Lacagtii Dowladda oo Tabeelayaal u Dhamaatey !!
Anigoo Hormaraya Agagaarka lamabar Afar ayaa waxaan ku leexdey nin aan Dadiisa
ku qiyaasey in uu jiro 45 Sanno waxaa markaa ku Mashquulsan yahay Boor halkaa ku
yaal oo ku qornaa “Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa Diwaanka Taariikhda ayaa loo
gelinayaa Aqoonsiga Mareykanka “ markiiba waxaan weydiiyey walaal maxaad ugu
Deygagtey Boorkaan markaasuu yiri “Adiga maxaa tahay “Markaas baan ku iri aniga
waxaan ka tirsanahay Qolooyinka Warfaafinta “inta si aad ah ii fiiriyey ayuu
yiri”aad baan kuugu baahanay “waxaan ku iri sidee wax u jiraan” Maya Maya wax
kale ma jiraan ee waxaan rabaa in aad wax ka qortid Boorarakaan Tirada badan ee
maalin weliba Madaxda Dowlada isku Xayeysiinayaan “markaas baan ku iri “maxaa ku
jaban in sidaan ay isku Xayeysiiyaan “Maya walaal sidaa ma aha ee waxaan rabaa
in aad wax ka qortid Dhaqaalaha faraha badan ee ku baxaya Boorarkaas “.
Waxaa markiiba Bilaabey in aan u Kuur Galo oo si Xuuraansi ah u baaro Dhaqaalaha
ku baxa Boorarkaas iyo halka laga keeno ,waxaana ii soo baxay in halkii Boor uu
ku Baxo lacag gaareysa Lix Boqol oo Doolar , hadaba Su’aasha is weydiinta Mudan
waxay Tahay haddii Halkii Boor uu ku baxo Dhaqaale intaa la’eg imisa Boor baa la
soo dhigey Wadooyinka Muqdisho , Dhaqaalahaasi faraha badan ee ku baxay
Boorarkaas. imisa Qof oo Soomaali ah oo maanta Beerka Dhulka ku haya Gaajo
Awadeed oo Nafta ku Ceshan lahaa,,waxaa Dhab ah Boorarkaas ay Masruufi karaan
Qoysas badan waa Tiro aad u badan sidoo kale waxaan Ogaadey in Qandaraas lagu
siyey Shirkado kuwaas oo si toos ah ugu xiran Dowladda , markiiba waxaan wacay
ninkii arrintaan ii iftiimiyey waxaan weydiiyey waxaad iiga warantaa Xaaladaada
Noloshada “markaasuu afka Furtey oo yiri “Haddii aan si dhab ah kaaga waramo
Xaaladeyda marka ugu Horeysa Caruurtteyda iyo Xaaskeyga maanta waxay jiifaan
meel Qorax ah oo Baahi nagu dishey ka dib markii halkii aan degeneyn si Xoog ah
nalooga saarey iyadoo Xitaa aan Wax Ogeysiin ah nala siinin weliba waxaan
ogaaney in dadka kale ay doonayaan in ay Dhistaan si ay Dhaqaale halkaa uga
Abuurtaan marka aniga keliya ma ihi Qoysa fara badan baa maanta sideyda oo kale
Boga beerka ku haya marka anaga iyo Dowlada waxaan nahay laba kala Baridey kala
War la’ “
Waxaan weydiiyey Maxaad Dowlada ugu Ogeysiin weydeen arrintaan ? markaasuu
isagoo Careysan yiri “Waxaa moodayey in Dowlada ay u dhalatey dadka Danta yarta
ah hase yeeshee dad bay maanta ka taagan tahay Dagaaladii baa roonaa oo Nabadii
waa nooga dartey war miyeysan Dowlada lahayn dad la taliya oo uga soo warama
Nolosha Dhabta ee ay ku nool yiihin Shacabka marka Madax Wadankooda Dhistey
Dadkoodana ka war qaba baa is Xayeysiiya ,Maalin Dhaweyd waxaa Maqley Raiisul
Wasaaraha Ingiriiska oo Shir ka socdey Wadanka Belgaum isagoo Shirkii dhex
fadhiya ayaa waxaa u soo dhacay Fariin (Message) ah in Nin Ingiriis ah la
Afduubtey , markiiba Waraaqihii buu inta iska Duubduubtey buu Shirkii ka baxay
marka Halka Qof oo la afduubtey baa Shir looga baxay,marka u Maleynmaayo haddi
Boqolaal inta la Dilo ama la Afduubto in ay Madaxdeena uga bixi doonaan Shirar
marka imsa Soomaali ah baa maanta Dalka Dibadiisa iyo Gudihiisa ku dhibaateysan
waxaa ka si yaab badan in Todobaadkaan Madaxdii oo dhan Dalka ay ka maqnaayeen
Welibana Madaxweynaha waxaa la ii sheegey in uu ka qayb galayey Caleemo saarkii
Uhuro Kenyatta Soomaalida waxay Tiraahdaan “Saan Saan ku Gud “ waayo Xitaa Ergey
uma soo dirin Kenya Caleema Saarkii Madaxweyne Xasan Shiikh marka waxay ahayd in
uu Ergey u diro ama Wasiir “ayuu yir ninkaas sida aadka ah ula yaabanaa Boorarka
ay isku Xayeysiinayaan Madaxda Dowladda ee Dhaqaalaha badan ku baxay . “Dowladaan sidey u Dhalatey Cid u jeeda ma jirto Danyartii waxaa socda arrimo
fara badan oo Dowlada laga rabey in ay wax ka qabto waxaa Jira Dhul Boob aad u
baahsan weliba Dhulki Danta Guud , Dugsiyadi waxaa la siiyey Dad Dhaqaale Doon
ah , Waxaa jira Sicir Barar aad u baahsan, Waxaa dib u soo laabtey
isbaarooyinkii ,Waxaa Canshuur lagu kordhiyey wixii ka soo degayey Dekeda
Muqdisho, Garsoor ma jiro, Maamuladii la yiri dadka ha soo doortaan Kor baa
looga keeney , Wax ka qabasho la’aanta arrinta Kismaayo , Jawaab la’aanta
Dowladda Dilalkii loo geystey Dhalinyaradii lagala baxay Xabsiyada , la
Xisaabtan la’aanta Hayadaha iyo Dowladaha Mashaariicda ka wada Muqdihso Tusaale
“Dowladda Turkiga waxay Dhiseysey Wadooyinka Muqdisho gaar ahaan meelaha ay
dadka Marayaan (Marshibiyeedi) hase yeeshee Dhismayaashaas waxaa ka soo baxay
Dhaliilo waa waaweyn waayo Roob aad u yar oo dhawaan ka da’ay Muqdisho ayaa qaar
ka mid Dhismayaashaas la tageen Roobabkii maxaa moodeysaa haddi Roob weyn uu
Da’o marka waa dhaqaale meel Cid la’ah ku baxay . Safarada Tirada badan ee
Madaxda Dowladda”ayuu yiri ninkaas sida weyn uga Caroodey Xayeysiinta Madaxda
Dowladda
Guntii iyo Gabgabdii In aan ka hadlo Boorarka waxaan doonayey in wax badan aan
ku Iftiimiyo waxaana hore u sheegey in uu ku baxay Dhaqaale badan iyadoo taasi
ay jirto ayaa waxaan mararka qaar Madaxda Dowlada aan ka maqlaa iyadoo ay
leeyihiin , Barnaamijkaas Fulintiisa waxaa uu u baahan yihiin Qorshe marka waa
la yaab Ruux Haraad haye ama Biya u baahan haddii aad tiraahdid 10 Maalmood ka
dib Qorshe aan dejiyey ayaan Biya kuugu siinaya waa wax aan la aqabali Karin
marka Dadkaan waxay u baahan yihiin in horey Biya laga siiyo waayo waxay ku
jiraan Nolol Dhiig Joojin u baahan oo Qorshe la dejiyey kama gaari karaan ,
waxaan Barnaamijka Qorshe Dejinta ku dhaqma Dowladaha dhinac waliba ka hormarey
marka waxaan Dowlada aan kula talinayaa in ay joojiyaan Boorarka ay isku
xayeysiinayaan waayo Dhaqaalahaasi waxaa u baaahan dad aan u fara badan oo
maanta Xaalada ku Xun tahay marka in ay maanta dadka qaar ay yiraahdaan
Dagaaladii baa noo roonaa, in arrinta halkaas la Gaarsiiyo ma ha wax la
Dhayalsan karo Dadkana uma baahna in Wadooyinka la isku Xayeysiiyo ee waxay u
baahan yihiin wax qabad dhab ah oo si Qoto dheer hoose loogu eego Noloshooda . W/D Amiin Yuusuf Khasaaro E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Faafin: SomaliTalk.com | April 11, 2013
|