Iskumilanka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka waa Lug iyo Luqun Isi Suran
Sharciyadii Talyaaniga ayaa Soomaaliya loo soo minguuriyey markii ay xoriyada
ka qaadatay 1960, waxaana ka dhashay dhaqangelinta xeerarkaas in la qaato
qaabdhismeedka baarlamaanka Talyaaniga iyo kan madaxtooyada. Nidaamkaas cusub
wuxuu xeer ka dhigay in madaxweynaha laga soo doorto baarlamaanka, xilkiisana uu
sii hayn karo oo keliya gudoomiyaha baarlamaanka. Isdhexgalkaas waxaa ka curtay
iskuhiilin u qorsheysan wadashaqeysi aan danta guud u adeegeyn iyo in
isafgaradka dhexmara madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka uu horseedo in
musuqmaasuq xoogan uu ka dhaco codbixinta ka dhexdhacda baarlamaanka marka uu
dooranayo gudoomiyaha ama madaxweynaha. Waxaa intaas wehlisa in gudoomiyaha
baarlamaanka uu marar badan si kusimida u qabto xilka madaxweynaha oo shaqadii
madaxtooyada uu dhinaciisa ka hayo, waxaana sidaas isugu qasban iskudabranaanta
uurka labada hawlwadeen oo ay isku sir qarsan karaan, iskudhexmilankoodana ay
uga faa'ideysan karaan in baarlamaanka iyo madaxtooyada aysan si dhaba u
xisaabtami karin. Waxaa intaas ka sii maldahan marka labadaas howlwadeen oo nina
uu haysto soo magacaabida, kan kalena uu heysto kalsooni siinta
ra'isulwasaaraha, ay labadoodu u heshiiyaan in qaab lahaystanimo ay ugu
adeegtaan ra'isulwasaaraha, haddii uu ka dhego-adeygana ay marsiiyaan
mudnaantiisa sida horayba waayoaragnimo looga qaatay ku dhaqanka maamulxumida ay
jideeyeen madaxda dowladihii kmgka.
Qaabka ku dhisan in madaxweynaha laga soo doorto baarlamaanka aduunka intiisa
badan beri hore ayey ka guureen waayo waa mariinka burcadnimada siyaasada iyo
musuqu ka soo abuurmo, waxaana bedelkeeda la qaatay xisbiyo siyaasadeed oo
madaxweyne ama ra'isulwasaare ay shacabku si toosa ugu soo doortaan iyo in
madaxweynuhu uu soo xusho madaxweyne ku-xigeenkiisa oo ah kusimahiisa rasmigaa,
howshiisuna tahay inuu madaxweynaha ka xigsado culaabta socodsiinta howlaha
dowlada. Waxaa sidaas ku kala baxaya wajibaadka madaxtooyada iyo maamulka
dowlada oo dhinac ah iyo baarlamaanka iyo gudiyada xildhibaanada oo dhinaca kale
ah. Sidaas waxaa ku idlaanaya qaabka ku dhisan dowladnimoxumida oo baarlamaanka
iyo madaxtooyada qarsoodiga la isugu nikaaxay, waxaana madaxtooyada iyo
baarlamaanka u suurtoobeysa si kala madaxbanaan iney howshooda u gutaan.
Dibindaabyada uu reebay gumeystaha waxaa astaan muuqata u ah musuqa laga dhigay
caado-ku-dhaqanka siyaasada Soomaaliyeed, waxeyna dhaxalxumadaas u soo gudbtey
jiilka cusub oo siyaasiyiinta ah, kuwaas oo aan lahayn mabda' siyaasadeed oo ay
aaminsan yihiin. Dhaqanxumadaas waxay bidey in howlmaalmeedkoodu noqdo sidii
looga shaqeeyn lahaa in khilaaf laga dhexabuuro madaxda sare ee dowlada kadibna
lala kala safto oo haddana loogu qeylo-dhaamiyo shisheeyaha ay danahooda
wakiilka uga yihiin si ay madaxdaas iskhilaafsan u soo kala dhexgalaan oo u
dhexdhexaadiyaan, danahoodana sidaas sahlan oo loogu bisleeyey ay ka
meelmarsadaan.
Siyaasada Soomaaliya iney kufto oo hoos u sii liicdo kama baxeyso inta
baarlamaanka ay fadhiyaan oo ay xildhibaano ka yihiin mudaneyaal aan mabda'
lahayn oo marba cidda guuleysata la jaal noqonaya iyo inta ay jirto mudanayaal
doonaya iney xilal ka qabtaan maamulka dowlada. Hamiga nuucaas ah weli wuxuu
muujinayaa dareenka lagu damacsan yahay in maamulka dowlada iyo baarlamaanka ay
shirko noqdaan. Ma jirto caalamka mudane u dhaartay inuu wakiil ka noqdo
shacabka oo loo baahan yahay in uu xaqooda sharci-dejin iyo la xisaabtan ku
difaaco, haddana ay ka suurtowdo isla mudanahaas in uu u dhaarto meelmarinta
amarada dowlada xataa haddii ay ka horimaaneyso danta shacabka. Dadka qaar ayey
ugu muuqata in xildhibaanada ay baarlamaanka u fadhiyaan difaaca danaha
qabiilkooda, degaankooda, iyo dareenka guud ee dadweynaha. Waxaan shaki lahyn
inaad ka niyad jabeysid dhaqanka xildhibaanada marka ay kuu cadaato dantooda
gaarka ah oo keliya iney horkaceyso dadaaladooda siyaasadeed. Marna ha isdhihin
xasaradaha ay abuurayaan ayaa u xaglineysa danta guud. Xildhibaanada waxaa ku
badan ikhyaar marka ay arki waayaan dantooda shaqsiga ah jecel iney kiciyaan
dhibaato degaan ama mid beel si ay ugu gaaraan ujeedooyinkooda meelmari waayey.
Waxaad arkeysa xildhibaanada oo iska indhotiraya dejintii sharciyada lagu dhisi
lahaa maamul-goboleedyada, haddana ka qeybgelaya qas lagu kicinayo qabiil ama
degaan si ay ugu gaagaxsadaan madaxda sare ama ay qiil uga dhigtaan
gacan-dhaafka ay ku hayaan shaqada howlwadeenada maamulka dowlada. Dadka iyo
degaanka waxey noqdeen qalab loo adeegsado danta gaar ahaneed. Meeshii laga
sugayey sharci-dejin guud oo loo sameeyo dalka oo dhan iyo dadka degaanka iney
xeer uga difaacaan xadgudubka dowlada, waxey ku soo biyo shubteen madaxda sare
in la dareensiiyo hanjabaad coladeed iyo in madaxda la garansiiyo halista ka
dhalan karta awooda ay u leeyihiin iney abuuraan qarbudaad siyaasadeed oo lagu
afgembin karo in dowlada dadaaladeedu ay gaari waayaan dhamaan dalka oo dhan.
Waxaa halkaas ka muuqata in xildhibaanku ka tusaale qaadanayo gudoomiyaha
baarlamaanka oo mararka qaar hagoogan xilka madaxweynaha, kana qeybqaadanaya
hawlsocodsiinta maamulka dowlada. Sidaas si la mida ayey rabaan xildhibaanadu
iney hormuud ka noqdaan maamul u sameynta degaanada dalka iyo maamulka dhexe ee
dowlada iney la maamulaan qorshaha siyaasadeed oo lagu meelmarinayo
howlmaalmeedkeeda.
Soomaaliya waa iney heshaa fursad ay madax xalaala ku dooran karto mustaqbalka,
kuwaas oo ku hogaamiya Soomaliya sharafta ay mudan tahay dowladnimada
Soomaaliyeed. Beerlaxawsigii gumeysiga adduunka waa uu ka dhamaaday, wadan
walbana wuxuu u madaxbanaan yahay inuu aayahiisa si xora uga tashado. Caalamku
maanta wuxuu maraya heer waxtarka dowladahooda ay shacabkoodu marqaati ka yihiin
oo kalsoonida shacabka wax kasta laga hormarinayo, meesha Soomaaliya ay weli ka
jirto in adeega danaha shisheeyaha iyo kan deriska wax walba laga hormariyo.
Dadweynaha wadamada adduunka waxey ku nool yihiin dareen wanaagsan oo ay u
qabaan dowladahooda, waxeyna shacabkaas ay dowladahooda ku haystaan adeega iyo
dhowrista xaqooda wadaninimo iyo kuwooda aadaminimo. Haddii xaraanta ka jirta
baarlamaanka aan xal loo helin waxaa Soomaalida ku adkaaneysa in dadweynaha
adduunka ay la wadaagto nolol insaanimo oo horumar leh. Wax kasta oo dalka
xumaan u horseedaya waxaa horkacaya koox xildhibaano ah oo madaxda sare
gacansaar qarsoon la leh, kuwaas oo waxsoosaar ka sameynaya xumaanta ay
abaabulayaan. Sida badan hormuudyada kooxahaas waxaa caado u ah inay ku howlan
yihiin ganacsi siyaasadeed oo wadanka sirtiisa ay dibeda ugu tuugsi raadsadaan.
Hormuudyadaas kooxaha baarlamaanka cid walba xogta ay ka heyso wadanka ayey
dibeda iyo deriska u gacangelisaa si ay uga hesho deeq ay dalka fidno kula dhex
joogto. Waa in aan la sahalsan khatarta ay leeyihiin jiritaanka xildhibaano aan
yareyn oo baarlamaanka wakiil uga ah danaha shisheeye, kuwaas oo had iyo jeer
dalbada in xogta dowlada la soo dhexdhigo baarlamaanka. Maamulka dowlada waa in
sirteeda ay u dhowran tahay, baarlamaankuna uusan noqon saldhiga la isku
weydaarsado xogta qarsoon oo hawlwadeenada maamulka dowlada ku keydsan.
Haddii aysan kalafurmin nikaaxa xaraanta ah ee sida qarsoodiga ah isugu maleegan
oo u dhexeeya madaxtooyada iyo baarlamaanka, waxaa hubaal ah inaan la arki
doonin dowlad Soomaaliyeed oo sharciga dalka u fulisa si ku dhisan xaqsoornimo
daacad ah. Waxaana dhab noqoneysa in madaxbanaani aan Soomaalida lagu maamuli
doonin oo danaha shisheeyaha ay yeelan doonaan mudnaanta kowaad, madaxda
Soomaaliyeedna ay ku meermeeri doonaan dibeda iyo dalaalnimadooda gaarka ah.
Iney si kala madaxbanaan madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka ay
waajibaadkooda u kala raacdaan waxey astaan wanaagsan u tahay heybada iyo
sharafta dowladnimo oo midkasta uu hugan yahay iyo hayadaha waaweyn ee dowlada
oo kala baxsan, laguna kalsoonaan karo dhelitirka islaxisaabtankooda. Waa dadaal
caafimaadqaba in dowlada iyo baarlamaanka ay isku qabtaan sida ugu haboon oo loo
meelmarin karo adeega dowladnimo ee loo fidinayo shacabka. Waxaa dhibaato leh
dowlad uu baarlamaankii, wasiiradii iyo madaxweynihii ay wadatashi guracan
kuwada mideysan yihiin oo sida kutalgalkoodu yahay ay wax walba ku socdaan.
Mucaaradka dowlada gudaheeda iyo kan dibeduba wuxuu horseed u yahay tusmada
wanaagsan ee lagu saxayo qaladaadka muuqda iyo kan qarsoon. Waxaa dhab ah in wax
walba sida loogu talagalay ineysan u soconeyn, waana sidaas mida loogu baahan
yahay in si xilkasnimo leh la iskuxisaabiyo oo la mucaarado wixii qaldan.
Madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka labaduba waxey matalayaan guud ahaan
shacabka Soomaaliyeed, sida uu tilmaamayo xiriirka hogaanka wanaagsan midna kuma
haboona inuu midka kale saaxiib kula noqdo mariinhabaabinta ka dhanka ah
gudashada waajibaadkooda dowladnimo ama iney si wadajira heshiis qarsoodiya oo
talowadaaga ku dhinac maraan meelmarinta quman ee habdhaqanka dowladnimada, taas
oo macnaheedu yahay shirqool ay madaxdaas uga gudbayaan xadka awooda loo
xilsaaray. Meherka sida xaaraanta ah ay isugu xiran yihiin madaxtooyada iyo
baarlamaanka wuxuu nacab ku yahay in siyaasi Soomaaliyeed oo daacada uusan
wadanka hogaamin, wuxuu cadow ku yahay ismaamul madaxbanaan oo ay yeelato dowlad
Soomaaliyeed, wuxuu saaxiib dhow u yahay mariinka iskhilaafka madaxda iyo
faragelin shisheeye oo dalka si dadban u maamusha. Qiimaha madaxweynaha,
baarlamaanka, iyo ra'isulwasaaraha wuxuu qadarin weyn leeyahay marka ay si kala
madaxbanaan masuul walba howsha loo xilsaaray sida ay tahay u qabsado, laguna
tixgeliyo isticmaalka awoodiisa uu xaqa u leeyahay. Halista ay dowlad leedahay
waa marka ay isku dhex-milmaan dimoqaraadiyada iyo kelitalisnimada oo ay ka soo
dhexbaxdo kulitalis leh dhaqan koox kelitalisnimo oo aysan jirin raadraac lagula
xisaabtami karo dhagarta ay dalka ka gelayaan.
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Xisbiga Dadka Soomaaliyeed
saciidciise258@aol.com
Faafin: SomaliTalk.com | April 18, 2013
|