SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Nadwadii cilmiga ahayd ee 11-aad oo caawa ka Bilaabatay Masjidka Al-rowda ee Magaalada Boosaaso

Nadwadii sanadlaha ahayd ayaa caawa ka bilaabatay masjidka Al-rowda ee magaalada Boosaaso, cinwaanka guud ee nedwada ayaa sanadkan ah “ Islaamka iyo Qabyaaladda” waxaana ka qaybgelaya qaar kamid ah culimaa’uddiinka waaweyn ee dalka.

Nadwadan oo ah tii 11-aad, waxaa soo qabanqaabiyey mu’assasada Al-minhaaj oo ah hay’ad ku hawlan fidinta diinta iyo horumarinta arimaha bulshada.

Cinwaanka 1-aad ee nadwada caawa ka baxay wuxuu ahaa “ Micnaha Qabyaaladda, Taariikhdeeda iyo Farqiga u Dhexeeya Qabiilka iyo Qabyaaladda”, waxaana ku qornaa sheekh Cabdiraxmaan Bukhaari iyo Sheekh Axmed Faarax Warsame (Garaase).

Sheekh Axmed Yuusuf oo isagu si rasmi ah nedwada u furay, ayaa sharaxaad ka bixiyey sababta sanadkan cinwaanka looga dhigay qabyaaladda, wuxuuna sheegay in ujeedada cinwaankaas loo doortay ay tahay, maadaama uu yahay arrin taagan, islamarkaana ka turjumeysa taariikhda umadda Somaaliyeed.

Qaybta koowaad ee muxaadarada caawa waxaa qaatay Sheekh Cabdiraxmaan Bukhaari, sheekhu wuxuu ku dheeraaday nusuusta sharciga ah ee kusoo aroortay qabyaaladda iyo waxa ay kitaabka qur’aanka iyo sunnada nebigu qabyaaladda ka yiraahdeen.

Sheekhu wuxuu tilmaamay in waxa umadda isu keeni karaa uu yahay diinta Islaamka, balse aysan ahayn qabyaaladda, isagoo xusay in dadku ay ilaahay agtiisa ku kala qiime iyo fadli badan yihiin sida uu iimaankoodu yahay ee ay Ilaah ugu kala dhow yihiin.

*“Qabiilka in laysugu faano, in lagu dagaalamo, in dhiigga lagu xalaashado kitaabka ilaaheyna lagu hooseysiiyo looma abuurin, waxa loosoo dejiyey in ay dadku isku gartaan khayrkana isugu kaalmeystaan”* Sheekh Bukhaari ayaa yiri.

Ugu danbeyntii wuxuu sheekhu kelmeddiisa kusoo gabagabeeyey in midnimada iyo baraaraha umaddu ay ku jiraan in kitaabka Rabbi iyo sunnada nebiga loosoo laabto.

Qabyta labaad ee muxaadarada waxaa qaatay Sheekh Axmed Faarax Warsame (Garaase), wuxuuna sharraxaad kooban ka bixiyey qabyaaladda, waxa ay tahay iyo inta nooc ee ay u kala baxdo.

Sheekh Garaase ayaa tilmaamay in qabyaaladda ay culimada muslimiinta ee casrigani ku qeexeen: isdifaac ku saleysan danta ummad, urur ama qabiil gaar ihi leehay, taasoo keenta in la xaqiro xuquuqda dadka kale.

Mar uu ka hadlayey saameynta ay qabyaaladdu ku yeelatay caalamka Islaamkawuxuu sheegay in qabyaaladdu ay gashay meel walba, isagoo taas ka hadlayana wuxuu yiri:

*“Qabyaaladdu diinta way gashay, waxay ka gashay caqiidada iyo madaahibta, waxayna qayb ka tahay dhibaatooyinka ragaadiyey caalamka Islaamka”*

Nedwadan oo ah mid sanadle ah ayaa soo bilaabatay sanadkii 2003, waxaanasoo qaban qaabiyey islamarkaana fududeeyey muassasada Al-minhaaj oo ah hay’ad ku hawlan fidinta diinta iyo horumarinta arimaha bulshada.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir
xaajidirir@gmail.com

Ahmed Abdille
alwaqaar@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 16, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;