Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed oo cambaareeyey dilka Weriye
Habeeb iyo Labadii Garyaqaan ee difaaci jirtay saxaafadda
Mogadishu, 14 April, 2013 Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ waxa uu
cambaareynayaa weriye Maxamed Xasan Xabeeb oo la taliye dhinaca
saxaafadda u qaabilsanaa maxkamadaha, kana soo shaqeeyay warbaahino
dhowr ah oo ay ku jirto Raadiyaha Qaranka, weerar maanta ka dhacay
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo galaaftay nolosha dad fara badan oo
shacab ah. Isla weerarkaas waxaa lagu dilay Prof. Maxamed Maxamuud Afrax oo
ahaa Guddoomiyaha Golaha Qareenada Soomaaliyeed iyo Avv. Cabdikariin
Gorod oo labadoodaba lagu xasuusto dadaalkii ay u galeen sii deynta
Kiiskii weriye Cabdicasiis Cabdinuur Ibrahim iyo gabadhii dhibanaha
ahayd.
Marxuum Prof. Maxamed Maxamuud Afrax
“Waan la tiiraanyooneynaa dilka weriyaha iyo labo garyaaqaan oo ahaa
difaacayaasha suxufiyiinta,” sidasi waxaa yiri Maxamed Ibrahim oo ah
Xoghayaha Guud ee Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed, isagoo
hadalkiisa sii watana waxa uu yiri, “Anigoo ku hadlaya magaca
suxufiyiinta Soomaaliyeed waxaan tacsi tiraanyo leh u dirayaa dhamaan
eheladii, qaraabadii uu ka baxay weriyaha iyo labada garyaaqaan..” Dilka weriye Maxamed Xasan Xabeeb waxa uu ka dhigayaa kii saddexaad ee
dalka sanadkan gudihiisa.
Marxuum Maxamed Xasan Xabeeb Sidoo kale waxa uu ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed soo
dhoweynayaa go’aanka ay maxkamadda militariga ay dilka kula xukuntay
gacaan ku dhiiglihii ka dambeeyay dilkii Allaha u naxariistee Xasan
Yuusuf Absuge, waxa uuna codsaday in dilalka kale ee suxufiyiinta ka
dhanka la baaro, laguna ciqaabo dembiyadii ay galeen.
-
Laxiriir-
National Union of Somali Journalists (NUSOJ)
Faafin: SomaliTalk.com | April 13, 2013
|