SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Dr. Cumar Cusmaan Raabeh oo ku Geeriyoodey Qaahira

Dr. Cumar Axmed Malow oo ku magac dheeraa Dr. Cumar Cusmaan Raabeh ayaa Arbacadii April 17, 2013 ku geeriyoodey magaalada Qaahira ee dalka Masar, sida uu SomaliTalk.com soo gaarsiiyey Maxamed Xaaji oo ku sugan Qaahira.

Inaa Lillaahi Wa inaa Ileyhi raajicuun. Allah ha u naxariisto.

Dr. Cumar Cusmaan Raabeh waxa uu ahaa muwaadin Soomaaliyeed, halgamaa Soomaaliyeed, nin ay ku dheer tahay midnimada Soomaaliyeed, qoraa ummadda wacyi geliya, waxaana bahda SomaliTalk oo uu xubin ka ahaa ay geeridaas uga tacsiyadaynayaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, iyo ehelkii iyo qaraamadii Dr. Raabeh.

Allah janatul fardowsa haka waraabiyo marxuumka.



Waakan dhambaalkii Tacsida ahaa ee aan ka helay Maxamed Xaaji:

Assalamo Aliakom, Walaal Salaan kadib, Magacaygyu waa Max,ed Xaaji. Waxaan ahay nin reer Qaahira ah. Waxaan ka xumahay in aan akhbaar naxdin leh kuu sido adiga iyo ummada Soomaaliyeed.

Waxaa maanta (April 17, 2013) magaalada Qaahira ku geeriyooday Allaha u Naxariistee Dr. Omar Osman Raabi, oo ah qoraa, macalin iyo barbaariye Soomaaliyeed oo dadyow badan oo Soomaaliyeed uu uga dhignaa Aabahood oo kale. Waxaan la socdaa in aad adiga qof ahaantaada aad qoraaaladiisa iyo dadaaladiisa aad faafin jirtay; sidaa awgeed ayaa kaaga tacsiyeynaayaa geerida Professor-ka.

Dhamaanteenna samir iyo Iimaan allaha inaga wada siiyo.

Faafin: SomaliTalk.com | April 18, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;