SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Taliyihii Ciidamada Booliska oo Warqadii Iscasilaada u Gudbiyey Madaxweynaha Dowlada Federaalka.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Generaal Shariif Shiikhunaa Maye ,ayaa Warqadii Iscasilaada u Gudbiyey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud Sida ay baahiyeen Qaar ka mid Warbaahinta ee Magaalada Muqdisho, Ilaa iyo hada lama garanayo Sababta uu isku Casliyo Taliyaha Ciidamada Booliiska hase yeeshee Warar ayay sheegey in ay la xiriirto Ariimo ku saabsan Amaanka Magaalada Muqdisho ka dib markii Dhaawaan Weerar lagu qaadey Xarunta Maxkamada Gobolka Banaadiir

Warar kale ayaa waxay Sheegayaan in Iscasiladda ay tahay mid uu Taliyaha uu kaga hortagayo in Xilka laga qaado sida ay hore u dhacdey Dhawaan ka dib markii uu is Casiley Taliyihii Ciidamada Nabad Sugida Axmed Macalin Faqi waxaana Xilkaas Markiiba loo Magacaabey Taliye ku Xigeen oo Madaxweynaha uu si ku meel gaar ah u Magacaabey.

Waxaa Dhawaan Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh uu Xilkii ka qaadey Taliyihii Ciidamada Miltariga Gen Cabduqaadir Shiikh Cali Diini Waxaana lagu Badeley Generaal kale oo horey uga tirsanaa Ciidamada Qalabka sida hase yeeshee mar aan wax ka weydiiney Siyaasiyiin si aad ula socda Xaalada Soomaaliya ayaa inoo sheegey in Iscasilaadahaan iyo Xil ka qaadistaan ay Dhabar jab ku tahay Dowlada Federaalka waxayna sheegeen in Xiligaan aan loo baahneyn in arrimahaasi ay dhacaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | April 17, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;