SOOMAALIYA IYO ’SYKES- PICOTKA’ CUSUB
Allaah baa Mahad leh. Ammaan iyo Nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!
Suxufiga caanka ah ee wax ku qora Shaashadda Caalamiga ah ee Al-Jazeera, lana
yiraahdo Xamdi Cabduraxmaan ayaa dhawaan daabacay qoraal dheer oo uu ugu magac
darey Soomaaliya iyo ’Sykes- Picotka cusub’.
Taariikh ahaan Hawraarta ama kelmadda Sykes-Picot, waxa ay ka timid heshiish
dhexmarey Ingiriiska iyo Faransiiska intii uu socday waxa reer Galbeedku ugu
yeeraan dagaalkii koowaad ee adduunka, ee lagaga soo horjeeday dowladdii
Islaamiga ahayd ee Cismaaniyiintii iyo Jarmalka oo gacansaar la lahaa.
Waxa dhacday in labadan dal ee aan soo xusay ay heshiis Qarsoodi ah la galeen
Mashaa’ikhdii Carabta horjoogaha u ahayd iyaga oo ka dhadhaadhicinaya in ay
gooni isu taagaan, kana hoos baxaan maamulka Khallifada Cismaaniyiinta, si ay
suurtagal u noqoto in danaha labadan dal uu u hirgalo.
Heshiiskaa waxa laga qarsanayey oo la diiddanaa in uu qayb ka noqdo dalka
Ruushka oo isna ahaa awood soo baxaysa oo markaa Yurub ka jirtay. Hsehiiskaan
waxaa Mashaa’ikhdaa la saxiixday Wasiirkii arrimaha dibadda ee Ingiriiska, lana
oran jirey Sir Mark Sykes iyo kii Faransiiska oo isna la oran jirey Farncois
Georges-Picot. Ingiriiska waxaa loo oggolaaday in uu muraaqabo ama ilaalin ku
sameeyo, inta u dhexeysa Wabiga Urdun, koonfurta Ciraaq iyo meelo yar-yar oo ay
ku jiraan magaalada dekedda ah ee Xayfa iyo Cagra, oo ay Yuhuuddu dhulboobka ku
qabsatay 1940kii. Ingiriisku qorshahaa wuxuu uga danlahaa in uu marwalba la
socdo wixii dhaqdhaqaaq ah ee ka jira badda Midetereniyanka. Meesha
Faransiiskana loo qoondeeyey in uu isna sooryo u qaato, Koonfurta Bari ee
Turkiga, Waqooyiga Ciraaq, Suuriya iyo Lubnaan, meesha Ruushka lagu sasabay in
uu isna galo Istambuul.
Qoraagu Howraartiisa wuxuu ku bilaabay; shaki kuma jiro in dawladaha ka taliya
dalalka Carabtu ay dhumiyeen dhul baaxad weyn oo Islaamku wujuud ku lahaa, ka
dib markii ay ku mashquuleen, qalcadihii dhaadheeraa iyo jidadkii waaweynaa ee
reer Galbeedku ugu beddelay khayraadkii dalalkooda. Waxayna meesha soo dhigtay
in dowlado fakhri ah ay la wareegaan dhul badan oo lagu tirin jirey dalalka
Carabta, dhulkaa waxaa ka mid ah Soomaaliya, oo aad mooddo in laba dal oo
gacanta u hoorsada madaxda Carabtu uu u gacan galay iyaga oo qol ku xirtay kuwa
ku magacaaban dowlad ku sheegga Soomaalida.
Qoraagu wuxuu tilmaamay dalalkaas, isaga oo ku sheegay Itoobiya iyo Keenya,
wuxuuna carrabaabay in ay heshiish qarsoodi ah lagaleen nimanka ugu sarreeya
dowlad ku sheegga Soomaalida, lana gaarey is afgarad aan sharciyad iyo qoraal
taam ah midna lahayn lana yiraahdo ”Memorandum of understanding”. Isfahamkaani
wuxuu dhigayaa in dhulka Soomaalida wixii khayraad ah ee ku jira ay heshiis ku
yihiin saddexdan qaybood oo midi tahay tan loo heshiiyey kheyaraadkeeda, waa
Soomaaliyee, laakiin labada kale ay yihiin kuwo koobkooda wata oo qaadanaya waxa
ayan iyagu lahayn oo cid kale leedahay. Heshiiskan ujeedooyin badan baa ka
dambeeya oo ku salaysan xagga siyaasadda dhulka (Geo-politics), waxaana ka mid
ah in ay meesha laga saaro hammigii ahaa in dhulka Soomaalidu yahay dhul ka mid
ah dhulalka Carabta, waxaana dhibaatada uga badani la soo dersaysaa ayaa qoraagu
sii raacshay dalka Suudaan oo isagu ah dal Muslim ah haddana Carab ah. Tuhunka
arrintani wuxuu soo baxay markii ay qol mugdi ah oo albaabadu u laaban yihiin ay
wada galeen saddexda qolo oo aan soo xusay, iyada oo laga qariyey dalalkii kale
ee xubnaha ka ahaa waxaa loogu yeero IGAD oo ay ku midaysanyihiin dalal dhowr ah
oo Suudaani ka mid tahay.
Kulankaa Qarsoodiga ahna waxa loogu magacdarey; Nabad ku soo dabbaalidda
Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ”Stability Plan Great for Southern and
Central Somalia, wuxuuna dhacay 6dii December 2012kii. Waxaa shirkaa
gardaadinayey u qaybsanaha xagga arrimaha nabad ku soo dabbaalidda Soomaaliya ee
IGAD, ahna wasiirka Arrimaha dibadda dalka Kenya Kiroto Arap Kirwa, wuxuuna
howlwadeen ka yahay xafiiska Madaxbannaan IGAD, xaruntiisuna tahay magaalada
Addis-Ababa ee dalka Itoobiya. Waxaana dhacday in la yareystay dalalkii kale ee
IGAD ka mid ahaa, taas oo u ’eg in arrimahani ay yihiin arrimo u gaara Itoobiya
iyo Keenya.
Haddii ay dhacday in IGAD dhexdeedu ay u kala dhuumanayso arrimaha Soomaaliya,
miyaan la oran karin isfahamkani wuxuu la mid yahay kii ay goonnida ula gaareen
Sykes-Picot mashaa’ikhdii Carabta ee aan waxba kala ogeyn, qarni ka hor. Qoraagu
wuxuu muujinayaa dareen ah in Itoobiya iyo Keenya ay helayaan sharciyad u
oggolaanaysa in markii ay doonaan faragelin ku sameyn karaan siyaasadda iyo
amniga Soomaaliya, taas oo ka dhigan in uusan jirin wax ka xannibaya in
ciidamadoodu hor iyo gadaal isu daba maraan iyaga oo aan u baahneyn oggolaansho
caalami ah. Heshiishkani wuxuu daba socdaa ka dib markii Madaxa Wasiiradda ee
cusub ee dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn uu bishii November ee kal hore
booqasho ku tagay dalka Keenya, isaga oo Keenya ka dalbaya ama u sheegaya in ay
Kenya tahay saaxiib weyn oo ay Itoobiya leedahay, lagama maarmaana u ah iska
kaashiga arrimaha Soomaaliya. Qorshaha ay ku talagaleen ayaa ah in ay faragelin
joogta ah ku samaynayaan saddex qaybood oo Soomaaliya ka mid ah.
1. Deegaanka Koonfurta Soomaaliya, ayn ku taal Magaalada Dekedda ah ee Kismaayo,
waxaa isfahamku dhigayaa in ciidammadda Keenya ay ka samaystaan waxaa loo yaqaan
Buffer Zone, taas oo u dhigma kan Yuhuuddu ka samaysatay Koonfurta Lubnaan iyo
Buuraha Golan-Height, si mar walbaay Keenya gacan ugu yeelato siyaasadda
Soomaaliya.
2. Gobolladda dhexe, oo ay Hiiraan ka mid tahay, Itoobiya waxay ka ankumaysaa
maamul Goboleed iyada ka Shidaal qaata si mar walba ay Itoobiya majaraha ugu
hayso qaybo ka mid ah siyaasadda Soomaaliya, taas oo meesha ka saareysa in
dowlad xor oo Soomaalidu leedahay ay meesha timaaddo.
3.Deegaanka saddexaad oo ay ku jirto Caasimaddii dalka, Muqdisho, waxa iyana
hoggankiisa lagu wareejiyey ciidammadda nabad ilaalinta ee loo yaqaan AMISOM,
kuwaas oo daamanka u haya Itoobiya iyo Keenya in aan waxyeello looga gaysan.
Qoraaga oo ah nin ay hadaladiisa ka dhadhamayso waddaniyad ayaa madaxda Carabta
kula talinaya in ay mudan yihiin in ay u gurmadaan walaalahooda Soomaaliyeed
maaddaama ay muuqata in arrimahoodii la geliyey gacmo shisheeye oo aan Carab iyo
Muslim midna ahayn. Wuxuuna ku soo gabagabeeyey in qaybsigan cusubi uu yahay mid
meesha ka saarayo hammigii iyo riyaddii Soomaalaidu ay waligeedba ku taami
jirtey taas oo ahayd in Soomaaliweyn ay soo noqoto gacanta cadowgana ka xorowda,
laakiin taa waxa beddelay in kuwii ka badbaaday gumaysiga Itoobiya iyo Keenya ay
maanta mindidu dulsaarantahay, una muuqda kuwo la sii kala googoynayo.
Wa Billahi Towfiiq
Suldaan Maxamed Suldaan
Garyare (Abu-Cabduraxmaan)
Faafin: SomaliTalk.com | April 14, 2013
|