SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Tartan K/Cagta ah iyo Ciyaaro Dhaqameedyo lagu soo Gabagabeeyey Degmada Afgooye ee G/Sh.hoose.


Ciyaartan K/Cagta ah ee ka dhacday Degmada afgooye ayaa loogu magacdaray Koobka isdhexgalka Bulshada & Nabadeynta Degmad Afgooye , waxaana soo qabanqaabiyey ururka u dooda Xuquuqda Dhalinyarada ee SYAO.

Tartankan oo ay ka qeybgaleen ku dhawaad 10 Kooxood oo isugu jiray K/Cagta iyo kooxo ku Tartamayey ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka ee ay caanka ay ku yihiin bulshada reer Afgooye ayaa soo socday mudo Todobaad ah , waxaana lagu qabtay Garoonka WAXOOL.

Gabagabadi Tartanka Waxaa ka soo qeyb galay Madaxda sar sare ee ururka u dooda xaquuqda dhalinyarada ee SYAO, Mas,uuliyiin ka socota maamulka Degmada Afgooye quburo dhinaca sportiga ka socda , siyaasiyiin iyo diplomaaasyiin iyo dhamaan qeybaha kala duwan bulshada ku dhaqan degmada afgooye.

Kooxihii isugu soo baxay ciyaarta finalka aheyd ee koobkan isdhexgalka Bulshada & Nabadeynta Degmada Afgooye ayaa waxa ay soo bandhigeen ciyaar la jecleysto oo soo jiidatay indhaha ka soo qeybgalayaasha daawanayey ciyaarta.waxaana Tartanka u soo daawasho tagay dadweyne aad u badan oo kor u dhaafayey ku dhawaad boqolaal ruux.

Ugu horeyn waxaa hadal kooban jeediyey Max’ed Aadan Shongole oo ah Gudoomiyaha Olombikada ee G/Sh/dhexe ahna Kabtankii ugu horeeyey ee xulka Qaranka Somalia waxa uu amaan u soo jeediyey ciyaaryahanada labada kooxood isagoo sheegay in ay soo bandhigeen ciyaar la jecleystay loo riyaaqay.

Sidoo kale waxaa isla goobtaasi ka hadlay mid ka mid ah diblomaasiyaanta Somalia oo ka mid ahaa madaxdii lagu casuumay ciyaartaasi Finalka aheyd oo lagu magacaabo Max’ed Xuseen Awliyo,waxa uu mahad usoo jeediyey ururka udooda xuquuqda dhalinyarada iyo dhamaan ciyaartoyda kooxahii ka qeybgalay tartanka,

Ugu dambeyn waxaa hadal ka soo jeediyey Gudoomiyaha ururka u dooda Xuquuqda dhalinyarada Max’ed Ibraahim Cali Cajiib isagoo mahad usoo jeediyey dhamaan qaban qaabayaasha tartanka &dhalinyarada reer Afgooye isagoo hoosta ka xariiqay in ay sii laba jibaari doonaan ciyaaraha K\cagta & Dhaqanka iyo hormarinta sportiga degmada afgooye.

“Afgooye waxaan ogaanay iney baahi u qabaan Dhalinyaradood qabashada Tartamada isboorti sidaas ayaan anago ka jawaabeyna baahiyahooda u garanay in aan qabano koobkan is dhaxgalka iyo nabada” ayuu yiri Cajiib,wuxuu sii raaciyey “Meelaha ay Shababka ka baxaan ayaa saareynay mudooyinki u dambeeyey in dhalinyaradi loo diiday ciyaarida K/Cagta inaan fursado siino ay dib ugu xusuusanayaan ciyaaraha

SYAO ayaa Bilihi u dambeeyey waday olole isboorti oo dhalinyarada lagu dhiiragalinayo Gobolo badan , iyagoo hada qorsheeynaya lugta labaad ee tartamadan iney ka dhigaan Gobolada Sh/Dhexe , Bay iyo Bakool iyo Hiiraan.

W/D Axmed Muuse Guure
Mogadishu - Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | April 18, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;