Qoys isku Haystey Dhaxal oo ku Geeriyoodey Weerarkii lagu qaadey Maxkamada
Gobolka Banaadir.
Iyadoo laba Maalmood laga joogo Qaraxii iyo Weerarkii ka dhacay Xarunta
Maxkamada Gobolka Banaadir ayna ku dhinteen Dad fara badan ayaa warar soo baxaya
waxay sheegayaan in Qoys Soomaaliyeed oo isku haystey Dhaxal ay ku Geeriyoodeen
Qaraxyadii iyo Weerarkii lagu Ekeeyey Xarunta Maxakmada Gobolka Banaadir ee
Magaalada Muqdisho.
Qoyska oo ka koobnaa Afar Qof ayaa waxay Maxkamada u tegeen sidii loogu qaybin
lahaa Dhaxal la sheegey in ay isku haysteen , waxaana lagu waramey in Qoyskaas
ay Taagnaayeen Iridda Hore ee laga galo Maxakamda , waxayna ku Wada Geeriyoodey
Qaraxii ugu horeeyey ee ka dhacay Maxkamada Horteeda.

Ma aha markii ugu horeysey oo Qoys Soomaaliyeed ay kuwa Dhintaan Qaraxyada iyo
Madaafiicda waxaana hore Hoobiyayaal iyo Madaafiic la is weydaarsanayey ay
Galaafteen Nolosha Qoysas fara badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo ay ku jireen
Caruur marka ma ah wax Dhegaha Shacabka soomaaliyeed ku Cusub oo hore eyey u
dhaceen Dhacdooyinka Noocaan ah balse tani waxay kaga Duwan tahay iyadoo
Qoyskaan ay isku haysteen Dhaxal .
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | April 17, 2013
|