SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Guddiyada Cadaalada iyo Garsoorka iyo Guddiga Amaanka oo Baarlamaanka Warbxino ka Dhageystey

Fadhiga Baarlamaanka oo maalmahanba waday dhagaysiga Warbixino ay soo gudbinayeen Guddiyada Baarlamaanka ayaa Arbacadii waxaa warbixinadooda la dhagaystay Guddiyda Baarlamaanka ee Cadaaladda iyo Garsoorka. Ugu horeynba waxaa halkaa warbixino ka soo jeediyay Guddiga cadaaladda oo u jeedkiisu ahaa ahaa warbixino ay ka soo diyaariyeen Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.

Guddiga cadaaladda ee Baarlamaanka ayaa sheegay in ay booqdeen Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho isla markaana ay ku arkeen xaalad aad u liidata oo ay ku sugan yihiin Maxaabiista ku jirta Xabsigaas.

Guddiga ayaa warbixintooda ku daray in ay jiraan Maxaabiis aan xukanayn oo xabsigaas isaga xiran halka intaana ay ku dareen in Maxaabiista qaarkood ay la xanuunsanayaan Cuduro kala duwan.

Waxaa sidoo kale Warbixin laga dhageystey Guddiga Amniga iyo arrimaha Gudaha iyagoo soo qaaday qaraxyadii ka dhacay qaybo ka mid ah dalka sida qarax Bishii Janaayo ee Sanadkan xarakada Shabaab ay ka fuliyeen Gudaha magaalada Muqdisho.



Guddiga ayaa warbixinadooda ku daray iska hor imaadyo u dhaxeeyay Ciidamada dawladda iyo Xarakada Shabaab oo ka dhacay qaybo kala duwan ee Gobolada dalka.

Dhagaysiga Warbixinadaas kaddib ayaa fadhigii la soo gabagabeeyay iyadoo ay harsanaayeen laba Guddi kale oo Arbacadii ku qornaa in la dhagaysto warbixinadooda Gudiyadaas oo kala ahaa Guddiga Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha iyo Guddiga Maaliyadda ,waxaana la fillayaa in Khamiista iyana Warbixitooda ladhageysto.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | April 18, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;