SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Zakeriye Yuusuf wuxuu Dhashay isagoo Dhabarka ka Daloola Maalmo ka Dibna isku Bedeshay wax u eg Buro wuxuu u Baahan yahay Gargaar Deg Deg ah

Zakeriye Yuusuf Xasan Barre wuxuu Dhalan yahay mudo 6 Maalmood ah, markii Dibadda looga soo saaray Caloosha Hooyadiisa ayaa Umilsadii ku aragtay meel weyn oo Dalool ah oo u dhexeysa Dhabarka iyo Daba-Gaminta, waxayna Umulisadii ku wargelisey Waalidkiisa in ay la xiriiraan Dhakhaatiirta ku shaqada leh arrimahaan oo kale.

Aabbe Yuusuf iyo Hooyo Maano waxay markiiba Canugooda yar Gaarsiiyeen Dhakhaatiir kala Duwan oo isugu jira Soomaalii iyo Turki waxayna u sheegeen in aysan wax ka qaban Karin maadaama aysan Muqdisho ku haysan Qalab Dhameystiran oo Canugaasi lagula Tacaalo.



Waxaan ku Booqdey Gurigooda waxaana ka muuqatay Murugo weyn waayo maadaama ay yihiin dad Sabool ah, waxay labada Waalid ka walwalsanayaayeen sidii Wiilkooda u heli lahaa Caafimaad Dibadeed, waxaana u sheegay in ay Nasiibkooda heli doonaan isla markaana aan Fariintooda Gaarsiin doono Bulshada Soomaaliyeed, Hay’adaha Samafalka, Dowladaha Shisheeye, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Dadka Soomaaliyeed ee Qurbaha ku nool,.

Hooyo Maano Macalin Maxamed iyo Aabbe Yuusuf Xasan Barre waxay ay ka codsadeen Hay’adaha Samafalka ,Qaybaha kala duwan ee Soomaalida ee Dibadaha ku nool, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo iyo cid kasta oo gacan ka gaysan karta sidii Wiilkooda loogu heli lahaa Daaweyn Caafimaad Dibadeed islamrkaana Wiilkooda loo Badbaadin lahaa Allaa Badbaado lahee



Dhacdaan mid la mid ah waxaa ku arkey Wiil isna ku Dhashey Cudurkaan 20-1-2012 hase yeeshee Qayla Dhaan aan u sameeyey ayey ku suurta gashey in in dad Soomaali ah u qaadaan Magaalada Nairobi waxaa lagu saameyey Qaliin maanta Wiilkaas isagoo Caafimaad qaba ayaa lagu soo celiyey Magaalada Muqdisho marka Wiilkaan isna aan ka qayb qaadano Badbaadintiisa

Haddaba akhrista haddii aad dooneyso in aad u gargaarto qoyskaasi kala xiriir:

Aabe Yuusuf Xasan barre waxaa laga heli karaa.

Tel: 00252615594859



Ama

WD:Amiin Yuusuf Khasaaro

EMail: amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail: amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

Faafin: SomaliTalk.com | April 18, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;