SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN

Xidhibaan Cabduqaadir Sandheere “ Arrinta Kismaayo Waxay Dabadda la Gashey Norway”

Dowlada Norway :Waxaa Tihiin Norwegian, Soomaalina waa tihiin Norway Dan weyn bay ka leedahaya Soomaaliya.

Kulan ay isugu Yimaadeen Qaar ka mid Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda Federaalka ayaa waxaa si weyn looga doodey Arimaha Kismayo Haatan ka taagan iyo Galaangal ay Dowlada Noway ku leedhaya arrimha Maamul u sameynta Gobolada Jubbooyinka oo haatan uu ka taagan yahay Muran aad u Xoogan kaasoo ku aadan qaabka loo wajahayo Maamul loo sameeyo Goboladaas.

Kulankaas Markuu soo Idlaadey Waxaa Saxaafada la Hadley Xildhibaan Cabduqaadir Maxamed Aadan Sandheere oo yiri “Markii Maamulada laga sameynayey Soomaaliland ,Pundland ee hatan Jira Muddo Dheer ,Norway , Faransiis , Kenya iyo Itoobiya Ma joogin inagaa ka marqaati ah Cid Fargeliseyna ma jirin , Cid Dhaqaale ku Bixisey ma jirin iyagoo is Abaabuley oo Maamul sameystey Mudadaas ay jireen kuwa Dastuurka u sameynayey Qaar baa ila Degenaa Boston waad aragtaan halka ay marayaan , haddii qabiil laga hadlayana kuwa aan soo sheegey baa qabiil ku Dhisan marka Maamuladaas lama taaban oo lagama hadal ee Aniga maxaa na loo haystaa ayaa dadka qaarkii ay ka soo yeertey , adinka waxaa la idiin haystaa dadkii Gobolka oo aan u dhameyn waxa hadda la wado, Gaalaa wadataan,iyo Badda halkaa ku taal oo la og yahay in Laba goor Baarlamaanka la horgeeyey oo aan diidney , waan ognahay in Kismaayo la riixayo” Waxaa uu sii raaciyey

“Meel baa hadda Jirta oo arrinta Badda lagu soo qaadey oo ay Fadhiyaan dad Somaaliyeed , waxaa Xaqiiqo ah in arrinta Kismaayo ay Dabada la gashey Norway , aniga Af Dowladeed kuma halayo waxaan ahay Xildhibaan Dowladda Norway waxay Shirisey dadka Soomaaliyeed ee haysta Dhalashada Wadankaas sidoo kale Wasiirka arrimha Gudaha waxaa uu Shiriyey Soomaali fara badan oo ku nool Wadankaas oo aan is aqoon , waxaa la yiri “Norwegian baa tihiin, Nasiib badan baa leedihiin , Soomaalina waa tihiin Dowlada Norway Dan weyn bay ka leedahay Soomaaliya arrintaa baa la rabaa in aad ka noqotaan Hormuud , waxaa idiin ku yeerney in aad Shaqadaas u istaagtaan oo wax nala qabataan, sidaa darteed Dadka Soomaaliyeed ee Qoxootiga ku ah Wadankaas qofba mar buu tagey waxay ahayeen Dadka loo yeerey dad Professional” wuxuu intaa ku darey Xidhibaan Sandheere

“Waxaa si cad loo yiri waa in aad taageertaan Jubbaland ,waayo waxaa tihiin Norwegian, markii horana Soomaali baa tihiin u fiirsada arrinta Soomaali iyo Norway ma aha , waxaan nahay wadan baaba’san oo u u baahan in la Maal gasho soo dhawaada oo noo soo Saara Shidaalka, Sheekadu arrinta sidaa ma aha , danta Norway waa Jubbaland , Buuga yarka ee Federaalka iyo Dastuurka Norway Lacag badan baa uga baxdey Qodobada qaar iyagaa qorey sida aan is leeyhaya “

Dhinaca kale waxaa Dalka maanta dib ugu soo laabtey wafdigii uu Hogaaminayey Gudoomiyha Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo isagu markii uu soo degey waxaa uu ka qayb galey Sanadguuradii 53 aad ee markii la aas aasey Ciidanka Xooga Dalka soomaaliyeed ,waxaana Wafdiga uu Gudoomiyaha Baarlmaanka uu ka yimid Wadanka Norway ka dib markii uu Martiqaad ka heley Wadankaas.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com | April 13, 2013

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

Copyright © 2013 SomaliTalk.com All rights Reserved.;