxamed Faahiye Ciise
8- Sh Mukhtaar Axmed faarax.
9- Sh C/shaafi Axmed Cali
10- Sh Mohamed Sh Adan Weli
11- Sh Cali Maxamed Cali
12- Sh Axmed Yusuf Daad
13- Sh. Cabdirisaaq Mire Gaataa
14- Sh. CabqaniQorane
15- Sh. XasanDhooye
16- Sh. Maxamed Maxamud Ciise
17- Sh. Abdiraxmaan Aw-ciise Muuse
18- Sh. Cismaan Maxamud Xaaji Dirir
19- Sh. Faarax Maxamed Cajab
Faafin: SomaliTalk.com | April 18, 2013
|